WAR DEG DEG AH:- Maleeshiyaadka Al-Shabaab oo lagala wareegay Jowhar
Jowhar (KON) - Wararka aynu ka helayno degmada Jowhar waxa ay sheegayaan ciidamada dowlada Soomaaliya ay goordhow gudaha u galeen Magaalada Jowhar, ka dib markii ay ka baxeen Al-Shabaab.
Wararka ayaa sheegaya in ay si nabad ah ku galeen magaalada ciidamadaan ayagoo ay la socdaan ciidamo ka tirsan AMISOM, waxaana magaaladu haatan xaaladeeda ay tahay mid degan.
Dadka deegaaka ayaa isugu soo baxay wadooyinka iyadoona aysan jirin wax dagaal ah oo halkaasi ka dhacay, waxaana dadka deegaanka ay daawanayaan askara soo galay magaalada.
Ciidamada dowlada oo saakay ka dhaqaaqay deegaanka boorow oo dhanka koonfur ka xiga magaalada Jowhar iyadoo markii dambe ay gudaha u galeen magaalada.
Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho
Share this page
More News
- Marin habaabinta Xaqa ee Jubbooyinka // Xaaladaha taagan ee Jubbooyinka
- Maansada: HAL AQOON
- HA DHALIILIN AADMIGA ADIGOON WAX DHEERAYN! // Suugaan - Daawo
- Dib-u Noolaynta Waxbarashada Soomaaliya // Dowlada oo Shir heer Qaran ah furtay
- Hog. ka tirsan Maleeshiyada Raaskambooni oo Dhaawac loogu geestay Kismaayo
Don’t steal content!
We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.