Aafadii Isgoyska Zoobbe 2

Falanqeyn Ina Cubtaan

Ararinta oon ka xumahay, in ay dheeraaatay, anoo ka cudurdarnaya ka dib, aan abbaaro ujeedka qormada, oon doonayo, in aan xusuus uga dhigayo dhacdo xanuunkeeda leh, xinjirta ku baxday, xabaasha badnideeda iyo xoogga qasaaraha weynankiisa, oo dhab ahaantii ka dhigtay, mid ka mid ah dhacdooyinkii dalka ka dhacay kuwoodii ugu saamaynta badnaa si walba.

Aafadii Isgoyska Zoobbe 2

Busha oktoobar kala wareegyo badan ayaa ku xusan maalmisooyinkeenna, haddana, badi si leexsan ayey noogu lignaayeen, waxaana ka mid ah middan dhacday 17/10/2017, oo araxjabka iyo oofwareenka ku noqoday beelaha iyo bulshada Muqdisho, inta aan maamul gobol ama dawlad la gaarin.

Qaraxa SOOBBE waxaa ku dhintay 632 qof, halka ay ku dhaawacmeen 316, oo marka laga soo tago, in uu ahaa kii ugu qasaaraha badnaa, ee dalka ka dhaca, haddana, wuxuu ahaa qaraxyada magac diineedka lagu gaysto ee dunida kale ka jira kii ugu qasaaraha badnaa.

Qaraxa waxaa qasaarihiisa badiyey tanka uu ahaa weynankiisa, oo wuxuu saarraa gaari xamuul-qaada ah, oo ka yimid dhinaca gobolka Shabeellaha Hoose, oo sida la sheegay meesha uu ku qarxay meel aan ahayn ku wajahnaa, waana sababta qasaaraha badisay, illeyn aaggagga Muqdisho ugu dadka badan ayuu qaraxu qabsadaye.

Waayadan dambe oo dhan qaraxyada gobolka Banaadir ka dhaca badankood waxaa lagu soo farsameeyaa meelo ka baxsan caasimadda Muqdisho, welibana badankood waxaa magaalada laga soo geliyaa Ex kontorol Afgooye, oo waxay ka yimaadaan gobolka Shabeellaha Hoose. Haddaba, waxaa isweydiin mudan; maxay tahay sababta qaraxyada dhankaa keliya looga soo geliyo magaalada, ee aan tusaale ahaan looga soo gelin Ex kontorol Balcad iyo dhanka Shabeellaha Dhexe?.

Wuxuu ahaa qarax qarracan iyo murugo lahaa caloolxumana reebay, walow gurmad xooggan loo galay sidii badbaado iyo baxnaanin loo gudbin lahaa, haddana, go’aannada qaarkood ma ahayn kuwo maan deggan lagu gaaray, waxaana marag ma doonto ah, in guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir ahaana Duqa magaalada Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamad uu muujiyey dedaal iyo dardarglin gargaar, oo gacan fiican ka gaystay, sidii loo kala maarayn lahaa hawsha baaxadda leheed.

Qaraxyadu qofka ay dheg ka maqal ku yihiin ayaan rabaa, in aan sawir toos ah ka siiyo. 20016 bishii siddeedaad ama sagaalaad mid ay eheed ma xusuustee, anoo hooyadey Faadumo Xersi Eebbe ha u raxmadee la jooga guri ku yaalla xaafada Tawfiiq, oon ku wada fadhinno sariir ayaa qarax dhacay oo gurigii na la dhaqdhaqaaqay, heer aan is iri; jiinaddu amay idin la biibtaa! Waxaan mooday, in qaraxu ka dhacay laamiga Warshadaha dhanka qubuuraha Barakaat, misana, cabbaar ka dib, waxaan ogaannay, in uu ka dhacay Dabka ka kor! Inta ay isu jiraan iyo jugta sida aan u mooday dhawr mitir meel ii jirta wax isu dhigma ma ahan.

Qaraxyada dalka ka dhaca waxay la billowdeeen, dadka aragtida diineed ka duulaya markii ay hoggaanka hammiyeen, oo dabcan fogeyn iyo faquuq ay hor-istaag dhan walba ah u dheer tahay la kulmay. Nolashu sideeda iyadoo iska ah macnodaran, haddana, qof dhimasho u diyaar ah, si uu isu celiyo in aysan jirin ayey i la tahay, welibana waxa maankiisa ka buuxaa ay ka faquuqid badan yihiin inta ay xertiisu la kulntay.

Qaarijinta labo qof ama dilka qof keliya, waxaa ka qatar badan qaraxa, maxaa yeelay, labada hore saamayntoodu waxay ku egtahay qofka ama labada qof ee dunida la dhaafiyey, dabcan, xunuunkiisuna ku harayo inta walaal ama widaayo la ahaa, balse, qaruxu waa wadardilid, xasuuqid iyo xoolo burburin, oo dabcan ah, in waxyeello la gaarsiiyo tirada ugu badan ee suuragal ah.

Tirada dhimashada, dhaawaca iyo hanti-burburka ka dhasha qaraxyadan guud ahaan waxaa suuragal ah, in ay ka badan yihiin inta ka dhalatay dagaalladii dhacay burburkii dawladdda ka dib, maxaa yeelay, qarax walba, dhimasho nolol, maal ama maan ayuu wataa.

La heshiinta ama la dagaallanka aragtidaa dhiigdaadintu la tahay dowga qura ee janno iyo xuuralcayn lagu heli karo, inaga oon meesha ka saarayn xukun ama xoolo raadin, waxay i la tahay, in ay tahay habka ugu maangalsan ee lagu heli karo heshiis bulsheed, maxaa yeelay, maaraynta awoodda dawladeed in hoggaaminteeda loo wada siman yahay ayey ku hagaagi kartaa, waase haddii la wada dhawrayo waxa lagu heshiiyey ee qoran.

Labadan qodob waxay mar walba hoostagayaan ujeedka abbaarta hannaanka dawladeed ee hoggaanku ku rabo, in uu wax uga qabto dhibtaadan labo tobnaad ku sii siqaysa, intii talada dalka isaga dabamartana, aysan hayn ama diyaar u ahayn, in ay dhab xal ugu raadshaan, maxaa yeelay, ma habboona, in aan noqonno xabaale xoor; aase orod!

Labo kale, oo waxa jirta ay muhim tahay, in ilgaar ah iyo arrimin garasho lagu guddoomo oo kala ah; loollanka shisheeye ee dalka, siiba gobollada iyo magaalooyinka qaar, oo xasilloonidarro siyaasadeed ka sokow mid amnixumana abuuri karta, tan kalana waa isdooddooyinka beelaha isla dega magaalooyinka dhibban, oo damaca siyaasigooda wax badan sii dhimaali karo, xalkana sii dheerayn karo.

Dhagxaan waddo lagu gooyo iyo jidcaddeyaal la xirto magaalo ku ma ammaan hesho, maamulna ku ma keeno xasillooniye, tani in ay tahay tusmo ma dhalays ah aragnaye, marka dhimaalkeeda dhaqaale ama bulsho laga soo tagee, ee bal aragti ka duwan oo dareen ogaal leh, danqasho aqoon leh iyo daryeel aqool leh lagu dhigay ku qotonta magaalada Muqdisho iyo gobollada dhibkaa la qabo ha loo helo.

Saddax sano ka dib, in xitaa lagu dhiirran waayo, in afar qof istaagaan  ISGOYSKA SOOBBE waxay caddayn u tahay, in qaab xuskeennu uusan xusuus adag lahayn, waxaananba ka dhicin, in aan waxba iska baddalin magaalada xaalkeeda amni, haddii uusan sii xumaan, welibana kala-wareeg dhab ah iyo xilli doorasho la galayo.

Xus ama duco uu sameeyo; qof ama qolo hoteel deggan, marka uu ka baxayo gaari aan xabbaddu karin fuula, hool dhaylo iyo hilib ari lagu cunay erayo jaban ka sheega, waxay labo mar gef ku tahay dadkaa ku geeriyooday gumaadka ma-garaadsata, maxaa yeelay, markii hore amnigooda la ma sugin, marka kalana la ma deyn magacooda ee waxaa isku muujiyey miiqane miyirku madaxnimo ka raacay, oon maanin maarayn ama maamul midna majaraheeda garanayn, iska daa in uusan hayne.

Dhammaad.

Ina Cubtaan - KEYDMEDIA ONLINE




Falanqeyn 20 October 2020 9:00

Shantii juun 1993 weerarkii Raadiyow Muqdisho; codka shacabka, ee ay ku dhinteen 24 askri oo Baakistaan u dhashay, in kalana uu dhaawac ka soo gaaray, qaar kalana nolol lagu qabtay, ayaa waxaa sii deynta kuwa nolosha lagu qabtay waxaa gacan ka gaystay talyaaniga oo ka mid ahaa dalalka aan ku aragtida ahayn Maraykanka, kana biyodiidsanaa sida uu u maaraynayo hoggaanka ciidanka nabad ilaalinta e UNISOM2.