Yuusuf Sheekh Cabdi ”Shabaab Dhibaato ayay ku haayaan shacabka Sh/dhexe”
Muqdisho (KON) - Maamulka degmada Raage Ceele ee gobalka Shabeelaha Dhexe ayaa ku eedeeyay Al-Shabaab in ay dhibaato ku haayaan shacabka degmadaasi.
Yuusuf Sheekh Cabdi oo ah gudoomiya degmada Raage Ceele ee maamulka dowlada ayaa sheegay in Al-Shabaab ay xiligaan dhibaatooyin badan ay ku haayaan dadka rayidka ah.
Wuxuu sheegay dadka ku nool deegaanada gobalkaasi oo ay wali joogaan Al-Shabaab in ay ka qaateen xoolo badan iyo hanti oo ay ku sheegeen in lagula dagaalamayo Cadowga.
Gudoomiya ayaa sidoo kale sheegay in jiraan dhibaatooyin badan oo kale ay kaa hatan ka jiraan deegaanadaasi wuxuuna sheegay in mar uun ay ciidamada dowlada Soomaaliya ay qabsan doonaan deegaanadaasi.
Al-Shabaab ayaa lagala wareegay dhowaan magaalada Jowhar ee xarunta gobalka Shabeelaha Dhexe ka dib markii ay halkaasi weerareen ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMSIOM.
Keydmedia Online xafiiska Muqdisho
Share this page
More News
- Daawo: Weerarkii Xarunta UNDP - Faahfaahin
- Weerar lagu soo qaaday Xarunta UNDP ee Muqdisho // Dhimasho iyo Dhaawac
- Xaalada Kismaayo: Isku Socod La’aan, Goobihii Ganacsiga oo Xiran
- Marin habaabinta Xaqa ee Jubbooyinka // Xaaladaha taagan ee Jubbooyinka
- Maansada: HAL AQOON
Don’t steal content!
We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.