Afduubkii Farmajo ku hayay Doorashada oo lasoo afjaray

Falanqeyn Mohamud M Uluso

Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmajo waxaa 7dii Febraayo 2017 loo doortay inuu dalka Soomaaliya ka dhigo doorasho hal qof, hal cod (HQHC) oo xor iyo xalaal ah oo waqtigeeda ku dhacda, haseyeeshe Madaxweyne Farmajo wuxuu ku dadaalay inaysan dhicin doorasho waqtigeeda ku dhacda ama inay dhacdo doorasho uu siduu rabo u maamulo.

Afduubkii Farmajo ku hayay Doorashada oo lasoo afjaray

Wuxuu muddo ku dheganaa in dalka ka dhacayso doorasho HQHC asagoo ogsoon in 3 sano iyo bar aan wax tabaabusho loo sameyn, wuxuuna xukuumaddii Xassan Cali Kheyre xilka uga qaaday inaysan dalka u diyaarin doorasho HQHC, ayadoo bilowga waqtiga doorashada ka harsan tahay 3 bilood.

RW Kheyre wuxuu bishii Maajo 2020 ku dhawaaqay in dalka aysan ka dhici karin doorashada HQHC loona baahan yahay doorasho dadban ee heshiis lagu yahay, taaso careysiisay Madaxweyne Farmajo iyo kooxda talada dalka la wadaagta. Xil ka qaadistaas kaddib ayuu Madaxweyne Farmajo ku sii dheganaa doorashada HQHC taaso uu ka lahaa labo ujeedo.

I) Inuu helo muddo kordhin lagu sababeynayo diyaarinta doorashada HQHC iyo abuuritaanka buuq siyaasadeed oo doorasho kasta ee lagu heshiiyo ka dhigta mid Shacabka soomaaliyeed ku hungoobo ama ka shalaayo madaama ay qasab noqoneyso in la qabto doorasho dadban oo qarbo qarbo.

II) In DG u diido ka qaybgalka maamulka doorashada federaalka taaso Madaxweyne Farmajo ka sheegay shirarkii dhuusamareb iyo meelo kale taaso muujineysay inuu diidanaa nidaamka federaalka ee dastuurka Soomaaliya dhigayo, kuna dhisan tahay dowladda federaalka. Talaxumadaas waxay galaafatay taagerayaashii N&N.

Nasiib wanaag 26da September 2020 waxaa laga gudbay afduubkii Madaxweyne Farmajo ku haystay habka doorashada 2020/2021, waxaana la isku raacay doorasho dadban oo la mid ah tii 2016, taaso markhaati u ah dib u dhaca Soomaaliya ka dhacay 4tii sano ee la soo dhaafay.

Waa sheegasho xaqiiqada ka fog in Madaxweyne Farmajo u tanaasulay danta qaranka, waxaase la fal galay, sutigana u qabtay Madaxweyne Sicid Deni ee Puntland oo helay taagerada Madaxweynayaasha DG kale kuna qasbay inuu Madaxweyne Farmajo aqbalo xaqiiqada lama huraanka ah. Soo bandhigga habraaca iyo jadwalka doorashada dadban 2020/2021 waa carqalad laga gudbay.

Nasiib darro fashilka dowladda Madaxweyne Farmajo, hagardaamooyinkeeda,iyo cagajiidkeeda waxay keeneen dhawr dhibaato:

I) In shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan siyaasinta dooneysay ka qaybgalka doorashada 2020/2021 ogaan waayaan waqti munaasib ah waqtiga ay dhaceyso doorashada 2020/2021;

III) inuu lumo waqti badan ee looga doodi lahaa lagu lafa guri lahaa, lagu turxaan badan bixin lahaa diyaarinta habraaca doorashada dadban 2020/2021 inta aan la soo bandhigin madaama muddo xileedka dowladda federaalka haysa talada dalka ka dhimman tahay 2 bilood.

III) inuu lumo waqti lagu abaabulo olole lagu soo bandhigayo qiimeynta xilgudashada Xildhibannada Barlamaanka Federaalka-10 guud ahaan iyo qof qof ahaan, iyo faaqidaada musharraxiinta la tartameysa Xildhibannada xilka hayay. Xildhibannada labada Aqal ee Barlamaanka Federaalka waa asaaska badbaadada qaranka soomaaliyeed oo maanta halis ku jirta. Qiimeynta Xildhibannada labada Aqal waxay furaha u tahay in Soomaaliya ka baxdo fashilka iyo musuqmaasuqa ay ku jirto 20 sano oo xiriir ah iyo in jirintaanka dowladda Soomaaliya ku xirnaanto joogitaanka Ciidammada Ajnabiga iyo kor joogteynta beesha caalamka oo sanooyinka soo socda lagama maarmaan ah.

IV) inuu lumo waqti looga wada hadlo kaalinta ciidammada nabadgelyada ku leeyihiin doorashada 2020/2021 ayadoo la tixgelinayo ciidammada kala duwan ee dowladda federaalka adeegsaneyso qaab aan waafaqsaneyn dastuurka.

Tusaale ahaan, habraaca doorashada dadban ee soo baxay maanta 2da Oktoobar waxaa ku jira in musharrixiinta xilka Aqalka Sare ay bixinayaan 20 kun doolar, Golaha Shacbiga 10 kun doolar, halka dacwo qabaha doorashada bixinayo 3 kun doolar. Shuruudahaas waxay abuurayaan dareenka ah in Xildhibannada gadanayaan kuraasta, kaddibna gadanayaan codkooda waqtiga doorashada Madaxweynaha.

Waxaa xaaran ah in musharrax ka cabanaya xaqdarro doorasho lagu xiro bixinta lacag 3 kun doolar ah. Waxaa kaloo habboon in la darso hab beelaha musharrixiinta Aqalka Sare ay ku soo xushaan musharrintooda, kaddibna loo marsiiyo doorasho waafaqsan mabaadi’ida doorashada dadban. Doodo ma joogto in doorashada ugu fiican ay tahay HQHC oo leh nidaam isa saxay, is ilaalinaya haddii lagu dhaqmayo.

Doodo waxay joogta ka hortagga iyo sixitaanka qaladaadkii doorashadii dadbaneyd ee 2016 si doorashada dadban ee 2020/2021 aysan u noqon mid laga shalaayo. Xildhibannadii kuraasta loo boobay, iibsaday, waa inaysan mar kale boobin, iibsan, ama kuwa cusub loo boobin, iibsan. Waa xujo qoorta ugu jirta Madaxweynayaasha DG, Guddoomiyaha Gobolka Benadir oo dusha ka saaran tahay xilka ilaalinta hufnaanta doorashada 2020/2021.

Waxyaabaha u baahan in si fiican looga doodo waxaa ka mid ah:

1. Kaalinta iyo dhalliilaha hoggaamiyayaasha dhaqanka oo aan ku baraarugsaneyn saameynta qotada dheer ee kaalintooda iyo xil gudashadooda ku aadan doorasho xor iyo xalaal ah ku leedahay mustaqbalka ummadda soomaaliyeed meel kasta ay joogto. Habka Xulashada, sumcadda iyo xilkasnimada codbixiyayaasha waa tilmaanta caddeyneysa in doorasho tahay mid xalaal ah.

2. Xulashada, xilka, iyo shaqada Guddiyada doorashada federaalka iyo dowlad goboleedyada oo saldhig u ah maamulka hufan ee hirgelinta doorashada dadban. Xulashada xubno la tuhunsan yahay hufnaantooda iyo dhexdhexaadnimadooda waxay fashil ku tahay doorashada dadban 2020/2021. Ilaalinta xilgudashada Guddiyada doorashada waa arrin u baahan ka hadal.

3. Doorka Guddiga xallinta khilaafaadka oo racfaanka looga qaadanayo Madasha Madaxweynaha JFS, RW, KRW, iyo Madaxweynayaasha DG iyo habka go’aammada looga gaaray dacwooyinka. 2016 musharraxiin lacag bixiyay ayaan helin wac garsoor. Doorashadii 2016 waxaa dhacay qaladaad waaweyn oo magac dilay doorashada dadban.

4. Doorka beesha Caalamka oo inta badan taagerta maamulxumada, awood ku takrifalka, musuqmaasuqa doorashada, isla markaana ku dhalliisha Soomaalida wax kastoo xun ama qalad ah.

5. Wax ka qabashada musuqmaasuqa doorashada Soomaaliya caanka ku noqotay, ayadoo la tixgelinayo xaaladda aadka u liidata ee dowladnimada Soomaaliya ku sugan tahay. Ma jiro maamul iyo garsoor haysta kalsooni fiican.

6. Doorashada Xildhibannada Soomaliland oo saameyn wanaaagsan ama xun ku yeelan karta siyaasadda Soomaaliya, laguna qabanayo Muqdisho, waayo waa doorasho Madaxweynaha JFS iyo cid kale aad u musuqmaasuqi karo.

7. Doorka Guddoomiyaha Aqalka Sare oo ah hoggaamiyaha siyaasadeed ee siyaasiinta beelaha somaliland oo Madaxweyne Farmajo takoorayo.

8. Faragelinta dowladaha shisheeyaha ku lahaan karaan doorashada Barlamaanka Federaalka oo gogol xaar u ah doorashada Madaxweynaha JFS.

9. Saameynta Ururka Al Shabab ku lahaa karo doorashada, saameyntaaso ku imaan karta wejiyo badan xagga dowladda federaalka oo la sheegayo in Al Shabab ku dhex milmay, xagga xoogagga culumada, ganacsata, iyo warbaahinta.

10. Kaalinta warbaahinta oo wanaag iyo dhibaato ku yeelan kara qabashada doorashada dadban.

Ujeedada ka hadalka iyo ka doodidda qodobbada kor xusan, waxay tahay in doorashada dadban 2020/2021 ay noqoto mid dadka iyo dalka Soomaaliya ka samatabixisa godka ay ku sii siqeyso oo ah dowlad la’aan, saboolnimo, qaxooti, iyo dal la’aan.

Dr. Maxamud M. Culusow




Falanqeyn 22 October 2020 16:26

Bogga RAJOCELINTII ee KON | Talyaanigu wuxuu ka mid ahaa dowladaha ciidanka u soo diray Soomaaliya kuwooda ugu xiriir dhawaa maamulladii dalka isaga dabamaray rayid iyo ciidanba, oo wuxuu ku helay dhawaanshahaa kadeedkii gumaysi iyo kaalintii uu ku ku yeeshay dowladnimada ka dib.