Warar dheeraad ah oo kasoo baxaya Qaraxii ka dhacay Dhuusamareeb - Daawo
Dhuusamareeb (Keydmedia) - Maamulka Ahlu Sunna ee ka taliya qaar ka tirsan Goboladda Dhexe ee Dalka Soomaaliya ayaa ka warbixiyay Qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee shalay gelinkii danbe ka dhacay magaalada Dhuusamareen ee Xaruunta gobolka Galgadudd.
Duraan Cali oo kamid ah Guddiga fulinta Ahlu Sunna oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Ciidamada Maamulkiisa ay wadaan Baaritaano ku aadan qaabkii uu u dhacay Qaraxii shalay iyo Meesh laga soo abaabulay..
Duraan ayaa xusay in Ciidamada Ururka Ahlu Sunna ay ka wadaan Magaalada Dhuusomareeb Baaritaano xoog leh oo ay ku daba galayaan sida ugu suura gashay Qofkii is qarxiyay in uu isku qarxiyo Maqaayada ay ku sugnaayeen Mudanayaasha ka tirsan baarlamaanka KMG Soomaaliya iyo weiba Siyaasiyiintii kale.
Qaraxii shalay ayaa waxaa fuliyay Qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa oo galay Gudaha Maqaayad ay ku sugnaayeen mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka KMG Soomaaliya halkaasi oo ay ku nafwaayeen ilaa Labo mudane baarlamaan halka ay Khasaaro kala duwan kasoo gaartay Siyaasiyiin kale iyo weliba dad Shacab ah oo ku sugnaa goobta maqaayada ah ee Qaraxa uu ka dhacay.
Yuusuf Mire Seeraar, Xildhibaan C/wali Max’ed Max’ed Max’ud oo ahaa Xildhibaano ka tirsan Barlamanka KMG ayaa ku geeriyooday Qaraxa, kuwaasi oo u joogay Gobolkaasi sidii Maamul loogu samayn lahaa.
Dadkii ku dhaawacmay Weerarka oo ay kamid yihiin Axmed C/salaam Xaaji, Xildhibaan C/risaaq Isaaq Biixi iyo sidoo kale Xuseen Warsame Samatar ayaa saakay waxaa la dhigay Isbitaallo ku yaalla magaalada Guriceel isla Gobolka Galgadudd, kuwaasi oo tiro ahaan ku u dhaafaya 20 Qof.
Keydmedia.net - Xafiiska, Muqdisho


Share this page
More News
- Daawo: Weerarkii Xarunta UNDP - Faahfaahin
- Weerar lagu soo qaaday Xarunta UNDP ee Muqdisho // Dhimasho iyo Dhaawac
- Xaalada Kismaayo: Isku Socod La’aan, Goobihii Ganacsiga oo Xiran
- Marin habaabinta Xaqa ee Jubbooyinka // Xaaladaha taagan ee Jubbooyinka
- Maansada: HAL AQOON
Don’t steal content!
We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.