Xiisad Ka Taagan Kudhaa iyo Barakac Xooggan oo Saaka Ka Socda
Badhaadhe (KON) - Wararka naga soo gaara Jaziirada Kudhaa ee Koonfurta gobbolka Jubbada Hoose ayaa soo sheegaya in saaka ay halkaasi ka taagantahay xiisad dagaal oo aad u xooggan taasoo u dhaxeysa Ciidamada huwanta ah, Kenya oo isku dhan ah iyo dagaalyahanada Al shabaab.
Xiisadahaan dagaal ayaa yimid kadib markii sida la sheegay Ciidamada Dowladda, Raaskaambooni iyo kuwa Kenya ee AMISOM ay weerar ku soo qaadeen deegaanka Kudhaa oo ay horay ugu sugnaayeen Al shabaab, waxaana saaka soconaya barakac xooggan oo ay dadku sameenayaan.
Waxaa sidoo kale jirta duqeyn dhanka hawada ah oo ay Kudhaa u geysanayaan Dikyaaradaha dagaalka ee Kenya, mana jiro saaka wax dhaq dhaqaaq bulsha ah oo ka jira deegaanka Kudhaa.
Qof goobjooge ah oo ka gaabsaday in magaciisa la xuso ayaa KON u sheegay in magaalada ay isaga baxeen haweenkii iyo caruurtii ku noolaa oo dhan kuwaasoo hadda ku suggan meel duleedka ka ah deegaanka Kudhaan.
Deegaanka kudhaa maalmihii ugu dambeeyay waxaa uu aha mid gacan ku heyntiisu ay marba u hareysay Ciidamada huwanta ah iyo Al shabaab oo todobaadyadii ugu dambeeyay ku dagaalamaya duleedka Kudhaa.
Wixii ku soo kordha xaalada Kudhaa kala soco wararkeena dambe insha allah.
Keydmedia Online - Xafiiska, Kismaayo
Share this page
More News
- Daawo: Weerarkii Xarunta UNDP - Faahfaahin
- Weerar lagu soo qaaday Xarunta UNDP ee Muqdisho // Dhimasho iyo Dhaawac
- Xaalada Kismaayo: Isku Socod La’aan, Goobihii Ganacsiga oo Xiran
- Marin habaabinta Xaqa ee Jubbooyinka // Xaaladaha taagan ee Jubbooyinka
- Maansada: HAL AQOON
Don’t steal content!
We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.