Wasiirkii ugu horreeyay ee Maaliyadda Soomaaliya oo Caawa Geeriyooday
London (KON) - Waxaa Caawa ku geeriyooday Magaalada London Allah ha u naxariistee Wasiirkii ugu horeeyay ee Maaliyadda Soomaaliya Xaaji Cismaan Axmed Rooble.
Marxuumka ayaa ahaa Wasiirka Maaliyada Sanadkii 1960-kii markii Soomaaliya xoriyada qaadatay Dowladdii uu hoggaaminayay Madaxweyne Aaden Cabdulle Cismaan.
Xaaji Cismaan Axmed Rooble ayaa muddooyinkan ku jirnaa Dalka Ingiirska.
Xaaji Cismaan ayaa ku dhashay magaalada Muqdisho sanadkii 1919-kii, waxana uu ifka uga tagay 37 qof oo uu dhalay.
Wixii faahfaahin ah kala soco Keydmedia.net
Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho
Share this page
More News
- Shirkii Madaxda IGAD // Dowlada oo dhisaysa Maamulka Jubbooyinka - Warbixin
- Video: Gabaygii Suldaan Bashiir Geele iyo Arinta Kismaayo
- Xasan Sheekh “Al-Shabaab way ka faa’iideesanayaan Arimaha Kismaayo”
- Ciidamada Dowlada oo ku wajahan Deegaanada Al-Shabaab ay Maamulaan
- Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowlada oo maanta howlgalo wada
Don’t steal content!
We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.