Logo of Keydmedia KEYDMEDIA

Thursday 18 June 2015 16:38

Uhuru Kenyatta: Cabsida Al shabaab Ciidankeena ugama soo saareyno Soomaaliya

Nairobi (KON) - Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, ayaa sheegay in Ciidanka Kenya ee qeybta ka ah AMISOM aan looga soo saareynin dalka Soomaaliya Cabsida Al shabaab.

Teaser Image Uhuru Kenyatta: Cabsida Al shabaab Ciidankeena ugama soo saareyno Soomaaliya

War Saxafadeed uu soo saaray ayuu ku sheegay inaysan jirin Wararka la isla dhexmarayo dalka Kenya ee ah in Dowladda Uhuru Kenyatta, ay dejisay Qorsho Ciidankeeda ugala soo baxayso Soomaaliya.

Kenyatta oo kula kulmay South Africa Hogaamiyaasha dalalka Ciidanka ka joogaan Soomaaliya sida Burundi, Djibouti, Ethiopia iyo Uganda ayuu u sheegay in Doorka dalkiisa ee ku aadan Howlgalka Midowga Africa yahay mid cad, isagoo taasi ula jeeda in Ciidankiisa laga saaraynin Soomaaliya.

Uhuru Kenyatta ayaa hadalkan uga jawaabayay War uu siiyay Warbaahinta Xildhibaanka lagu magacaabo Ciidanka Kenya Yuusuf Xaaji uu ku sheegay Horaanta Bishan in Ciidanka Kenya laga soo saarayo dalka Somaaliya si amngiga Wadankaasi u wanaagsanaado.

Ciidanka Kenya, ayaa soo galay dalka Soomaaliya Bishii October 2011, waxaana ay hadda kamid yihiin AMISOM oo u qaabilsan yihiin Dagaalka Jubbooyinka ee ka dhanka ah Al shabaab.

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho

 

Share this page

More News

Don’t steal content!

We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.

back to top