Wararkii ugu Dambeeyay Dagaal khasaaro dhaliyay oo Maanta ka dhacay Gedo
Warar dheeraad ayaa ka soo baxaayo dagaal khasaaro badan dhaliyay oo maanta Ciidamada Amxaarada ee dalka ku soo duulay iyo kuwa TFG-da oo isku dhan ah iyo Maleeshiyaadka kooxda Shabaabka ku dhex maray gobbolka Gedo ee Koonfur galbeed Soomaaliya.
Dagaalkaan ayaa waxaa uu ka dhacay deegaanka Bohol Bashiir ee xadka gobolada Gedo iyo Bakool, waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyto dhaawac soo kala gaaray Ciidamada dagaalamay.
Dagaalka ayaa ka dambeeyay kadib markii Maleeshiyaad ka tirsan kooxda Shabaabka ay jidka u galeen Ciidamo isugu jiray Soomaali iyo amxaaro maraayay inta u dhaxeyso Boho l Bashiir iyo Degmada Luuq ee gobbolka Gedo.
Nin u hadlay Maleeshiyaadka Shabaabka waxaa uu sheegay in ay ku gubeen mid kamid ah gaadiidka dagaalka ee Ciidamada amxaarada ay wateen.
Ilaa hadda inta la xaqiijiyay 10 ka tirsan dhinacyadii dagaalamay ayaa ku dhintay dagaalkii maanta, ayadoona khasaaraha dhaawaca uu intaasi ka badanyahay.
Saraakiisha TFG-da la weeraray oo aan isku daynay inaan la xariirno ayaan noo suura galin sababo la xariiro xaga Anteenada isgaarsiinta deegaanka uu dagaalka ka dhacay oo aad u liidatay.
Xaalada ayaa wali kacsan waxaan goobtii lagu dagaalamay ka jira saan saan colaadeed oo aad u xoogan.
Wararkii ugu dambeeyay ee ka imaanaayo deegaanka Bohol Bashiir ayaa sheegaya in Maleeshiyaadkii Shabaab ee weerarka soo qaaday ay ka carareen goobta uu dagaalka ka dhacay kadib markii ay ka war heleen Ciidamo aad u fara badan oo amxaaro ah oo ku soo wajahn deegaanka.
Keydmedia.net - Xafiisa, Kismaayo
Share this page
More News
- UN-ka oo Joojineysa Hawlihii ay ka waday Bari iyo Faroole oo Awaamiir soo rogay
- Warbixin: Xildhibaanadii ka soo horjeeday xukuumada oo ka laabtay mooshinkii ay wadeen
- Al-Shabaab oo ka hadlay weerarkii lagu qaaday madaxtooyada Soomaaliya
- Galmudug oo Cambaareysay Mooshinka ka dhanka ah Xukuumada RW Saacid
- Maamulka G/Banaadir la kulmay Hay’adaha Mashaariicda ka wada Muqdisho
Don’t steal content!
We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.