Aafadii Isgoyska Zoobbe

Falanqeyn Ina Cubtaan

Noloshu waa xiiso, xamaasad iyo xanuun. Tan hore waa rabidda wax aad doonayso, jacayl iyo hilow kuu hayaan. Tan dhexe waa sugasho ama la’aanta hirgelidda tan hore, halka tan dambe tahay weynta wadajirka labadaa ama middood, siiba tan hore, oo in ay cudur dabeecadda degaan abuureen keeno karo ama iskiis u dhasha, haddana, tani la dheer tahay, in cudurro maskaxeed iyo dhimir keento, dabcanna laga garto qaarkood oogada inteeda kale

Aafadii Isgoyska Zoobbe

Nolol saddaxdaa helid, haleelid iyo huq u dhaxaysa ayuu nooluhu aadane u horreyo ka dhexraadinayaa jiritaan, joogid iyo jaangoyn jihadeedu ay jiraan aan aqoon, ogaal ama aqool middood loo garanayn.

Bulshadeenna dirirro daaqsin, deeq xoolo ama darmaan dumar ka billowda ayaa ka dhex-aloosmi jiray, welina ka dhextaagan, oo xoolodhaco yahay midda keliya, ee ay ku caddahay xoogsheegad; itaal iyo awood la isku muquuniyo; gaadmo ama garbin, halka labada kale ee darfaha kala jira ay uun ku dhicijireen damac ama dareen, oo tan u dambaysa ay danqasho, daryeel ama difaac tahay, halka tan u horraysa ay tahay quuriwaa ama isballaarin dhul damac dabada ka riixayo.

Qodobkan ah dagaal beeleedka -dawladnimada ka hor iyo ka dibba- qaabka ay noqoto ha ku qotomee; xeer, xal iyo wuxuu lahaa xaalin xigasho, xisaabcelin iyo xinjir-reeb lagu kala garqaato, dhibka ka dibna lagu wadadhaqmso, illeyn xaajo ab laga gaar ama ugub midda ay tahay ayaa looga guddoon gaaraaye.

Markii aan dawlad noqonnay, waxaa cunsurkii dagaal beeleedka ku soo kordhay dagaal isla dirir beeleed ah, balse, markan awoodda la isu adeegsanayo aysan keliya ku sinnayn midda beeluhu leeyihiin, ee waxay huwan tahay, in beel ay beel kale u adeegsato awooddii dawladnimada beelaha dhan ka dhaxaysay, oo dhab ahaantiina qayb lixaad leh ka qaadatay burburkeeda, welina ka mid ah waxyaabaha hortaagan heliddeeda ama hagaaggeeda, haddii aan si qumman looga heshiin.

Waa muhim in la ka la ogaado; qolada ama qabiilka magac beel kugu dila ama kugu dhaca, waxaa ka xanuun badan kuwa kugu gumaada awood dawladeed, maxaa yeelay, soomaalidu weligeedba beelo beelo waa isu haysteen dakano iyo aanana waa dhextaallay, balse, waxaa ugub ah, ooba aan dhihi karno, waa unugga ebteledeenna; awood sheegadka ku dhisan cudud dawladeed, oo ay eheed, in ay dadka ka dhexayso ka sokow, uuba qofku ku dareemo xasillooni, halka beeluhuna nabaaddiino ku heli lahaayeen, balse, ayaandarro taa ma dhicin, oo waxaa la arkay, in beel ay ku duusho beel kale, iyada oo wadata hubkii dawladda ama xilside uu beel gaar ah u canaado uur-ku-taallo laabtiisa ka go'i wayday iyo xumaan uu beeshaa u qabo, isaga oo dulmi jaad walba oo uu lahaan lahaa; dilid, qadin, magacxumeyn, imw dusha ka saara!

Dirirta saddaxaad ee Soomaali u dhaxaysa waa mid awooddeedu DIIN ku daaban tahay, oo ah aragti iyo qaab la hanaqaaday fawdadii dalka ku baahday, si fiicanna ugu ukumaysay dalka oo dhan, heer ay magaalooyin, degaanno iyo gobollo gacanta ku dhigeen, ka dibna dhalay MAXKAMADIHII, ayna ka falliirmeen ALSHABAAB.

Wixii dagaal beeleed dhacay hore iyo hadda, qasaaraha ka dhashay, ee naf, maal iyo dareen leh marka la isu geeyo, xitaa kuwii umulodooxidda iyo ilmogowraca ku suntanaa, waxaa ka wadaxanuun badan -sida ay ila tahay- dagaalladan dhawrka gu’ ka aloosan koofurta dalka, siiba degaannada Gaalkacyo ka hooseeya, haddana, gobollada ka sii hooseeya Beledweyn.

Beegsiga awoodda beeleed abtirsi ayey ka shidaalqaadataa, oo tiro badni, tayosarrayn iyo tigaad wadartooda ama mid ayey ka heleen tabartooda, tan dawaldnimo shaarkeeda la huwado, haddana xilkaa maareyntiisa la isu dhiibay ama la marooqsaday ayaa lagu takrifalaa, iyadoo tolnimo beel kalana lagu duulayo, middase, awood qarsan, rumaynta fulinta amar eebbe iyo u shaqaysiga aayo dambe ku taagan waa DIINTA, waana sababta ay kuwa kale uga waxyeello badan tahay.

Labada hore ujeedka guulraadintoodu waxay ku xiran tahay damac duunyo ama darajo, halka tan dambe ay doonistoodu tahay daar dambe, sida ay dirirta dambe uga dhib badan tahay waxay tahay, in uusan keliya dilid, qaarijin ama qarxin ahayn, ee waxaa u dheer ARGAGIXIN qaab walba leh, haddana, dadku isaga hor-imaad siyaabo aan isla dhalasho ama wada dhaqmid ahayn, oo kuwa kale badanaa dhextaal u ah, maxaa yeelay, kan DIINEED waxaad arkaysaa labo wada dhalatay oo labada dhinac la ka la safan, sida labo wada dhaqantay ay la kala jiraan labada dhan.

Waxaan mood ahaan istusaa; in ‘dagaal sokeeye’ keliya lagu tilmaamo kii dhacay burburka dawladda ka dib, oo aanan garin karin waxa kuwii hore uga duwanaan kareen, ee keliya loogu gaabsado dagaallo beeleed, halka dhanka kale, xumaantii magaca dawladeed lagu gaystay, qaab beeleed keliya loogu falanqeeyo, ee aan loogu eegin, hannaan maamuleed iyo maarayn, iyadoo sababta beesha xuskeedu yahay lama-dhaafaan, maxaa yeelay, dhib beeleedkii waxaa ku darsamay dhib maamulid.

Fisha qormada qaybaheeda kale.

Ina Cubtaan - KEYDMEDIA ONLINE




Falanqeyn 25 October 2020 2:00

Bogga RAJOCELINTII ee KON | Weerarkii dhacay 06 Juun ee lagu beegsaday Raadiyow Muqdisho; codka Shacabka, ujeedkuna ahaa aamusinta codka Gen. Caydiid, ayna xigsatay, in qabashadiisu noqotay mid abaalgud la ballanqaaday, qofkii geeri ama nolol mid ay tahayba ka keena warbixin ku saabsan.