Logo of Keydmedia KEYDMEDIA

Saturday 20 June 2015 13:55

Ximan & Xeeb oo Ciidankeeda ku wareejisay Dowladda Federaalka Soomalaiya

Cadaado (KON) - Maamulka Ximan & Xeeb ayaa Maanta oo Axad ah si rasmi ah ugu wareejiyay Ciidankiisa Booliska Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Teaser Image Ximan & Xeeb oo Ciidankeeda ku wareejisay Dowladda Federaalka Soomalaiya

Wasiirka Arrimaha Gudaha Ximan & Xeeb Maxamed Xaaji Xuseen, ayaa ka sheegay Xaflad ka dhacday Cadaado in Maanta ay Ciidankooda Booliska ay ku wareejiyeen Dowladda Dhexe, maadaama ay u baahan yihiin in la qareemyo.

Wuxuu sheegay in Ciidankan markii hore Dhisamihiisa iska kaashadeen Shacabka Cadaado & Mamaulka Ximan & Xeeb islamarkaana hadda isku raaceen inay ku biiriyaan Dowladda Soomaaliya oo bixin doonta xuquuqdooda.

Wasiirka ayaa sheegay in Tirada Ciidanka oo gaaraya 50 Askari ay ku wareejiyeen Taliyaha Ciidanka Booliska Dowladda ee Gobolada Dhexe Maxamed Jimcaale Cosoble.

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho

Share this page

More News

Don’t steal content!

We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.

back to top