Wasiirka Gaashaandhiga oo sheegay ciidamo Boolis ah in la gaynayo Jowhar
Muqdisho (KON) - Wasiirka Gaashaandhiga xukuumada Soomaaliya oo markii ugu horaysay tagay magaalada Jowhar markii laga saaray Al-Shabaab ayaa wuxuu ka hadlay xaalada magaaladaasi.
Wasiirka ayaa sheegay in xaalada magaalada Jowhar ay tahay mid wanaagsan isla markaana amaanka magaalada uu yahay mid sugan oo leesku halayn karo.
Wasiirka Cabdixakiin Xaaji Fiqi ayaa sheegay in ciidamo nabad sugid ah la geeyay magaalada Jowhar kuwaasi oo hordhac u ah ciidamo amaanka xaqiijinayo.
Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in magaalada Jowhar lagayn doono ciidamo boolis ah oo ka qaybqaata sugida amaanka magaaladaasi maadaama haatan ay soo gashay gacanta dowlada.
Fiqi ayaa sheegay in qabashadii magaalada Jowhar ay aheyd mid ay ka shaqeeyeen saraakiisha ciidamada dowlada Soomaaliya isagoo xusay in adkeynta amaankana ay iska kaashan doonaan.
Jowhar ayaa iminka waxaa gacanta ku haaya ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM inkastoo Shabaab ay ku sugan yihiin deeganada kale ee Gobalkaasi ka tirsan.
Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho
Share this page
More News
- Daawo: Weerarkii Xarunta UNDP - Faahfaahin
- Weerar lagu soo qaaday Xarunta UNDP ee Muqdisho // Dhimasho iyo Dhaawac
- Xaalada Kismaayo: Isku Socod La’aan, Goobihii Ganacsiga oo Xiran
- Marin habaabinta Xaqa ee Jubbooyinka // Xaaladaha taagan ee Jubbooyinka
- Maansada: HAL AQOON
Don’t steal content!
We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.