Uganda oo Safaarad ka furanaysa Muqdisho
Muqdisho (KON) - Dowlada Uganda ayaa shaacisay inay doonayso in ay Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho ka furato Safaaradeeda, si loo micneeyo in qeyb ay ka tahay horumarka iyo ifafaalaha Nabadeed ee la dareemayo.
Dhanka kale Uganda ay tibaaxday in wadanka Soomaaliya oo dagaalo ay aafeeyeen haatan uu u muuqdo mid soo kabsanaya.
Wasiirka arimaha dibada dalka Uganda Okello Oryem,oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaca ka qaaday in Uganda damacsan tahay inay adkeyso xariirka ay la wadaagto Soomaaliya iyo in la iska kaashado arimaha la xariira ammaanka iyo dhaqaalaha.
Dowlada Uganda ayaa waxay ka mid tahay dowladaha caawiya Soomaaliya ciidamadeedana ugu deeqday Soomaaliya si Al-shabaab ula dagaalamaan.
Share this page
More News
- Marin habaabinta Xaqa ee Jubbooyinka // Xaaladaha taagan ee Jubbooyinka
- Maansada: HAL AQOON
- HA DHALIILIN AADMIGA ADIGOON WAX DHEERAYN! // Suugaan - Daawo
- Dib-u Noolaynta Waxbarashada Soomaaliya // Dowlada oo Shir heer Qaran ah furtay
- Hog. ka tirsan Maleeshiyada Raaskambooni oo Dhaawac loogu geestay Kismaayo
Don’t steal content!
We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.