Logo of Keydmedia KEYDMEDIA

Did you noticed the English version?

Sunday 11 March 2012 12:00

Xaaladda Degmadda Kaaran oo deggan kadib Dagaallo xalay ka dhacay

Muqdisho(Keydmedia) - Kadib Dagaallo iyo Duqeymo xalay ku dhexmaray Ciidamada TFG-da, AMISOM oo isku dhinac ah iyo Maleeshiyaadka Kooxda Al-shabab-Qaacidda Duleedka degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir ayaa Saakay xaaladdu waxa ay tahay mid deggan.

Teaser Image Xaaladda Degmadda Kaaran oo deggan kadib Dagaallo xalay ka dhacay

Sida ay Keydmedia u xaqiijiyeen Goobjoogiyaal, dagaalka Xalay ayaa ahaa mid aad u xooggan oo dhawaqa rasaasta iyo Hubka culus laga maqlayay Xaafadda Argantiin oo ka mid ah Degmada Kaaraan iyo Deegaano fog oo Madaafiic dhowr ah ay ku dhaceen.

Wararka ayaa sheegaya inay jiraan khasaaro soo kala gaaray labada dhinac ee dagaalka iyo dadka rayidka ah,inkastoo aan la ogeyn khasaaraha dhabta ah,mana jiraan wax war ah oo ku aadan dagaalka oo kasoo baxay labada dhinac ee dirirtu dhaxmartay illa hadda.

Dadka deegaanka ayaa sidoo kale u sheegay Keydmedia in saaka laga dareemayo Xaalad deganaansho ah Goobahii lagu dagaalmaya Xalay ee Duleedka Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir.

Duleedka Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir ayaa dhowr jeer waxaa kusoo noq noqday dagaal noocan oo kale ah, waxaana dhowr jeer halkaasi weerar ku soo qaaday Kooxda Al-Shabaab ee dhawaan laga saaray Magaalada Muqdisho.

Keydmedia.net - Xafiiska Muqdisho

Share this page

More News

Don’t steal content!

We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.

back to top