Logo of Keydmedia KEYDMEDIA

Did you noticed the English version?

Friday 7 December 2012 11:54

Ururka SOMA: Waa in aan Aqoontayada ku Badbaadinaa Bulshada Soomaaliyeed

Moqadisho (KON) - Taqaatiir Soomaaliyeed oo ka Qalinjabiyey Dalka Shiinaha ayaa waxaay u tafaxayteen sidii ay u Caawin lahayeen Bulshada Somaliyeed oo ay heysato Dhibaato Caafimaad iyo Daryeel la’aan.

Teaser Image Ururka SOMA: Waa in aan Aqoontayada ku Badbaadinaa Bulshada Soomaaliyeed

Kooxdaan Aqoonyahanadaa oo uu hogaaminayo Madaxa Ururka SOMA (Somali Overseas Medical Association) Mohamed Ciise Raage ayaa soo gaari doona Caasimada Somaliya ee Muqdisho si ay halkaasi ugu kuura galaan Cudurada ugu badan ee Dadka Somalida ay qadaan iyo Qalabyada Hospitalada lagu Isticmaalo, si ay u ogadaan Xaalada Dhabta ah ee ka jirta Wadanka Somaliya , islamarkaana ay wax uga qabtaan.

Haddaba waxaa Wafdigani kulamo la qaadan donaa Madaxda Dowlada iyo Maamulka gobolka Banaadir si ay ugu wada hadlaan sidii Dhaqaatiir ka socota Dalkan China ay u imaanlahayeen Muqdisho si ay halkaasi uga fuliyaan adeegyo Cafimaad oo ay u qabanayaan Bulshada Somaliyeen bilawga Sanadka Cusub.

Ururkan laga Aas’aasay Dalka Shiinaha ayaa ah ururkii ugu Horeeyey oo ka shaqeeya Arimaha Cafimaadka , Waxaana uu ku howlan yahay sidii Hospital wayn oo lagu Dawayn doono Maqaarka Jirka (plastic surgery) iyo is Qurxinta jirta kaasi looga furi lahaa Caasimada Somaliya ee Muqdisho.

C/kadir Saciid Cali Gaani

Keydmedia Online - Xafiska Muqdisho

Share this page

More News

Don’t steal content!

We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.

back to top