Xiisad wali ka taagan degmada Buuhoodle(Faahfaahin)
Hergeysa(Keydmedia) - Wararka ka imaanaya degmada Buuhoodle ayaa sheegaya in halkaas ay wali ka taagantahay xiisad dagaal oo u dhexaysa Somaliland iyo taageerayaasha maamulka Khaatumo.
Waxaana shalay deegaankaas ka dhacay dagaal culus oo lalabada dhinacba khasaare soo gaaray.
Sida ay dad goob joogayaal ah u sheegeen Keydmedia, dagaal shalay ayaa ka kacay markii ciidamada Soomaaliland ee jiida hore ku sugan ay madaafiic ku soo rideen degmada Buuhoodle markii ay maqleen in halkaas ay soo gaareen madax ka tirsan maamulka Khaatumo State oo uu ku jiro ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Khaliif Galleyr.
Waxaana taageerayaasha Khaatumo ay kaga jawaabeen weerar saf ballaaran ah oo ay ku qaadeen ciidanka Somaliland, taasoo dhalisay dagaal culus oo socday mudo 4 saacadood ah la isuna gaba dhacsaday.
Dagaalka shalay oo ahaa kii ugu balaarnaa ee deegaankaas ka dhaca ayaa la sheegay in Somaliland looga qabsaday qaar kamid ah gaadiidka dagaalka sida lagu soo bandhigay muuqaalo lasoo galiyay barta Internetka.
Waxaana la sheegayaa in dhimashada labada dhinac marka la isku daro ay ka badantahay 20 ruux.
Waxaana laga cabsi qabaa in dagaalka uu sii socdo maadaama ay labada dhinac bilaabeen tabaabusho horleh, iyadoo ciidankuna isku horfadhiyo meel isu muuqata oo 50km u jirta magaalada Buuhoodle.
Dagaalkan oo dhex maraya dad walaalo ah oo Soomaaliyeed ayaa sii socoshadiisa ay nasiib darro ku tahay ummada Soomaaliyeed oo ka daashay dagaallada.
Keydmedia News Desk - Hergeysa
More News
- Kulankii London oo Daqiiqado ka hor Furmaya
- Gudoomiyaha Wadajir oo Saakay la toogtay
- Amisom oo loo fasaxay iney Deegaan walba weeraraan & Ciidanka oo la Kordhiyay
- Kooxda Shabaab oo ka baxeen Baydhabo
- Kooxda Al-shabab oo Ganacsade caan ah ku dishay Baydhabo
Share this page
Don’t steal content!
We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.