Logo of Keydmedia KEYDMEDIA

Did you noticed the English version?

Somalia: The Holocaust of Baladweyne (1991) - A Documentary Film by Ali Said Hassan

Tuesday 12 February 2013 | 14335 Views | 12 Comments on YouTube

"Like" this Video

#SomaliArchive | SUBSCRIBE for Daily High-Definition Videos from Somalia Hosted by http://www.keydmedia.net - Falkaan Ma yahay "Holocaust"? - Markii Siyaad Barre Xukunkiisi Shacabka Soomaaliyeed ku kaceen, meshii uu Mucaaradka la hadli lahaa oo uu Wadanka u furi lahaa Wadatashi iyo Albaabka Demokratiyada Siyaad Barre iyo Rajiimkiisi waxay Shacabka Soomaaliyeed ugu Jawaabeen in Madaafiic ay ku garaacaan si uu Shacabku u baqo oo Rajiimku halkaa kasii wato Xukunkiisi.

Rajiimkaas wuxuu geestay falal Argagax oo aan Caalamka horay usoo marin. Docomentrigaan Taariikhiga ah waxaad ka dheehan kartaan Xasuuqii loo geestay Shacabka reer Baladweyne 1991-dii Bishii Febraayo 22-dedi

Maxamad Siyaad Barre Xiligaas la Burburinaayo Magaalada Baladweyne kuma sugnayn Caasimada Muqdisho oo waxaa Villa Soomaaliya laga saaray 26. Janaayo 1991, saacadu markey aheyd 19.30.

Ciidamada Siyaad Barre ee Baladweyne markaas ku sugnaa waxaa Wakiil ka ahaa Wiil uu Abti u yahay Maxamad Siyaad Barre oo lagu magacaabo "Ina Aw. Cali".

Magaalada Baladweyne waxaa la burburiyay 65% oo Dhulka lala simay, waxaana si Cadowtimo ah loogu garaacay Madaafiic loo safay Garbo siman.

Falal dambiyeedkaas Lidka ku ah Aadamiga ma jiraan wax ka hadlay iyo wax Raali galin ka bixiyay. Waxaana suurtowda Dadkii falalkaas geestay inay Maantay Aduunka Mushaaxayaan oo ay wali leeyihiin Dambiga waxaa lahaa kuwii Dulmiga loo geestay.

// http://www.keydmedia.net
// http://www.facebook.com/Keydmedia
// http://www.youtube.com/Keydmedia
// http://www.twitter.com/Keydmedia

Copyright © 2013 Keydmedia Group. All rights reserved

Keydmedia on YouTube

All Videos we upload on YouTube are listed here. So you can watch all videos on the KEYDMEDIA-Website. If you want to rate, favorite or comment the videos you can click the YouTube button on the bottom right corner of the video.

back to top