Sharciga & Muddo kororsi

Dastuurnimada kordhinta Xilhaynta Baarlamaanka

Afhayeenkii hore ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya, Maxamed Cusmaan Jawaari ayaa qormo dheer uga hadlay go'aanka muranka dhaliyey ee Golaha Shacabka ku meelmariyey qaraarka horseedaya muddo kororsi laba sano ah. KEYDMEDIA ayaa idinla wadaageysa qormadda Jawaari. 

Falanqeyn Keydmedia Online
Dastuurnimada kordhinta Xilhaynta Baarlamaanka

Jawaawi oo ah garyaqaan ayaa qormaddaan oo ay Keydmedia Online idiin soo bandhigeysa uga hadlaya sharciga wuxuu ka qabo wixii muddo kororsigii lagu dhawaaqay shalay. 

Hadaba waxaan ka bilaabeynaa gunaanadka Qormadda, maadaama ay dheertahay: 

Gunaanad

Hay’adaha Dastuuriga ah ee Dawladda guud ahaan, siiba Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waxaa ku habboon in ay aad u ilaaliyaan ku dhaqanka axkaamta dastuurka Federaalka, kana fogaadaan wax kastaoo loo malayn karo baalmaridda dastuurka, ama fal kastoo aloosi kara xasillonidarro siyaasadeed, ama sumcad xumo usoo jiidi kara Golayaasha BFS, ama didin kara deeq-bixiyeyaasha iyo beesha caalamka oo ilaa hadda dalku uga maarmin iskaashiga dhaqaale, amniga iyo tageerada siyaasadeed ee duwaliga.

Sidaana waxan ugu gollenahay in la dhowro midnimada iyo lab-wanaagga shacbiga iyo in la ilaaliyo danaha guud ee geyiga Soomaaliyeed. Talo waxay ku dhan tahay in si Allalla-ka-cabsi iyo waddaani jacayl ku dheehan ay hay’adaha dastuuriga ah ee dawladda wadajir shacbiga ugu horseedaan ayadoo talinta ku hoggaaminaayo: dhowraarinta dhaqanka, suguddda nafta iyo nolasha, kobcinta garaadka Shacabka, daryeelidda qoyska, ilaalinta hantida guud iyo midda gaar ahaaneed ee qaranka iyo horumarinta arrimaha bulshada oo ay ka mid yihiin, kuna koobnayn cadaaladda, caafimaadka, waxbarashada iyo abuurid fursado shaqo, arrimahan oo ah tabashooyinka muwaaddin kastaba si qottadheer u taabanayaan. Waxaxaan ku kalsoonahay in arrimaha Soomaaliya ay Soomalida xallin karto. Saa daraadeed, waxaa habboon inaan xildhibaanno iyo xukuumo iyo shacbiga wadajir.

Dastuurinimada Baarlamaanka u Kordhista Muddada Xilhantiisa

Gogoldhig:

1. Sideedaba awoodaha Gobannimada waa ammaano Allahu swt siiyey shacbiga kuna xilqaamay. Dastuurada Casriga ah ee caalamka badankooda waxay xeeriyaan in awoodaha gobannimada uu shacbigu leeyahay.

Dastuurka Federaalka Soomaaliya, oo mabda’aas ka ambaqaadaya ayuu si cad Qodobkiisa 1 (2) ugu xeeriyey in: “Allahu SWT ka sokow, awoodda oo dhan waxaa leh Shacabka, wuxuuna ugu isticmaalayaa si toos ah iyo isagoo u adeegsanaya hay’adihiisa uu u xilsaartay, si waafaqsan Dastuurka iyo shuruucda” (xusan). Sidoo kale wuxuu Qodobkiisa 46 (1) kusii xeeriyey in: “Awoodda isxukunku waxay ka bilaabataa, kuna dhammaataa shacabka, asaga oo adeegsanaya awoodda ah in mar kasta oo loo baahdo uu hay’adaha iyo wakiillada shacabka ku oogi karo la-xisaabtan.” – (xusan). Saa daraadeed, si ay dastuuri u noqdaan wax walba oo uu Goluhu xeerinaayo, ama qaraar walboo uu gaaraayo iyo go’aan kasta oo uu gaarayo, Baarlamaanka Federaalka waxaa ku waajib ah inuu tilmaamaamo qodobbada dastuurka waafaqsan oo shacbigu awood ku siiyey oo uu go’aannada ku qaadan karo.

2. Hadaba axkaamta Dastuurka Federaalka Soomaaliya sida ku meelgaarka loo ansixiyey 1-dii Agoosto 2012, kuma jiro hal qodobna ha ahaadee, meel uu shacabku awood ku siiyey Baarlamaanka inuu iskiisa u kordhisan karo muddada xilhaynta oo shacbigu u idmay, muddadaas oo ka kooban kuna dhamaato afar sano. Sidoo kale ma jirto awood dastuuri ah oo uu shacbiga u idmay Baarlamaanku oo uu Madaxweynha Jumhuuriyadda ugu kordhin karo muddada xilhayntiisa ama Xukuumadda Federaalka midna.

3. Ogaalleyda caalamiga ah ee ku takhasusay mabaadii’da dastuuriga iyo qaydooyinka4 dejinta dastuurada, siiba kuwa sida gaarka ah ugu qeydodaaray nidaamka baarlamaannada iyo mabaadii’da mattalaadda Shacabka, waxay wadar ahaan isku raacsan yihiin inaan, haba yaraatee, la dhiirrigelin aana la xeerin awoodo baarlamaanadu siinaya in ay iskood ku kordhisan karaan muddada xilhaynta loo doortay oo ku cayiman dastuurka ama ay ugu kordhin karaan Laanta Fulinta.

Waxayna doodoodu kusoo gunaanadeen in sadex-meelood- meel (2/3), ama xattaa hadii ay boqolkiiba boqol tirada guud ee xildhibaanada Goluhu isku raaco, in go’aankooda sharciyad6 yeelan karin, gundhigga diidmadooduna waxay ku saleeyeen in baarlamaanada iyo Madaxweynuhuba waxay sharciyad ku yeesheen awoodaha gobbanimadu shacbigu leeyahay. Sidaas daraadeed kordhinta muddada xilhaynta Baarlamaanka iyo tan Madaxweynahuba waxaa awood u leh shacbiga oo keliya, wuxuuna ku oggolaanaya ama ku diidaya Afti Qaran.

4. Xaalado Gaar ah: Waxaa jiri kara xaalado gaar ah oo la garwaaqsan karo oo uu baarlamaanku wax-ka-beddel muddo kordhin ku samayn karo xilhayntiisa. Waxaana ka mid ah in ay Xaalad Qarameed degdeg ah7 oo ka dhalatay xaalad dagaal ama aafo dabiici ah oo leh dhibaato baaxad weyn, dhacdeeduna la kulanto goor dhammadka xilhaynta baarlamaankuna dhow yahay aanse weli doorasho loo kala dirin, saamaynta xaaladaas sababeen awgeedna aan shacbiga loo qaban karin afti qaran uu ku taageero ama ku diido muddo kordhinta xilhaynta Baarlamaanka, waxaa goorahaas oo kale macquul ah in wax-ka-beddel lagu sameeyo muddada xilhaynta si loo xaqiijiyo in doorashooyinka lagu beego waqti ay ku qabsoomi karaan si caadi ah oo caadil ah.

Saas daraadeed, Dastuurada dalalka qaarkood waxay xaaladahaas gaarka ah u xeeriyaan si qunyarsocod ah oo hadba in muddo gaaban ah oo sababaysan (tadriiji) loo kordhin karo muddada xilhaynta baarlamaanada, taas oo looga gol leeyahay in muddadaas xaddidan lagu xalliyo hadba markii ay dalka lasoo darsaan xaalado gaar ay saameeyaan. Waxaan tusaalooyin kooban usoo qaadan karna dhowr dal oo ay ka mid yihiin:

5. Uganda: Si muddada xilhaynta Baarlamaanka Uganda loo dheereeyo waxay ku surtogeli karta haddii ay jirto xaalad degdeg ah ama la caddeeyo in dalka ka jirto xaalad dagaal. Haddii dalka uu galo xaalad dagaal muddo kordhintu kama badnaan karto lix bilood, oo markiiba saddax bilood ah.

Xaaladaha kale oo degdeg ahse ma jiri karaan muddo ka badan saddax bilood, haddii loo baahdose, baarlamaanka wuxuu usii kordhin kara ugu badnaan ilaa iyo sagaashan maalmood oo markiiba saddax bilood ah. Sanadkii lasoo dhaafay (2018) Baarlamaanka Uganda wuxuu isku dayey in muddada xilhayntiisa ku kordhisto muddo labo sano. Ujeeddadaas awgeedna, wuxuu wax-kabeddel ku sameeyey Dastuurka. Haseyeeshe, Garyaqaanka Guud ee Dawladda ayaa haddiba duray dastuurinimada qaraarka Baarlamaanku ansixiyey, oo waxaa la horgeeyey Maxkamadda Dastuurka iyo racfaan uu u qaatay Maxkamadda Sare. Waxay maxkamaduhu ka soo saareen xukun cad oo nuxurkiisu xeeriyey: “In Uganda aanay ka jirin xaalad dagaal ama xaalad degdeg midna. Saa daraadeed Qaraarka Baarlamaanku yahay wax-kama-jiraan.”

Dastuurka kuma jiro qodob xeeriya kordhinta muddada xilhaynta Madaxweynaha. Wuxuuse muddo dheereyntiisu ku helaya oo ay ku dhafan tahay hadba muddadadii loo kordhiyo Baarlamaanka.

6. Tanzania: Dastuurka Tanzania ma laha axkaam xeerisa muddo kordhinta Baarlamaanka ama Madaxweynaha. Waxaa ku jiraan qodobbo xeeriya sida loo maamulaayo xaaladaha degdeg ah iyo xaalad dagaal, haseyeeshe labada xaaladoodba ma sababi karaan muddo kordhin. Saa darted, Tanzania sideedaba uma aragto wax xaalad ah oo sababi kara in Baarlamaanka loo kordhiyo muddada xilhaynta dastuurka ugu cayiman.

7. Kenya: Dalka Kenya, marka uu galo xaalad dagaal, Baarlamaanka wuxuu qaraar ay labada Aqal mid walba ugu yaraan saddax meelood labo tirada guud ee xubnaha aqal walba ku taageero ayuu ku ansixin kara in muddada xilhaynta Baarlamaanka ku kordhiyo muddo aan ka badnayn lix bilood markiiba. Waxaa si cad u xaddidan in shardiga muddo kordhintu ku iman karto keliya xaalad dagaal oo markaas socda, oo muddo kordhintuna xaddidan tahay. Kenya, uma aqoonsan in xaaladaha degdeg ah in ay gundhig ama marmarsiinyo sharci ah u noqon karaan muddo kordhin uu Baarlamaanku iskiisa u kordhisto muddada xilhaynta.

8. South Africa: Muddada Xilhaynta Baarlamaanka South Africa waxay ku xaddidan tahay shan sano. Datuurkooda waxaa ku jira axkaam xeeriya in Madaxweynaha kala diri karo Golaha markii ay saddax sano kasoo wareegto maalinta la doortay ama Goluhu gaari karo qaraar uu iskiisa isu kala diro. Qodobka 49-aad ee Dastuuurka, oo ku saabsan axkaamta “Muddada Xilhaynta Baarlamaanku” kuma jiro, haba yaraatee, wax muddo kordhin ah.

9. India: Dastuurka wuxuu xeeriyey in mudda xilhaynta Golaha Shacbku tahay shan sano ka bilaabata malinta la qabto kulankiisa koobaad, haddii aan ka hor la kala dirin. Dastuurka India wuxuu qabaa in markii ay jiraan xaalado degdeg ah in Baarlamaanka muddadiisa xilhaynta la kordhin karo muddo aan ka badnayn hal sano markiiba.

10. New Zealand: Shacbiga Reer New Zealand wuxuu ka mid yahay shucuubta caalamka aad u diidan kana soo horjeeda in la taageero kordhinta muddo xileedka Baarlamaanka, isku dayidda mooshinnada muddo kordhisashana waxay u arkaan in ay yihiin abaabullo iyo xeelado ay siyaasiyiinta ku rabaan inay ku xaqiijistaan siihaysiga shaqadooda (job sicurty). Ayadoo saas ay tahay, hadana dhowr jeer baa wax-ka-beddel lagu sameeyey muddada xilhaynta baarlamaankooda. Halkan waxaa milicsi mudan taariikhda dhaqdhaqaaqa Baarlamaanka New Zealand uu soo maray iyo xaaladaha sababay dhimista ama kordhinta muddada xilhaynta, waxaana ka mid ah:

Sanadkii 1852, muddada xilhayntu waxay ahayd shan sano;

  1. Sanadakii 1879, waa la dhimay oo, waxaa laga dhigay saddax sano;
  2. Sanadkii 1916, waa la kordhiyey oo waxaa laga dhigay shan sano dhacdadii Dagaal Weynihii Koowad awgiisa.
  3. Sanadkii 1932, Muddada xilhaynta ee Baarlamaanka waxaa lagu kordhiyey hal sano, waxaana sababay walbahaar-weynihii Hoos-u-dhaca dhaqaalaha (the Great Depression).
  4. Sanadkii 1941 Muddo dheereyn hal sano ah ayaa lagu kordhiyey xilhaynta Baarlamaanka Dhacdadii Dagaal weynihii 2-aad ee Adduunka awgeed, hal sano sano kale ayaa lagu sii kordhiyey 1942-kii - dagaalka 2-aad oo sii socday awgeed.

Sierra Leone: Muddada xilhaynta Baarlamaanka Siera Leone waa shan sano. Dastuurkoodu wuxuu xeeriya in muddada xilhaynta Baarlamaanka la kordhin karo ilaa shan sano, hayeeshee lama kordhin karo muddo ka badan lix bilood markiiba, waxaana shardi ah in xaalad degdeg ah jirta awgeed uu Madaxweynaha u arko inay suurtogal ahayn in doorasho la qabto.

Soomaaliya: Sidaan gogoldhigga kore kusoo sheegnay, Dastuurka Federaalka Soomaaliya kuma jiro hal qodobna ha ahaadee, meel Baarlamaanka awood shacbi toos loogu siiyey ama aan si dadban ugu fahmi karno oo uu iskiisa ugu dheereysan karo muddada xilhayntiisa ama uu u dhereyn karo muddada xilhaynta Madaxweynaha iyo Laanta Fulinta midna. Qodobbada 60-aad iyo kan 91-aad ayaa xeeriya in muddada xilhaynta Baarlamaanka FS iyo Madaxweynaha JFS mid walba ku madalsan tahay min 4 sano.

Si waafaqsan Qodobka 90-aad ee Dastuurka, xilalka Madaxweynaha JFS waxaa ka mid ah, in uu ku dhawaaqi karo xaalad qarameed degdeg ah, haddii dalka ay la soo darsaan xaalado u baahan wax-ka-qabsho degdeg ah, asagoo u maraya habraaca iyo shuruudaha ku xusan Qodobka 131-aad ee Dastuurka Federaalka iyo sharuucda kale dalka u degsan oo lagu maareeyo xaaladahan, waxaana shardi ah in Baarlaamaanku ku oggolaada ama ku diida 21 beri gudahood. Xaaladahan ba’an iyo waxa sababi karaba waxay ku taxan yihiin Qodobka 131 (1) ee Dastuurka.

Baarlamaanka wuxuu hadba xaalad walba ansixin kara saddax bilood keliya. Sidaas darteed, waxaa faqraddan koowaad ee Qodobka 131-aad ee Dastuurka ka fahmi karna, in haddi dhacdada xaaladahan ku soo beegmaan goor ay dhowdahay dhammaadka xilhaynta Baarlamaanka FS, xaaladuna saamaxayn in shacbiga afti qaran lagu weydiiyo rabitaankiisa, markaas Baarlamaanka wuxuu muddada xilhaynta ku kordhin kara ugu badnaan saddax bilood oo keliya, oo ay sababtay aafada ba’an ama xaaladda dagaal.

Waxaa halkan xusid mudan laba dhacdo ka mid ah taariikhda dhaqan wanaagga dawladeed ay Soomaaliya soo martay, oo iftiiminaya sida loo soo maamulay xaaladaha adag uu dalka la kulmay, lagana baran karo casharro ku dayasho leh, waxaa ka mid ah:

Dagaalkii Soomaaliya iyo Ethiopia iyo Doorashada Guud ee 1964.

  • Sanadkii 1964, ayadoo muddadii xilhaynta Golihii Baarlamaanka muddo gaaban ka harsan, oo dalkuna galay tabaabushaha doorashooyinka guud ee qaranka, waxaa dhacday in Ciidamada Qalabka Sida ee Ethiopia ay si bareer ah weerar xadgudub ah ugu soo qaaday Soomaaliya, ayagoo soo dhaafay xad-beenaadkii labada dal u dhexeeyey. Dalka wuxuu si rasmi ah u galay xaalad dagaal. Waxaa laysku soo qaaday in doorashada dib loo dhigo, ilaa iyo inta laga xallinaayo xaaladda dagaal dalku galay, muddada xilhayntana Golihii Qarankana8 sababataas awgeed loo dheereeyo.

  • Falanqayn ka dib, Madaxii Dawladda uu hoggaaminaayey M.ne Marxuum Aadan Cabdulle Cusmaan, iyo Golihii Baarlamaanka waagaas xilka hayey iyo xukuumaddii uu R/Wasaaraha ka ahaa M.ne Marxuum Dr. Cabdirashiid Cali Sharma’arke waxay ku tashadeen si wadar-oggol ahna isku raaceen in aan waxba lagu kordhin muddada xilhaynta Golaha, difaaca dalka iyo doorashada oo isbarbarsocod ah ay ugu hawlgalayaan.
  • In kasta oo jireen sharciyadda iyo shuruudaha dastuuriga aha oo kansho9 u siinayey in ay dherestaan muddada xilhayntooda, hadana waxay ka sarrigteen inay qaataan fursadaas oo ay dantooda gaarka ah ugu faa’ideysan kareen, ayaagoo ka digtoon inaysan siyaasiyiinta iyo madaxda jiilka dambe ee qaranka aanay uga tegin raadreeb ay mustaqbalka u tixraaci karaan muddo dheereysi, waxay ka doorbideen inay dagaalka difaaca dalka iyo doorashada dastuuriga ahba ay ugu wada guntixirtaan.
  • Ruuxa wadaniyadda iyo ilaalinta maqaamka qarannimada iyo dhiirrada ay go’aannadooda ku gaarayeen waxaa ka tarjumaya ereyadii dhaxalgalka noqday oo ka mid ahaa hadaljeedinti M.ne Marxuum Dr. Cabdirashiid Cali Sharma’arke uu u jeediyey Shacabka iyo Golahii Baarlamaanka Qaranka, oo nuxurkiisu ahaa: Gacanna waa ku dagaalamyna, gacanna waa ku codeyneyna.

Waa dhacdo tariikhi ah oo fiirodheer oo kudayasho mudan.

 Xaaladahii, nidaamkii iyo habraacyadii loo fuliyey doorashada dadban 2016. Markii ay soo dhowaatay muddada xilhaynta Baarlamaankii 9-aad oo ku dhamaanaysay Agoosto 20, 2016 iyo xilhaynta Madaxweynaha oo iyada ku ekeyd Sebteembar 10keedii, waxaa weli dalka ka jiray waxyaalo khilaafaad gudaha ah oo lagu kala aragti duwana iyo xaalado amnidarro la xiriiray. Waxaa intaa dheera ma diyaarsnayn sharcigii doorashada lagu geli laha. Si kastoo loo kala aragti duwana, hadana waxay Madaxdii Hoggaanka Dalka Heer Federal, Heer Dawlado Goboleedyo iyo qaar ka mid aha hoggaamada bulshada rayadka lagu heshiiyey in kulammada wadahadalka la joogteeyo oo aan lagu kalategin, iyo in loo dadaalgalo si kastoo ay ku suurtogeli karta in doorasho la qabto inta aysan dhammaan 2016. Kulamadii iyo wada tashigii joogtada ahaa arrimihii wadar-oggolka ku gaareen kuna guulaysteen waxaa ka mid ah:

  • Qabashada Doorasho qof-iyo-cod: Waxaa la magacaabay Guddi iskudhaf ah oo ka kooban 25 xildhibaan uu hoggaaminayey Guddoomiyaha   BFS M.ne Muxammad Sh. Cusmaan Jawaari iyo 25 Wasiirro iyo khubaro uu haggaminayey R/Wasaaraha XFS M.ne Cumar Cabdirashiid. Waxaana loo xilsaaray in ay soo darsaan suurtogalnimada qabashada doorasho ah qof-iyo-cod ah, talooyinkodana kusoo celiyaan Kulanka Guud ee Baarlamaanka. Waxay taladooda kusoo uruurtay in duruufaha dalka ka jira awgeed ay suurtogal ahayn in la qabto doorasho qof-iyo-cod ah 20ka Agoosto 2016 ka hor. Ka dib markii Kulanka Guud ee Baarlamaanka Federaalka arrintan si qotta dheer uga baaraandegay, ayadoo ay goobjoog ahaayeen R/Wasaaraha iyo xubano ka tirsana Golaha Wasiirada, wuxuu Golaha talooyinkaas ku ansixiyey qaraar ay xubnaha Golaha ku taageereen wadar-oggol10.
  • Dhismaha Golaha Wadatashi Qaranka: Waxaa loo baahaday in la dhiso hay’ad loo xilsaaro Jiheynta iyo isuduwidda nidaam-siyaasadeedka Doorashada. Waxaa la dhisay Golaha Wadatashiga Qaranka11, oo ay xubno ka yihiin wakiillo oo ka kooban Baarlamaanka, Madaxweynaha, Xukuumadda iyo Madaxweynayaalka Dawlado-Goboleedyada, ayago talagelinaayo Ururrada Bulshada Rayadka iyo wakiillo ka socda Deeq Bixiyeyaasha ay goobjoog ka noqon karaan, goortii loo baahdo talo ayaga khuseysa. Golahan waxaa loo xilsaaray Jiheynta Nidaam-Siyaasadeedka12 iyo tabaha looga gudbi karo marxaladda dhammadka xilhaynta Baarlamaanka 9-aad oo ku beegan 20ka Agoosto 2016 iyo maalgelinta iyo isuduwidda Doorashada Guud ee 2016 lagu soo dooranaayo Baarlamaanka 10-aad ee Soomaaliya. Dhisidda Golaha Wadatashiga Qaranka waxaa 16kii Seteemabar 2015 lagu ansixiyey Qaraar Baarlamaani13.
  • Higsiga Doorashada: Waxaa la dejiyey Higsiga iyo mabaadii’da Dastuuriga ah oo gundhigga u ah nidaamka, go’aannada iyo habraaca xeerarka lagu maamulayo doorashada daban ee lagu soo doortay xubnaha Labada Aqal ee Baarlamaanka 10-aad, laguna ilaaliyo xasilloonida siyaasadeed iyo amniga dalka. Mabaadii’da Hiigsiga14 waxaa la ansixiyey 30kii Diseembar 2015.
  • Xilhaynta Baarlamaanka 9-aad: Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ka dib markii uu arakay in xaaladaha dalka ka jira awgeed aanay u qabsoomi karin doorasho guud oo qof-iyo-cod ah, isla xaaladahaas jira awgeedna aan shacbiga loo qaban karin afti qaran, fiirro u yeeshay halka ay marayaan tabaabushaha hawlaha doorashada, kana feeyigan in firaaq dastuuri ah uu dhici karo haddii hawlgallada doorashadu dabadheeraadaan oo ay qabsoomi waayaan 20ka Agoosto 2016 ka hor, wuxuu ansixiyey Sharci Wax-ka-beddel Dastuuri ah, oo ku xeeriyey in Baarlamaanka 9-aad uu xilka Laanta Sharcidejintu sii haynayo ilaa iyo inta laga dhaarinaayo Baarlamaanka Cusub ee 10-aad. Xildhibaanada Golaha waxay sharcigan15 ku ansixiyeen: oggol 208, waxaa diiday 4 waxaa ka aamusay 3, wuxuuna sharciga saameynaya kuna xaddidan oo keliya xilhaynta Baarlamaanka 9-aad oo keliya.
  • Nidaamka Doorashada Dadban: Maadaama sharcigii doorashada nooca Federaalka aan weli la dejin, Golaha Wadatashiga Qaranka wuxuu guddoonsaday in doorashada Baarlamaanka 10-aad ku yimaado nidaam ka hormarsan habraacii 2012 lagu keenay Baarlamaankii 9-aad, saa daraadeed, markii la qaddariyey xaaladaha dalka waxaa la doorbiday in Baarlamaanka cusub lagu keeno Nidaamka Doorashada dadban, nidaamkan oo loo arkay mid ka casrisan nidaamkii hore ee 2016, joqraafi ahaan (degaamo doorasho ahaa) ka baaxad weyn, kursi walbana ay ku tartami karaan ugu yaraan labo musharrax, kursi walbana codbixiyeyaal ka yihiin ergo ka kooban 51 ergey ka wakiil ay soo xuleen beel walba, meeshii kolkii hore xildhibaanada beesha hal oday- dhaqameed keligii soo xuli jirey. Waxaa kaloo nidaamkan loogu gol lahaa in nidaamka xulidda laga gudbo oo, haba dadbanaatee, loo dhowaado nidaam doorasho.
  • Aqalka Sare: Waxaa laysla meeldhigay lana fuliyey in la dhiso Aqalka Sare ee BFS oo Dastuurku farmay aanse dhismihiisa hore u jirin. Maadaama uu Aqalka Sare uu mattalo Dawlado-Goboleedyada (Qod.71), ilaa iyo inta dalka laga hirgelinaayo nidaamka qof-iyo-cod waxaa laysla gartay in xildhibaanada Aqalka Sare laga soo doorto Golayaasha Wakiillada Dawlado-Goboleedya Dalka;
  • Guddiyada Fulinta Doorashooyinka Dadban: Waxaa la dhisay Guddiyada Fulinta Doorashooyinka oo heer Federaal iyo heer D/Goboleedyoba leh, kuwan oo loo xilsaaray maamulidda Doorashooyinka. Waxaa kaloo la dhisay Guddiga Xallinta Khilaafaad loo xilsaaray ka go’aan gaarista iyo kala tartiiridda murannada ka dhasha doorashada. Waxaa isla mar ahaantaas la dejiyey xeerarka iyo habraacyada ay ku shaqaynayaan iyo xilalkooda,
  • Odayaal Dhaqameedyada: Waxaa la qorsheeyey lana kala meeleeyey Odayaal- Dhaqameedka beelaha iyo wakiilladooda iyo degaan-doorashooyinka ay ku kala hawlgalayaan.
  • Degaamaynta Kuraasta Labada Aqal: Waxaa la degaameeyey oo toddobo degaan-doorasho loo kala qoondeeyey dhammaan kuraasta 275 ah ee Golaha Shacabka iyo 54 kursi ee Aqalka Sare, oo 2016-kii kulligood Xamar keliya lagu dooran jira, degaandoorashooyinkaas oo ay maanta xildhibaanada Labada Aqal ku mattalaan;
  • Kharajka Hawlgallada Doorashada: Waxa la xaqiijiyey dhaqaalihii lagu fuliyey doorashooyinka oo horey ugu jirin Qoondaha Misaaniyadda Caadiga ah ee 2016;

13. Wada tashiga hoggaanka qaranka, go’aan qaadashada iyo u tabaabushaysiga hawlaha doorashada iyo hawlgallo kaloo badan oo aan halkan ku xusnay oo la xiriiray hirgelinta doorashada waxaa loo hawlgalay sanad ka hor. Kulamada Golaha Wadatashiga Qarankana waxaa si kaltan loogu qabanayey Xamar hadba Magaalo Madaxda Dowladaha Gobollada Soomaaliya iyo Xamar taas oo dowr weyn ka qaadatay dhismaha kalsoonida xubnaha Golaha. Hawlaha kaloo la xiriiray hirgelinta iyo codeynta doorashada dadbanayn ee 2016 waxaa lagu fuliyey muddo saddax bilood (Seteembar - Nofeember 2016) waxaana lagu guuleystay in Xubnaha Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ay kulankooda koowaad ee lagu dhaariyey ay yeeshaan 27kii Diseembar 2016.

14. In kastoo durufaha lagu shaqaynaayey ay aad u adkaayeen, hadana guusha la gaaray waxaa u sabab ahaa wadatashi, wada shaqayn, isu kalsooni iyo isu tanaasul. Tan ayada ahna waa cashar wax ka barasho leh oo ku dayasho mudan. Waayo wada tashi la’aan ma jiri karto wada shaqayn, wada shaqaytuna waxaa ka dhasha isku kalsoonaan, kalsoonidana waxay soo jiidaa in horetebinta la siiyo arrimaha u abbaaran danta guud ee qaranka iyo wanaagga guud awgiisa la isugu tanaasulo. Amnidarro, duruufo adag iyo khilaafaad kastoo xilligaas jiray, hadana waddo ayaa loo yeelay oo Baarlamaanka lagu soo dhisay, xilligan hadda ahna sidoo kale ayaa loo heli kara in laysla meeldhigo waddo waqtigiisa lagu keeno xubnaha Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya ayadoo aan wax muddo la dheereyn marmansiiyo kale la raadsan.

15. Iskudayga mooshinnada ku saabsan muddo-dheereynta xilhaynta baarlamaanada, waa wax Shucuubta caalamka badankood u arkaan in ay tahay tab iyo xeelado ay siyaasiyiinta shaqadooda kusii haystaan (job security). Saa darteed, guud ahaa caalamka lagama jecla, waa wax laga gows-qabsado16 lagana fogaada in baarlamaanda la siiyo awood ay iskoood u kordhisan karaan muddada xilhayntooda, sababto ah:

  • Waxaa hoose u dhac ku imanaya ama meeshaba ka baxaya awooddii la- xisaabtankii shacbiga ku lahaa wakiiladii uu u doortay in ay ku mattalaan baarlamaanka, saas darteed, si awoodda la xisaabtanka ay u jirto, waxaa lagama maarmaan ah in xildhibaanadu ay si muddeysan u wajahaan doorashooyin si joogteeysan loo qabto17.
  • in muddo dheereysi lagu garabmarin mabaadii’da gundhigga u ah ka qaybqaashada muwaaddinka uu xaqa u leeyahay talada arrimaha dalka, dhaqan- wadaagga dimuqraadiyadeed iyo axkaamta mattalaada Shacabka uu dastuurku damaanadqaaday;
  • Xilligii lagu jiray ololayaasha doorashooyinka iyo codbixinta, waxay codbixiyeyaalka iyo musharrixiintuba si marag-ma-doonta ah u ogaayeen in muddada xilhaynta wakiillada ay u doorteen ahayd muddo go’an, oo magacdhaban, oo afar sano ah. Arrintu waa heshiis-bulshadeed laba-dhinacle ah oo u dhexeeya doortaha iyo la-doortaha. Sidaas daraadeed sharci ma aha xaqna uma laha hal dhinac keligii siduu rabo wax-ka-beddel ku samayn karo heshiiska ay isla wada galeen muwaaddiniinta (shacbiga) iyo wakiiladii la doortay;
  • Codbixiyeyaashu waxay xaq u leeyihiin in ay ka weecdaan qofkii mattalaadiisa aysan u bogin xilhanytii hore, oo ay musharrax kale ka doorbidaan xilhaynta dambe.
  • Haddii muddo kororsiga la oggolaado waxaa meesha ka baxaya cabsida la xisaabtanka codbixiyeyaasha, taas oo hoos u dhigeysa dhiirada iyo firfircoonida xildhibaanku ku mattalaayo dadka degaan-doorashadiisa iyo difaaca danaha guud ee qaranka.

Gunaanad

Hay’adaha Dastuuriga ah ee Dawladda guud ahaan, siiba Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waxaa ku habboon in ay aad u ilaaliyaan ku dhaqanka axkaamta dastuurka Federaalka, kana fogaadaan wax kastaoo loo malayn karo baalmaridda dastuurka, ama fal kastoo aloosi kara xasillonidarro siyaasadeed, ama sumcad xumo usoo jiidi kara Golayaasha BFS, ama didin kara deeq-bixiyeyaasha iyo beesha caalamka oo ilaa hadda dalku uga maarmin iskaashiga dhaqaale, amniga iyo tageerada siyaasadeed ee duwaliga.

Sidaana waxan ugu gollenahay in la dhowro midnimada iyo lab-wanaagga shacbiga iyo in la ilaaliyo danaha guud ee geyiga Soomaaliyeed. Talo waxay ku dhan tahay in si Allalla-ka-cabsi iyo waddaani jacayl ku dheehan ay hay’adaha dastuuriga ah ee dawladda wadajir shacbiga ugu horseedaan ayadoo talinta ku hoggaaminaayo: dhowraarinta dhaqanka, suguddda nafta iyo nolasha, kobcinta garaadka Shacabka, daryeelidda qoyska, ilaalinta hantida guud iyo midda gaar ahaaneed ee qaranka iyo horumarinta arrimaha bulshada oo ay ka mid yihiin, kuna koobnayn cadaaladda, caafimaadka, waxbarashada iyo abuurid fursado shaqo, arrimahan oo ah tabashooyinka muwaaddin kastaba si qottadheer u taabanayaan. Waxaxaan ku kalsoonahay in arrimaha Soomaaliya ay Soomalida xallin karto. Saa daraadeed, waxaa habboon inaan xildhibaanno iyo xukuumo iyo shacbiga wadajir.

Waa qormo qalinhoraad ah, waxaa soo diyaariyey

M.ne Muxammad Sh. Cusmaan “Jawaari”

Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya




Falanqeyn 6 October 2021 9:00

Go’aanka siyaasadeed oo in ka badan lix boqol oo qof oo Soomaaliyeed laga tarxiilay, laguna boobay qaarkood, waa fal dambiyeed ciddii ka dambaysay lagala xisaabtami doono.