Aragtiga sharci ee hindise-sharciyeedka dembiyada galmada (jinsiga) la xiriira

Qoramooyinkaan taxanaha ah waxay falanqeynayaan hindise-sharciyeedka dembiyada galmada ee ay dooddiisu haatan ka socoto Golaha Shacabka BFS.

Falanqeyn Keydmedia Online
Aragtiga sharci ee hindise-sharciyeedka dembiyada galmada (jinsiga) la xiriira

Waxay aragti guud ka bixinayaan aasaaska sharci, qaab-dhismeedka qoraaleed, nuxurka iyo macnaha qaanuuneed ee uu xambaar san-yahay hindise-sharciyeedku.

Waxay daraasad iyo raadraac ku sameeynayaan mabaadi’da iyo halbeegyada xeer-dejineed ee Caalamiga ah, waxay sidoo kale soo bandhigayaan mabaadi’da guud ee xeerisa sharciyada dembiyada iyo ciqaabta.

Waxaan faallo iyo naqdin cilmiyeed ku samaynaynaa cutubyada, qodobada iyo faqrooyinka uu ka kooban yahay hindise-sharciyeedku, anagoo soo bandhigi doonna khaladaadka iyo dhaliilaha xagga nuxurka, fahamka iyo, macnaha ee ku jira hindise-sharciyeedka.

Waxaan sidoo kale diiradda saaraynaa isburinta ku jirta qoraalka hidisaha iyo siduu u khilaafsan yahay Shareecada Islaamka.

Waxay qoromooyinkaani ku qotomaan daraasad sharci oo ku dhisan soo-bandhigadda mabaadi’da ee la xiriira xeer-dejinta, waxay sidoo kale indha-indhayn ku samaynaysaa aragtiyada sharci ee la xiriiraa xeer-dejinta dembiyada iyo ciqaabta.

Waxay soo gudbinayaan dood ku dhisan falanqeyn iyo naqdin, waxay si gaar ah u tixraaceyaan mabadi’da la xiriirta sharciyadda xeerarka dembiyada iyo ciqaabta ee caalamiga ah iyo tan Shareecada Islaamka.

GOGOLDHIG:

Waxaa jira Hindise-sharciyeed ku saabsan dembiyada Galmada oo ay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya u gudbisay Golaha Shacabka BFS.

Hindise-sharciyeedkaasi wuxuu abuuray muran badan iyo kala aragti-duwanaashiyo bulshada dhexdeeda, waxaa sidoo kale walaac ka muujiyay Culimada Soomaaliyeed oo bayaanno kala duwan ka soo saaray.

Hindisahaan sharci waxa uu haatan horyaal Golaha Shacabka BFS oo ka doodaya, weli waxaa socda akhrintiisa iyo ka doodistiisa, haddii Golaha Shacabka BFS ansixiyo waxa uu u gudbiyaa Aqalka Sare ee BFS si uu uga doodo una ansixiyo.

Haddii Labada Gole ee Baarlamaanka BFS ansixiyaan waxaa si rasmi ah degreeto ugu meel marinaya Madaxweynaha JFS, kadibna waxaa lagu soo saarayaa faafinta rasmiga ah ee Dowladda sidaas ayuuna ku noqon doonaa xeer dhaqan-gal ka ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Xadgudub-yada iyo tacaddiyada jinsigu waa dhibaata jirta oo aan la inkiri-karin, una baahan in laga hortago loona helo xeerar ku habboon si gabood-faleyaasha loola tiigsado caddaaladda.

Doodda qoromooyinkaani kuma salaysna dhibaatada kufsiga ee waxay ku saabsan yihii hindise-sharciyeedka dembiyada galmada ee horyaal golaha shacabku xal ma u noqon karaa, ma yahay xeerkii ku habboonaa, malagu saleeyay aragti sharci oo aad u fog oo xallin karta dhibaatooyinka la xiriira tacaddiyada jinsiga ee a jira dalka.

Maqaaladaan taxanaha ah waxay falanqeynayaa su’aalahaas iyo kuwa kale oo aad u badan oo la xiriira hindise-sharciyeedkan.

Waxa uu qoralaakani u qeybsan yahay araar, gogoldhig, dul-mar guud oo aan ku samayn doonno caqabadaha xeer-dejinta ku gadaaman, mabaadi’da guud ee xeer-dejinta iyo aragtiyada la xiriira seeska sharci ee dembiyada iyo ciqaabta iyo hannaanka loo maro xeer-dejintooda.

Waxaan sidoo kale maqaallada xiga ku faalaeynaynaa isla-markaana ku lafa-gureynaa qodobada hindise-sharciyeedka, anagoo qodob qodob u dul istaagi doonna una faaqidi doonna –haddii Eebe idmo-.

CAQABADAHA KU XEERAN XEER-DEJINTA SOOMAALIYA

Soomaalidu waxay lahayd hido-dhaqan soo-jireen ah iyo xeerar ay ku dhaqanto, kuna sar-go’an duruufaheeda nololeed. Xeerkaasi ma qornayn waxay ahaayeen kuwa ab ka ab layskaga dhaxlo, jiilba jiil u sii gudbiyo, waxaa saldhig u ahaa hidaha iyo dhaqanka suuban iyo diinta islamka oo ay Soomaalidu haysatay.

Markii gummeysteyaashii Reer Yurub qabsadeen dhulkii Soomaalida waxay la yimideen xeerarkii iyo dhaqamadii dalalkooda. Markii laga xuroobay gumeysigii waxaa haray oo aan laga xuroobin dhaqankii iyo xeerarkii ay inooga tageen, waxaana nabaad-guuray xeerkii hore ee soomaalida ee mugga iyo miisaanka weynaa.

Kolkii la qaatay dowladda nimada casriga waxaa abuuray saddex nidaam xeer oo saldhig u noqday sharcigii dalka kuwaasoo kala ah Shareecadii Islaamka, Xeer-dhaqankii Soomaalida iyo labadii nidaam xeer ee ay inooga tageen Ingiriiska iyo Talyaaniga.

Waxaan intaa dheer in xeerarka aasaasiga ee dalka ay ku qoran yihiin Afafka qalaad, sidoo kale aan wax ka beddel iyo casriyayn waqtiga iyo duruufaha dalka la socda lagu sameyn wixii burburka ka dambeeyay.

Caqabadaha kale ee ku gadaaman xeer-dejinta waxaa ka mid ahsaamaynta shisheeyaha, sharci-yaqaannada wax ku soo bartay dalalka shisheeye ee dalka ku soo noqday misena aan helin machad ama iskuul dowladeed oo ay tababar ku qaataan oo dalka gudahiisa ku yaal.

Wixii burburkii ka dambeeyay xeer-dejintu waxay iska noqotay mashruuc lagu raadsado dhaqaale oo aan ku dhisnayn ujeeddooyin fog-fog iyo raadraac wax faa’iido iyo waxtar ahna aan u lahayn aayaha dembe ee jiilalka imaanaya.

Caqabadahaas oo is biirsaday ayaa keenay in aan si xirfadeysan loo diyaarin xeerarka dalka, sidoo kale aan la tixgelin saamaynta dhaqan-dhaqaale iyo midda deegaan ee xeerka yeelanayo iyo sida loo waafajin karo diinta, dastuurka iyo sooyaalka xeer ee dalka.

Hindise-sharciyeedka Dembiyada Galmadu wuxuu la wadaagaa xeerarka kale caqabadaha aan sare ku tilmaanay, hase yeeshee wuxuu leeyahay dhaliilo iyo cillado aad u waaweyn oo u baahan soo bandhigid, falanqeyn iyo naqdin intaba.

MABAADII’DA GUUD EE XEER-DEJINTA

Inta aan la diyaarin qabyo-qoraal xeer waa in marka hore la diyaariyaa mashruuc xeer oo ku qotoma daraasad iyo cilmi-baaris qoto dheer oo ku saabsan xeerka la diyaarinayo iyo ujeedka loo dejinayo.

Daraasadda iyo cilmibaarista la xiriirta mashruuca sharci waxay saadaal ka bixinaysaa isla-markaana ka jawaabaysaa su’aalaha la xiriira ujeeddada loo dejinayo xeerka, muskiladda uu xallinayo, habka iyo hannaanka loo diyaarinayo, natiijada laga filanayo hanka iyo fal-celinta bulshada ee xeerka.

Waxay sidoo soo bandhigaysaa su’aalaha soo socda si looga baaraan-dego jawaabaha ku habboon:

1. Maxay yihiin xaaladaha sharci, bulsho iyo dhaqan-dhaqaale ee hadda jira? Raad iyo saamayn ceynkee ah ayaa ka dhalanaya xeerka la dejinayo? Ma xallinaya mushkiladda jirta ee xeerka loo dejinayo?

2. Ma jiraa xeer kale ama xal kale oo sharci oo xallin kara mushkiladda iyo arrinta xeerka loo dejinayo?.

3. Maxaa qorshe siyaasadeed ah oo loo diyaariyay xallinta mushkiladda dhalisay xeer dejinta?.

4. Maxay tahay aragtida bulshada ee dhibaatada xeerka loo samaynayo? Ma jiraan xuluul ay soo bandhigeen ama soo jeediyeen bulshadu oo lagula tacaali karo arrinta xeerka loo dejinayo?

5. Siduu u guulaysan karaa qorshaha ama mashruuca xeereed ee la diyaarinayo? Ma guul-darreysan karaa?

6. Maxaa ka khladan hannaanka ama qaabka loo wajahayo caqabadda taagan ee xalka xeereed u baahan?.

Si looga jawaabo su’aalahaas sare ku xusan waxaa lagama maarmaan ah in ay jiraan hal-beeg loo raaco diyaarinta mashruuca sharci ee ka horreeeya hindise-sharciyeed kaasoo ku qotoma tixgelinta arrimaa soo socda:

1. In la ogaado dhibaatada si loo helo xalkeeda, waayoo cudurka marka la helo ayaa la daaweyn karaa.

2. In la tixgeliyo Dastuurka iyo sooyaalka sharci ee dalka, raadraacna laga dhigto.

3. In la diyaariyo qorshe siyaasadeed oo ku jaan-go’an ujeeddada xeer-dejinta.

4. In la qiimeeyo, la odoraso saameynta iyo raadadka maaliyadeed, bulsho iyo dhaqan-dhaqaale ee ka dhalanaya xeerka.

5. In la raaco hannaanka isbar-bardhigidda khatarta iyo faa’iidada(risk/benefit analysis).

6. In la soo bandhigo xulashooyin ama xuluul kala duwan oo lagu xallin karo dhibaatada loo samaynayo xeerka.

7. In la tashiyo lala sameeyo indheer-garad, xirfadleyda iyo guud ahaan bulshada.

8. In la diyaariyo warbixin qoto-dheer oo ku saabsan hannaanka loo maray daraasadda, wadatashiyada lala sameeyay qeybaha kala duwan ee bulshada.

9. In la diyaaryo mashruuc sharci oo si faah-faahsan u sharxaya xeerka la doonayo in la dejiyo, kadibna loo beddelo hindise-sharci si hay’adaha xeer-dejinta uga doodaan, talooyinkooda ugu daraan kadibna u ansixiyaan.

Waxaa intaa dheer in la tixgeliyo hannaan qoraalkeedka hindise-sharciyeed, si wanaagsanna loo siiqeeyo isla-markaana loo qodobeeyo iyadoo lala kaashanayo khubarada sharci iyo xirfadleyga qalin-maalka ah.

Haddii aan raadraac ku sameyno hindise-sharciyeedka dembiyada galmada ee aan falanqeynayo waxaa muuqanaysa in aan la tixgelin mabaadi’da aan tilmaanay, sidoo kale aan lagu qorin luqad sharci oo leh macno iyo nuxur qaanuuneed.

MABAADII’DA XEER-DEJINTA DEMBIYADA IYO CIQAABTA

Waxaa jira mabadi’i guud oo ay tahay in la xeeriyo marka la qorayo ama la dejinayo xeer la xiriira dembi iyo ciqaab.

Waa mabaadi’ iyo qaaciddooyin saldhiggoodu yahay Shareecada Islaamka iyo Shuruucda Caalamiga, oo ay ka mid ah kuwa soo socda:

1. Mabda’a sharciyadda dembiga(principle of legality) ee dhigaya in aan dembi iyo ciqaabi sharci la’aan jireyn.

Mabda’a sharciyadda dembiga iyo ciqaabtu waa mid ka mid ah tiirar xeerka dembiyada iyo ciqaabta, wuxuu sugayaa in aanay ciqaab iyo dembi midkoodna jirayn sharci la’aan.

Yoolka ugu weyn ee mabda’aani waa in aan dembiga iyo ciqaabta lagu dhisin aragtida iyo rabitaanka hay’adaha dowladda iyo garsooreyaasha.

Wuxuu reebayaa in dembi iyo ciqaab aan xeerka dalku sheegin lagu eedeyo isla-mar-ahaantaana lagu ciqaabi karin muwaadiniinta.

Waa qaacidda qaanuuni ah oo dhigaysa in aanay dembi iyo ciqaabi jiri -karin sharci la’aan(nullum crimen, nulla poena sine lege).

Waxaa sidoo kale mabda’aan gun-dhig u ah Addillada Shareecada oo dhigaysa in aan qofna lagu eedeyn-karin fal aan dembi-nimadiisa iyo ciqaabta ka dhalanaysa oo aan cuskanayn Nas iyo Addillo Sharci, ha ahaado dembigaasi xuduud ama qisaas ama tacsiir.

Waxa uu mabda’aani ku sugnaaday Aayadaha Qur’aanka ee Suuradda Israa(15) iyo Suuradda Nisaa(165). Waxaa kale oo sugaya Qawaaciida Asuuliga iyo kuwa Fiqiga (لا حكم لأفعال العقلاء قبل وُرود الشرعِ).

Waa mabda’a ay sugayaan Dastuurka iyo Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed sida ku cad Qod.35/13aad Dastuurka KMG iyo Qod.1, 161aad XCS.

2. Dib-u-nogosho la’aanta sharciga ciqaabta(Principle of non-retroactivity).

Mabda’aan wuxuu sugayaa in xeerka aan lagu dabikhi-karin ama lagu fulin-karin xaalad ama fal ka horeeyay maalinta la soo saaray ee uu dhaqanka-galay.

Waxaa la raacaa nidaamkan marka la fulinayo xeerka ciqaabta, waxaana reeban in qof lagu eedeeyo fal markuu ku kacayay ama samaynayay aanu sharcigu dembi u aqoonsanayn, sidoo kale aan lagu ciqaabo falkaas.

Waxaa jira xaalado gaar ah oo la tixgelinayo hadba xeerka danta iyo maslaxadda u ah eedeysanaha marka la eego ciqaabta.

Waxaa sugaya mabda’a sare ku xusan Qod.35/13aad ee Dastuurka KMG.

3. Mabda’a isu-dhigmidda dembiga iyo ciqaabta(Principle of proportionality)

Mabda’aan wuxuu dhigayaa in ciqaabtu u dhiganto dembiga, si looga fogaadi ciqaab arxan darro ah ama aan caadi ahayn oo ka culus dembiga qofku galay.

4. Mabda’a wargelinta iyo ogaysiinta Bulshada ee Xeerka(Principle of legal certainty)

Mabda’aan wuxuu tilmaamayaa in xeerka la faafiyo lana ogayso bulshada inta aan la dhaqan-gelin, sidoo kale in qof kastaahi heli karo xeerka.

Yoolku wuxuu yahay in bulshada la siiyo fursad ay kula qabsadaan xeerka cusub, sidoo kale ay ku beddelaan xaaladdii xeer ee horey u jirtay.

5. Mabda’a ilaalinta xuquuqda muwaadinka(Principle of vested rights)

Qof kastaa wuxuu leeyahay xuquuq uu sugay Dastuurka ama shuruucda dalka, sidaasi darteed waxaa reeban in la soo saaro xeer lagu duudsiinayo xuquuqdaas sharcigu ogolaaday.

6. Mabda’a ka fogaashiyaha xeerka aan qeexnayn(Void for vagueness)

Mabda’aani wuxuu dhigayaa in xeerku noqonayo mid aan la aqbali-karin haddii uusan si cad u qeexayn, waayoo waxay arrintaasi abuuraysaa shaki iyo hubaal la’aan, waxaana adkaanaysaa in la dabakho xeerkaan, gaar ahaan xeerka dembiga ama xeerka ciqaabta.

7. Mabda’a filashada ama naawilidda sharciga(principle of legitimate wxpectations)

Mabda’aan wuxuu ilaalinayaa filashada iyo hanka bulshada ee la xiriirta xeerka la dejinayo iyo sida uu u daboolayo baahidooda.

Waa in ujeedda xeer-dejinta laga gaaraa danti laga lahaa, kana soo baxdaa natiijadiii ay naawilayeen bulshadu ee ahayd in uu xal iyo dawo u noqdo mushkiladda loo dejinayay xeerka.

DHALIILAHA IYO KHALADAADKA HINDISE-SHARCIYEEDKA

Hindise-sharciyeedka dembiyada galmada la xiriira ma tixgelin isla-markaana ma dhowrin mabaadi’da saldhiggeedu yahay Shareecada Islaamka, Dastuurka, Xeer Ciqaabta Dalka iyo Xeerarka Caalamiga ee aan sare ku falanqeynay.

Waxaa nasiib darro ah in uu tilmaamayo dembiyo haddana aanu dhigayn ciqaabta ka dhalanaysa dembigaas, waxaa kale oo ka sii daran in dhammaan dembiyada ku xusan hindise-sharciyeed ciqaabtooda loo-celinayo ama la sheegayo in loo raacayo si waafaqsan Shareecada Islaamka iyo Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed iyadoon la xusayn ama la sheegayn Daliilka ama Naska Sahreecada ee ciqaabta iyo dembiga dhigaya, sidoo kale qodobka Xeerka Ciqaabta ee dhigaya dembiya iyo ciqaabtiisa.

Hidisaha sharci ma tilmaamayo haddii la dabakhayo qodobada xeerka ciqaabta soomaaliyeed ama la raacayo xeerka dembiyada galmada ee bilaa ciqaabta ah, haddii qof dembi fal kufsi ah galo kaasoo ka dabeecad duwan kan lagu sheegay xeerka ciqaabta sida la yeelayo iyo ciqaabta la dabakhayo, maadaama nuxurka falka kufsiga ee lagu sheegay hindise-sharciyeedkan uu ka duwan macno ahaan iyo nuxur ahaanba kan lagu sheegay xeerka ciqaabta soomaaliyeed.

Waxaa sidoo ku jira dembiyo ciqaabtooda aan lagu sheegin xeerka ciqaabta, sidoo kale aan lagu caddeyn ciqaabta shareecada ee ku habboon dembigaas, misana ku jira hindisaha.

Waxaa muran abuuri kara fulinta iyo dabakhaadda ciqaabta dembiyada xeerka lagu xusay ee loo tixraacayo Shareecada iyo Xeerka Ciqaabta Soomaliyeed labada, taasoo abuuri karta in lagu jaha-wareero kan la qaadanayo iyo kan laga tagayo marka la dabakhayo ciqaabta, ma shareecada ayaa la qaadanayaa msie xeerka ciqaabta.

Wuxuu sidoo kale hareer-marsan mabda’a aasaasi u ah xeerka ciqaabta oo dhigaya in qodobka dembiga iyo ciqabtu ay cad, sidoo kale aysan dhalinayn muran iyo shaki fasiraaddeed ama faham la’aaneed, taasina waa mid aad ugu badan guud ahaan qodobada hindise-sharciyeedka.

Dhaliilaha, gefefka iyo khaladaadka hindise-sharciyeedku aad ayay u badan yihiin, waxana si gaar ugu faalleyn doonaa qoromooyinka soo socda, hase yeeshee waxaan halkaan ku soo gudbinaynaa qaar ka mid ah gefefkaas oo aan si guud ugu soo bandhigayno maqaalkan, waxaana ka mid ah kuwa soo socda:

1. Waxaan hindise-xeeredkan laga soo minguuriyay xeerar dad-yow kale oo aanan isku-diin, dhaqan iyo nidaam xeereed ahayn.

2. Hortabinta 1aad iyo qabyo-qoraalka asalka ee hindisaha waxaa lagu diyaariyay Afka Ingiriisiga.

3. Turjumidda hindise-sharciyeedka ee Afka Soomaliga waa mid si toos ah looga soo tujumay Gogol, wax tifaftir xirfadaysan ahna aan lagu samayn.

4. Cinwaanka hindis-sharciyeedka ama magaca xeerka oo aan raacsanayn nuxurka qoraalka ka kooban 39-ka qodob.

5. Eray-bixinta sharci ee qoraalka hindise-sharciyeedka oo aad u hooseysa, kana hor imaanaysa macnaha saxda ah ee erayadu ku qotomaan ee xagga luqadda caadiga iyo luqadda qaanuunka intaba(Qod.2, 5,aad).

6. Qoraallada hindise-sharciyeedka oo aan mararka qaar wada socon, lagana yaabo in faqradaha ku jira hal qodob ay kala xambaarsan yihiin macno iyo nuxur qaanuuneed oo kala duwan.

7. Erayga galmo oo ah fal ka mid ah falalka jinsiga, sidoo kale aan tilmaamayn tacaddiyada kale ee aan ahayn galmada ee ku saabsan jinsiga(Qod.3aad).

8. Hindise-sharciyeedka oo sheegaya dembiyo isla-markaana aan dhigayn ciqaabta loo dejiyay dembiyada la tilmaamay, haddii aan si kale u dhigno dembi bilaa ciqaab ah(guud ahaan 39-ka qodob).

9. Erayada Jinsi iyo galmo oo macno iyo nuxur ahaan aad u kala duwan, hase yeeshee isku sidkan mararka qaar.

10. Ciqaabta dembiyada xeerka lagu sheegay oo loo-celinayo ama loo tixraacayo jiraan shareecada iyo xeerka ciqaabta, iyadoon la sheegayn adillada shareecada ama qodobka xeerka ciqaabta ee dhigaya ciqaabta falka dembiga ee xeerka lagu sheegay.

11. Dembiyada qaar ee ku jira hindise-sharciyeedka oo ciqaabtooda loo celinayo xeer aan ahayn shareecada iyo xeerka ciqaabta, iyadoo mara-mar la arkayo in loo celinayo arrimaha qaar Xeerka Madaniga, ama xeer anshaxa oo aan la aqoon waxa uu yahay.

12. Dembiga Kufsiga ee lagu sheegay Hindise-sharciyeedkan oo macno iyo nuxur ahaan ka duwan yahay kan lagu sheegay Qod.398 XC taasoo abuuray muran la xiriira ciqaabta la dabakhayo iyo xeerka la qaadanayo ama laga tagayo (Qos.12aad).

13. Ma qeexna nuxurka iyo ujeedka dembiyada ku xusan guud ahaan hindise-sharciyeedkan(39-ka qodob).

14. Waxaa ku jira hindise-sharciyeedka mugdi iyo faham la’aan ku saabsan nuxurka iyo macnaha xeereed ee dembiyada qaar.

15. Waxaa ku jira isburrin aad u weyn oo ay adagtahay in qodobada qaar ay yeeshaan fulin ama murti qaanuun.

16. Waxaa ku jira qodobo aan ka hadlayn dembiyo oo ka hadlaya siyaasad iyo talo ku wajahan hay’adaha dowladda(Qod.38aad).

17. Qodobada qaar oo si cad uga hor imaanaya Shareecada Islaamka(Qod.3,4, 7, 8, 9, 18, 25).

WABILLAAHI-TOWFIIQ

Qareen Zakariya Ismaaciil Nuur




    Falanqeyn 22 September 2020 7:48

    Farmaajihii ummada u maleeysay rajada dalkan, iyo inuu ka duwan yahay, madaxdii inasoo martay, balse wuxuu noqday, nin lagu sirmay, lagu wada kadsoomay, laga wada shallaayayoo laga wada qoomameeyey. Waa Qormaddii Maanta ee C/Qaadir Maxamed Cismaan.