Weerar lagu qaaday gaari marayay Bandiiradley
Gaalkacyo (Keydmedia) - Weerar ayaa lagu qaaday gaari marayay deegaanka Bandiiradley oo dhinaca koonfureed kaga beegan magaalada Gaalkacyo.
Waxaana la sheegay in kooxo hubaysan ay xaba ku fureen gaari ay saarnaayeen dad Shacab ah oo marayay goobtaasi.
Inta la ogyahay hal qof ayaa ku dhintay tiro kalana waa ay ku dhaawacmeen weerarkaasi.
Waxaana halkaas ku baxay ciidamo ka tirsan maamulka Galmudug kuwaasi oo ku raad jooga kooxihii weerarka ka dambeeyay.
Deegaanada bartamaha Soomaaliya ayay mararka qaar ka dhacaan weerarada lagu qaado gaariyaasha isaga kala goosha gobollada Soomaaliya, kuwaasi oo inta badan isku daya inay lacago baad ah ka qaataan gawaarida.
Keydmedia News Desk - Gaalkacyo
More News
- Gudoomiyaha Wadajir oo Saakay la toogtay
- Amisom oo loo fasaxay iney Deegaan walba weeraraan & Ciidanka oo la Kordhiyay
- Kooxda Shabaab oo ka baxeen Baydhabo
- Kooxda Al-shabab oo Ganacsade caan ah ku dishay Baydhabo
- Cameron: Ma Qorsheyneyno Aqoonsi Somaliland
Share this page
Don’t steal content!
We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.