Wasaarada Maaliyada oo Sheegtay Lacag aysan ogayn in aan laga qaadi Karin shacabka
oqadisho (KON) - Wasiirka maaliyada xukuumada ee Soomaaliya Maxamuud Xasan Suleymaan ayaa sheegay inay soo saareen amar in aanan shacabka Soomaaliyeed anan laga qaadi Karin lacag anan shar ahayn.
Asagoo warbaahinta kula hadlayay magaalada Muqdisho ayaa wuxuu sheegay in cid waliba oo lacago sharci daro ah ka qaada shacabka laga hortagi doono isla markaana talaabo sharci ah laga qaadi doono.
Wasiirka ayaa sidoo kale wuxuu sheegay in xukuumada Soomaaliya ay soo saari doonto nidaam lagu maareeyo lacagaha laga qaado ganacsatada alaabaha kala soo dega degkamada magaalada Muqdisho.
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa laga qaaday isbaarooyin badan oo dhexyaalay ka dib markii Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu amar ku bixiyay arintaasi.
Joojinta lacagaha sharcidarada ah ee laga qaadi jiriray dadka shacab ah ah iyo gaadiidlayda ayaa waxaa si weyn u soo dhoweeyay dadka magaalada Muqdisho kuwaasi oo ku tilmaamay talaabadaan mid faa’iido badan leh.
Keydmedia.Net
Share this page
More News
- Baarlamaanka oo ka doodaya mooshinka looga soo horjeedo xukuumada
- Somaliland: Deeqda caalamka nooma soo marayso dowlada Soomaaliya
- Hambalyo Waamo State… iyo Baaq ku Socda Dowladda Soomaaliya
- Gudoonka Baarlamaanka oo digniin u diray qaar ka mid ah xildhibaanada
- AMISOM oo ka hadashay howlgalo ka socda Muqdisho
Don’t steal content!
We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.