DFS oo cadeysay in ay Kenya la wareegtay qeyb ka mid ah dhul-badeed Soomaaliya

Falanqeyn Keydmedia Online

Cabdullahi Ibraahim — Waxaan marka hore u mahadcelinayaa Madaxweynaha Dowladda Federaalka Xasan Sheekh oo runtii dadaal dheer ugu jira sidii uu Kenya uga soo celin lahaa qeyb ka mid ah dhul-badeedka Soomaaliya oo ay la wareegtay.

DFS oo cadeysay in ay Kenya la wareegtay qeyb ka mid ah dhul-badeed Soomaaliya

Waxaan sidoo kale u mahadcelinayaa Wariye Falastiin Axmed oo runtii weydiisay Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Bulguim su'aalo badan oo loo baahnaa in la weydiiyo Madaxda Soomaalida gaar ahaan marka ay timaaddo Baddan lagu muransan yahay.
 
Waxaa uu cadeeyey Safiirka Dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Bulguim, Islamarkaana ah Wakiilka Dowladda ee Midowga Yurub Cali Saciid Fiq mar uu marti u ahaa Barnaamij ka baxa Laanta Af-Soomaliga ee VOA-da in ay Dowladda Kenya la wareegtay qeyb ka mid ah dhul-badeedka Soomaaliya, gaar ahaan halka ay iska galaan Labada Dal.
 
Waxa uu Safiirku intaasi ku daray in ay Dowladda Kenya ku soo xad-gudubtay dhul-badeedka Soomaaliya, islamarkaana ay gudaha u soo gashay dhul dheeraad ah, kaas oo xittaa ka badan intii markii hore la isku haystay, taasoo xad-gudub ku ah Qaranimada iyo Madax banaanida Dalka.Waxa uu Safiirku sheegay oo kale in ay Dowladda Kenya siisay Shirkado baara Shidaalka,Kuwaas oo Shidaal ka baarayo dhul-badeedkan la isku haysto
 
Cadeymaha uu bixiyey Safiirku, Waxa ay ka horimaaneysaa qudabaddii uu dhawaan jeediyey Madaxweynaha Dowladda Federaalka Xasan Sheekh, taas oo uu madaxweynuhu ku sheegay in aysan jirin dhul-badeed laga haysto Soomaaliya, khilaafka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenyana uu ku salaysan yahay calaamadeynta dhul-badeedka u dhaxeeya Labada Dal.
 
Hadaba markan soo aruuriyo hadalka Safiirka, waxaa soo baxday in ay Kenya xoog ku haysato qeybka ka mid ah dhul-badeedka Soomaaliya, Islamarkaana ay ku tagrifaleyso dhul lagu muransan yahay, Iyadoo bixineyso qandaraasyo lagu baaro Shidaalka, taasoo ka dhigan duulaan qaawan oo ay Kenya ku soo qaaday dalka Soomaaliya.
 
Wareysigii lala yeeshay Safiirka, Waxa uu daaha ka rogay tuhunkii ay qabeen Malaayiin Soomaali ah,kuwaas oo tuhunsanaa in ay Dowladda Kenya ku howlan tahay dhicidda dhul-badeedka Soomaaliya, Iyadoo ka faa'iideysaneysa duruufaha adag ee ay ku jirto Umadda Soomaalida  iyo waliba kala qeybsanaantooda.
 
Maadaama aan ognahay goortii lala wareegtay dhul-badeedkan iyo waliba cidda wareejisay, Hadaba waxaan u baahannahay inaan waxoogaa sharaxno farsmadii ay Kenya isticmaashay si ay dadka Soomaaliyeed u ogaadaan Khiyaanadii dhacday.Dowladda Kenya waxa ay Heshiis is-faham ah la gashay Xukuumaddii Cumar Cabdirashid,Waxaana Heshiiskaasi saxiixay Khaa'inu -Wadan  Cabdiraxmaan C/Shakuur.
 
Markii ay Dowladda Kenya la saxiixatay Heshiiskaasi Dowladdii waagaasi jirtay,Waxa ay islamarkiiba abaabushay dhismaha maamul goboleed laga dhiso Gobolada Jubooyinka si ay ugu fududaato in ay faragelin militari ugu sameyso Gobolada Jubooyinka gaar ahaan Gobolka Jubadda Hoose oo la wadaago Xuduud xagga Badda ah.
 
Markii ay isku dubariday Qorshihii maamul goboleedkaasi, Waxa ay bilowday in ay hubeyso Maleeshiyo Beeleedyo Bilo ka dibna, Waxa ay ciidamadeeda u soo dirtay gudaha Soomaaliya, Iyadoo ku andocooneysa in dagaal kula jirto Kooxda Al-Shabab oo ay ku eedeysay in falal amni-daro ah ka geysteen gudaha Dalka Kenya.Ciidamada Kenya ayaa soo galay dalkan beylahda ah, Iyaga oo aanan ogolaansho ka haysan Dowladdii waagaasi jirtay.
 
Madaxweynihii waagaasi joogay Sheekh Shariif, Ayaa diidmo kala horyimid faragelintii qaawaneyd ee ay ciidamada Kenya ku soo galeen dalka laakiin Waxa minjixaabiyey dadaalkiisii Qabyaaliistaha Khaa'inu-Wadanka ah Cabdi Wali Gaas oo waagaasi ahaa Ra'isul-Wasaare.Si kastaba ha noqotee, Waxa ay Dowladda Kenya dalka soo galisay ciidamo aad u hubeysan,Kuwaas oo isugu jiray Cir,Dhul iyo Bad.
 
Ugu danbeyntii, Waxaa Shirqoolkaasi fududeeyey Siyaasiyiin Soomaali ah walibana Xilal muhiim ah ka hayey dalka sida Cumar C/rashiid,C/raxmaan Cabdishakuur,C/raxmaan Ibrahim Aadan (Ibbi), Shariif Sakiin,Gaandi,Axmed Madoobe iyo Rag kaloo badan.Raggan ayaa galay Khiyaano Qaran ka dib markii ay si farsamo ah ugu wareejiyeen Dowladda Kenya dhul-badeed ay leedahay Umadda Soomaaliyeed.
 
Khiyaanada Qaran, Ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka qaatay Siyaasiyiin Somali-Kenyan ah, Kuwaas oo si indho-la'aan ah u taageeray faragelintii Sharci-darada ahayd ee ay ciidamada Kenya ku soo galeen dalka, Iyagoo u arkaayey in ay caawineyso Beelo gaar ah.Waxaa Iyadana xusid mudan kaalintii ay Khiyaanadan ku lahaayeen Siyaasiyiin iyo Aqoonyahano taageersan Maamul Beeleedka Puntlanad.
 
Gaba gabadii, Waxaan leeyahay waa nasiib-daro in ay Dowladda Kenya damaaciso dhul Soomaaliyeed, Iyadoo awalba horay u haysatay dhul kale,Waxa ayna tani tuseysaa daciifnimada Siyaasiyiinta Soomaalida iyo faham-xumidooda iyo waliba sida uu baylah u yahay dalkan.Dad badan oo Soomaaliyeed ayaa horay uga digay faragelinta Dowladaha Dariska ah gaar ahaan Itoobiya iyo Kenya laakiin nasiib daro waa la maqli waayey.
 
Si looga hortago mustaqbalka khiyaano noocan oo kale ah,Waa in lala xisaabtamaa Raggi ka danbeyey Shirqoolkan, Islamarkaana la soo taagaa Maxkamad ka dibna la marsiiya waxa ay mudan yihiin.Waa waajib in la ciqaabo Khaa'inu-Wadan kasta si loo difaaco midnimada iyo madax banaanida dalka iyo waliba xaduudyadiisa.
 
Hadaba haddii ay dhacday Khiyaanadan Qaran, Islamarkaana lala wareegay qeybo ka mid ah dhul-badeedkeenii, Waxaan ka dalbaneynaa Dowladda Federaalka qodobada soo socda maadaama ay Iyadu hadda matasho dalkan:-

  1. In la soo xiro dhamaan Khaa'inu-Wadanadii qeybta ku lahaa arinta iyo waliba soo gelitaankii ciidamada Kenya sida, Cumar Cabdirashiid, C/Raxman C/Shakuur, C/raxmaan Ibbi, Shariif Sakiin, C/Wali Gaas, Gaandi, Axmed Modoobe, Fataag, Col.Cabaas iyo Gen. Dhuumaal.
  2. In Dalka laga saaro dhamaan ciidamada Dowladaha Dariska ah gaar ahaan Itoobiya iyo Kenya, Islamarkaana looga digo Labadan Dowladooda faragelin danbo oo ay ku soo sameeyaan dalkan.
  3. In ay Dowladdu dacweyso dhamaan shirakadaha Shidaalka ka baarayo dhul-badeedkan la isku haysto,,Sidoo kalena ay u digto Shirakad kasta oo isku dayda in ay Shidaal ka baarto Baddaasi.
  4. In ay Dowladdu la soo laabato dacwaddii ay gudbisay inta aanan lagu qiyaamin dacwaddan, Sidoo kalena ay kiiskan mar walba kala tashato Khubaro Soomaali ah.
  5. In si deg deg loo dhiso ciidamadii Badda, Islamarkaana la geeyo dhul-badeedkan la isku haysto loona diyaar garoobe sidii la isaga difaaci lahaa.

Dhinaca Shacabka Waxaan u soo jeedinayaa qodobada soo socda :-

  1. In la dhiso Xisbi Wadani oo ay hogaamiyaan dad Wadaniyiin ah sida Farmaajo oo kale ah si looga hortago khataraha ka soo socda Labadan cadow
  2. In aanan marna laga dhegeysan baaqyada ka soo baxayo Siyaasiyiinta iyo Culimada dadka u qurxineyso Shirqoolada ka dhanka ah dalka laguna yiraahdo Taariikhd ayaa idinka run badan.

Waxaan qormadan ku soo gaba gabeynayaa Gabay uu tiriyeye Alaha u naxariistee Xaaji Aadan Axmed (Af-qalooc) mar uu la yaabay Madaxdii Soomaalida ee waagaasi joogtay
 
Waxa uu yiri "Fatuuradaha nimankan watow waad fasaqanteene` Fudeyd laguma helin dowladdaad faraxumeyseene` Feedhaaney wareegaan raggi faylanki galaye` Idinkoon finin tuurin baa fooqyadii koraye` Goortuu Falaagii dhashay Faranjigii dhoofay fahmadan malaysaneyey ficilkii beenowye`
 
Ninkastoo fariista korsigan nagu filnaan waaye` Gobonimo halkii lagu furay foorartaa waliye` fin baa laabta iga soo baxoo feeraha u dhacaye`
 
Waxaa uu mar kale yiri "Malcuunkii aynu erinay ayaa ahaa macalinkoodiiye` Halkii karar ka miisaayeye bay mirar  siyaadsheene` Mas bey nagu noqdeene iyo abees mici ku dhiigla'ahe`Mindidii walaa xawle bay nagu maqiiqeene `Muraad uma leh dowlad iyo Shicib labada meeloode`  Iyaga mu'aamarada wada mowdka la is dilo'e maqsadka iyo ujeedaduna waa maal ay uruurshaana.

W/Q:Cabdullahi Ibrahim C.
Abdull2006@hotmail.com




    Falanqeyn 15 September 2020 9:00

    Maalmahan waxaa shacabka Soomaaliyeed lagu jaahwareeriyay in ka maqnaanshaha Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland shirka dhusamare-3 ay aheyd caqabad hakisay in heshiis loo dhan yahay laga gaaro hannaanka doorashada 2020.