Logo of Keydmedia KEYDMEDIA

Did you noticed the English version?

Wednesday 25 January 2012 14:12

Xildhibaanada Baarlamaanka oo maanta kulan ku yeeshay Muqdisho

Muqdisho(Keydmedia) - Waxaa maanta kulan ku yeeshay Muqdisho xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya.

Waxaana kulankooda gudoominayay gudoomiyaha baarlamaanka ee dhawaan la doortay Madoobe Nuunow.

Kulanka maanta ayaa lagu soo bandhigay qorshe hawleedka xildhibaanada, iyadoo warbixina laga dhagaystay wafdi ay u direen wadamada dibada kaasoo ujeedkiisu ahaa in beesha caalamka loo sharaxo in waxyaabaha dhaliyay xilka qaadistii lagu sameeyay gudoomiyihii hore Shariif Xassan Sheikh Aadan.

Waxayna xildhibaanadu u qabteen xukuumada in ay sadex maalmood ku soo gudbiso qorshaha Roadmapka si looga doodo.

Gudoomiyaha baarlamaanka Madoobe Nuunow ayaa ugu baaqay xukuumada inay la shaqayso baarlamaanka sharciga ah ee aqlabiyadiidu ay maanta fadhiday xarunta golaha shacabka.

Kulanka maanta ayaa qayb ka ah kulamo is daba joog ah oo la qabtay markii la doortay gudoonka cusub, taasoo muujinaysa in shaqadii baarlamaanku ay dib u bilaabatay kadib markii ay mudo u bilo ah u afduubnayd gudoomiyihii hore ee la cayriyay.

Keydmedia News Desk - Muqdisho

More News

Share this page

Don’t steal content!

We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.

back to top