Logo of Keydmedia KEYDMEDIA

Did you noticed the English version?

R’ayigaaga

Keydmedia Gormaa baratay oo aad ogaatay in ey jirto? Maalin walba miyaad Gashaa mise mar mar? Qoraaladeeda, Warbixinta, Analisiska, filimada, masawirada see bee kula yihiin? Ma jirtaa Safxad Soomaaliyeed oo lamid ah Keydmedia wax soosaar ahaan?

Keydmedia Gormaa baratay oo aad ogaatay in ey jirto? R'ayigaaga ku Qor Meshaan!

ahmed ali

| Friday 1 October 2010

SALAAN QAALI AH KADIB WAA OK LAAKIIN WAX YAR COLOR AA KU BADAN. WAR NIN YAHOW WAXAAD TAHEY SOMALI DHAB AH WALAAHI MARKA AAN KA SAMREY SOOMALINIMO RAJO AAD I GALISEY ILLAH HA KU DHOWRO KEEP UP THE GOOD WORK.AHMED ALI ,US

Xurmo Calas

| Thursday 30 September 2010

waa ku salaamay ade webka, waxaan la talin lahaa cabdulqaadir cali cumar, waa nin culus oo qiimo ku dhax leh bulshada iyo dowlada waxaana soo wajahay caqabada amaan iyo sumeecad xumo mar hadii istaafkiisi geesteen falkii 3 sedexaad oo guracan. teeda kale dad badan ayaa asaga ka aminsan inuu basaas u yahay shabaab iyo xisbiga. waana qalad taas waaba u midiya lisanayaan. alaha ka qabtee. waa nin qaranka iyo nabada jecel waana nin diin leh ma ahan sida mooryaangarey. anigo magaca galmugud ku hadlaaya adeerkay waxaan ku dhihi lahaa xil safiirnimo iska qaado oo inta dalku dagaayo ka wareegso muqdisho si naftaada iyo sharaftaada kuugu nabad gasho.
qaali fariin tayda toos u gaarsi shiikha haday kuu suurta gasho waana siin kartaa emailkayga haduu ku warsado. wa bilaahi toowfiiq

ahmedshire

| Saturday 25 September 2010

marka hore salaan sare dhamaan dadka cadaaladu umuuqato,
marka xiga keydmedia salaan diiran ,iyo hanbalyo ,qaab dhigaalkiina,
haddii aan usoonoqdo waxaan qalinka uqaatay dhibaatada jahawareer ee soomaliya kataagan
ee hadana marba marka kadan baysa ,meel aan la aqoon laga goobayo ama dad aan ehel uhayn
wax laga weydiinayo ,
waxaa isweydiin mudan soomaliya dagaalo iyo barakac ayaa kasoda mar walba warfaafinta gudaha iyo
dibaduba baahiyaan , waxa xasuuqa iyo dagaalka indhaha lai kasodo waa muqdisho.
somaaliya muqdisho kaliya miyaa .
dawlad soomaaliyeed oo lasheego in loo dhan yahay dhamaan soomaali ayaa lasheegaa ,si siman iyo inaan cidina maqnayn ayaa ,loolajeeda 4.5 waxa looyaqaan ,aaway soomaalidii wax qaybsatay halbeel kaliyah ayaa deegaankeedii lajoogaaye ,
dawlada in lala shaqeeyo ciiddiidan caalamka lala kaashado oo ciidamo shisheeye loo adeegsado ciddii diida ayaa la sheega ,halbeel ayaa lagu xasuuqaa dawlada aaway beelihii kale ayagoo diidan dawladda ayaan hadana waxa maga dawlada lagu soo helo lasii yaa, sida putland .

awoodu waa reero ayaa layiri madaxweyne haawiye baarlamaan raxweyn , wasiirka koowaad darood
kuwii haawiye dadkiina laaya haddii ay dawlada diidaan ,haddii kale xilmaleh ,beelihiikale iskadaa dawlada inay taageeraan ee ruux aaminsan dawladda deegaanadooda waa xarig.
shaqada markii lagu murmo waa siman yihiin ninka dadkiisa dhiigooda meesha ku jooga iyo kan kaalmaynta dadkooda ku jooga .wasiirka koowaad putland ,ayaa kor iyo hoos leh hadal dawladeedna boosaaso waa xarig kalmada qaybteeda laakiin dawladu wax awooda ama talo ah kumaleh ,dhaqalahooda maamulkooda ,halka dakadii xamar 4.5 loo qaybsado madaafiicda culusna suuqa bukaaraha iyo suuq bacaad ,loo qaybiyo oo laleeyahay waa dawlad diid
maxaa jagada laguqaadanayaa hadaan deegaan kaagu adan matalin haddiise dadka la xoogayo maa lawada xoogo maxaa rer muqdisho xilkooda xoog iyo xasuuq looguqasbaa
hadal iyo dhamaan waxaan ku soo koobayaa 4.5 muxuu tarayaa hadan wax lagu taray
wq shire

Durraan Faandhe Cigaal

| Friday 17 September 2010

Soomaalidu waxba ma yaqaannaan haddaan iraahdo yaan lays xanaajin, mid caqli lihi waa ku yar yahay, diin ma yaqaannaan, taariikh ma yaqaannaan, cilmi adduun fiican ma leh casri iyo technologiyadna warkeedba daa, qofka soomaaliga ahi wax uu si fiican u yaqaan waxaa laga arkaa qabyaalladda, qabyaaladdana waxaa loogu kala hamuun badan yahay sida waqooyi loo sii kala xigo, haddii wax yar oo ilbaxnimo lagu sheegi karona soomaali laga heli karo waxaa looga kala heli ogyahay sida koofurta soomaaliya loo sii kala jiro, waxyaabaha ay siyaasaddu ka midka tahay ee ay soomaalidu ay ku qamaameen ee aanay waxba ka garanayn waxaa ka mid ah saxaafadda internetka, soomaalida inta yar ee caqliga lihi waxay fahmi karaan in KaydMedia ay ka duwan yihiin wixii hore, ugu yaraan tayada filimadoodu aad bay u sarraysaa waxaana la garan karaa inay dad aqoon sare u lihi ay sameeyeen.

Haddaba KaydMedia waxaa la gudboon inaanay heerkaas hoos uga soo dhicin oo aany la mid noqon websiteyada soomaalida ee Alljaxiima.com, Allpuntland.com, Alldayniile.com, Allhargeysa.com,AllCeelasha biyaha.com, Allxera dhagaxley.com, Allxarkogoma iyo Ximan saxariir.com, Allbakaaro.com, Allyamayska.com, Allqarqooradheer.com, All Gaashaamo.com, All Togwajaale.com, Allbitaale.com, Allburtinle, Allbacaadweyn, All Roox.com , All Godad.com, iyo All jillable.com.

Thanks,

Sahro

| Friday 17 September 2010

Baaq iyo talo ku wajahan dhamaan ummadda Soomaaliyeed
asc, waa idin salaamay dhamaantiin meel kastoo aad joogtaan,
walaalyaal waxaan ka xumahay masiibada dalkeena iyo dadkeena ku habsatay, waana ogahay in qof kasta oo damiir soomalinimo ku jirto inuusan u dulqaadan karin waxa dalkeena ka taagan.

Wax kalena ma ahee waxaa masiibo loosoo diray ah oo inay umada dabar gooyaan shaqo ka dhigtay waa kuwa al-qaacidada ah ee shabaab iyo xisbiga, waxaa la yiraahda xariir ayaay la leeyihiin al-qaacida ma ahaan in sidaas la yiraahdo waa in la yiraahdaa waa ka tirsan yihiin warku isma saarna ee waa in siday tahay loo dhahaa, kuwaas waa cadowgii dalkooda, dadkooda diintooda, iyo dagaankooda, qof intaas isku darsadayna waxaa kuu roon inuu kaa dhinto, wax rajo ahna ma leh dadkaas ayaga ah waa aan kala garan waayaay in sixir maskaxda ka haysto oo loowada maleegay iyo in daraag la siiyaay, sabaabtoo ah dadka intaas tira le,eg maxaa isku hadal, isku caqli, isku alla ka cabsi la,aan ka dhigay, laaxoowla walaa quwatu waan yaaaaabnay, dad sooman aa inta gaalo lagu sheego oo la xasuuqo la leeyahay janaan ku galaynaa,

Maxaa sababay inay maslaxa kasta diidan? maxaa sabaabay in wax kasta oo diinteenu madnuucday inay ku dhaqmaan? maxaa sababay inay dadkooda arxan dari u laayaan?? maxaa sababay inay intaan ayaga raacin gaalo ku sheegan oo dil ku xukumaan? maxaa sababay inay dhaqankoodi ka tagaan oo dhaqomo guran uu qaateen? maxaa sabaabay inay codow arxan daran oo gabaad doon ah inay dalka iyo dadka gacanta u galiyaan oo ayaguna ka amar qaataan?  inataas iyo inka badan oo lala argagaxay ama aan aduunka ka dhicin oo lagu arkay qoonkaas ma is waydiiseen somaliyeey?

Waxyaahaba ilaahay madnuucay waxaa ka mid ah inaadan qof muslim ah diinta ka saarin, waa in aadan naftaada goynin, waa inaadan naf kale oo wax kuu dhimin goyn, jawaabtu waa iska cadahay inaan dadkas maskaxda laga dhaqay oo dad shisheeye ah dalka kusoo duulay dantooda ma ahee dan kale aqoon tooda iyo mid somaliyeed ba, mana fiirinayaan mustaqbilkoda mid aduun iyo mid aaqiro.

Walaalyaal dadka sidaas yeelayah oo rajo beelka ah anigu ma qabo in waxwada hadal ah lala galo waa dad shisheeye u adeega oo adiga kaa jecel kuwa ay dabada ku wataan oo shiico iyo yuhuud wax ay yihiin ma aqaane.

Maxaan umada somaliyeed meel kastoo ay joogta ugu baaqayaa in loo istaago midnimo iyo bad-baadada dadka, dalka, iyo diinta. walaalyaal waa in dadka la fahan siiyaa in dagaalka dalka ka jiraa u dhaxeeyo soomaali oo meel ah iyo cadow shesheeye iyo calooshood u shaqaysta yaal maqaarka soomaali ka ah laakin maskada iyo caqliga kala mid ah cadogaas arxanka daran oo qaraxa iyo gowraca umada ku halaagay, ilaahay indankiis halaagu ayagu ku danbayn doona, waayo inta ay qaxdro galeen ilaahay waa u xisaabsan-tahay. walaalyaal yaan dhag jalaq loo siin quraafaadkooda, hadafkoodu waa inay dadka dhan ka dhigaan argagixiso danbilayaal ah.

Kuwaas hadafka waalan ogaada inaysan dagaalka galin, xoolo ay leeyihiina kuma baxo, wiil ay dhaleena dagaalka uma dhinto,, xoolaha lagu dagaal galo somali ayaa looga qaada xoog iyo xeelad, willka gashanka u ah ama u dagalamaaya waa soomali qasab ama quraafad lagusoo watay, waxa uu weraarka ku yahayna waa dadkisi.

Sidee somaliyaay waaba dhiig badnaan jirteena u aqbasheen taas? runtii mid damiirku aqbali karo ma ahaan.  iska ilaawa wax dhaxdiina ah, soomaali waana dagaasha waana hishiisaa waana soo dhawaatay walaalimo buuxda ee somalinimo mar hadii laga gudbay qabiil qabiilki oo inuu qalad yahay la fahmay, taas waa ale mahadiis.

Gabagabdii waxaan ku talinaa in loo istaago midnimo oo loo midoobo cadowga gacanta loo galay dalka iyo dibada, banaanbaxyo ha la abaabulo oo dowladaha caalamka aan u cabano inay wax ka badbadshaan dadkeena iyo dalkeena, aan dowlada iyo ahlusuna ku caawino dhaqaale ay halganka kusii bilaaban yaana loo kala harin ayagan cadaalad u adeegan oo iska qabtaan dadka maskaxda laga badalay oo ku dhaxjira dowlada, culumduna kaalintooda ha ka qaataan meel ay aduunka ka jooganba oo ha ku dhawaaqan xaqa in dadkas aan kor kusoo sheegay tacadiyada diinta ka baxsan ee ay gaysteen waa inay fadwo kasoo saaran in dilkoodu xaq yahay iyo in kale, culumada ahlusuna horay ayaay u sheegen in jahaadki lala galaa qax yahay, waxaan kaloo walaalyaal idin farayaa in masaajidada iyo labadii meel ku wada tukata ay u duceeyaan umada somaliyeed ee masuubadu ku habsatay in ilahay naga dulqaado colaada iyo dhagarta oo nasri nabadeed ilahay soo dajiyo, sujuuda markasta ha loogu duceeyo dadka iyo dalka, midnimo iyo qaran lagu diirsado ayaan soomaaliweyn u rajeeyaay, waa bilaahi toowfiiq
sahro samajecel
.(JavaScript must be enabled to view this email address)

Mohamed Abdi Hussien

| Monday 13 September 2010

Hanbalyo keydmedia, waan la dhacsanahay naqashadiina cusub tan kale waxaa xusid mudan in qaabka aad xogta ku heshaan iyo soo bandhigistiina musaqa iyo xad gudbyada dhacaya dadaalaa waad u aaya doontaane

Bashir M Jama

| Wednesday 8 September 2010

ASC walaalayaal aad ayaan uga helay Taariikhda ma guurtada ah ee aad soo aruuriseen waqti iyo qarashna idinkaga baxay ilaah ha idinka abaal mariyo anagana waan ka faa’ideeysan doonaa taariiqduna weey idin xusi doontaa MAASHAA ALAAH

« First  <  30 31 32 33 34 >  Last »
back to top