Yaa leh Mas’uuliyadda Dilkii Madaxweyne Sharmaarke?

Falanqeyn Keydmedia Online

Adduunku Bulsha kastaba waxay leedahay dhinac ay mushkiladi ka haysato taasoo in muddo ah ay ku jiran kana baxaan, Inta badan dhibaatooyinka Shucuubta dunida ku dhaca waa ka siman yihiin markay wajahayaan dhacdooyinka, waxayna ku dadaalaan in arin markaas taagan lala xarbiyo ama laga hortago inta aysan baahin ama aysan gacanta ka bixin, taasoo suurta galinaysa in bulshada ay ku guulaystaan.

Yaa leh Mas’uuliyadda Dilkii Madaxweyne Sharmaarke?

Laakiin hadday ay noqon weydo in marka hore laga hortago sababkasta oo ay ku timaado, waxay qaadanaysaa in la hakiyo wakhti jiilal kala duwan ay marto, oo la heli waayo dawadeeda wakhti kooban. Waxayna dhalisa in wax yaabo badan oo aysan bulshada horay u aqoon jirin, musiibooyin ama waxyaabo nolosha caadiga ah ee ummadaha ay lahaayeen dhaawacda, ama badasha.

Soomaalida mushkilo waxa ugu filan qabyaaladda, iyo iska dhaadhicinta in qolo ay isu aragto ayagoo Tuuladooda joogta inay ku dhagaan aragti aysan waligood yeelan, waana caado soomaalida qaar ay taqaanay in muddo ah oo aan laga hortagin oo aan laga hor istaagin sikastaba, si loo hagaajiyo hanaankii saxda ahaa ee jiray, ayna ku dhaqmi jireen. Is qabadka Ummadda Soomaaliyeed waxaa inta badan u asal ahaa clan supremacy ay soomaalida waligeed ku jirtay, waana caadi oo dunida ninba meel ayey ka qabsatay si ay u challenge garayso cidda ka soo horjeeda, oo diin ha ku dhisnaato, qabiil, ama qowmiyad, Midab iyo wixii la mid ah.

Maanta waxaan doonaynaa dhacdooyinka soomaalida qaar ka mid ah iyo sida damaaciga qolooyinka qaar u dhibaataayey daganaha guud ee Bulshada ay leedahay oo hadday weydo ay u marayso jidkasta si ay uu ayada u noqoto kuwa kaliya ee jooga meesha ay doonayaan, waa madaxnimada iyo darajada ugu saraysa ee soomaali ka dhaxaysa, siday doonaanba ha uga fekereene. Danahasaas waxaa laga yaabaa inay doonayaan inay dhacaan Ummadda Soomaaliyeed dhul ahaan ama dad ahaan o damaca halkaas kaga Jiro, ama uu ula jeedkoodu yahay inay talada dalka ayaga dhaxal u qaataan, labaduba waa feker ay ku fekerayaan qolooyinka Soomaalida kuwa ka mid ah, taasoo aysan Tuurta gal u ahayn inay dhacdo, maxaa yeelay Garaad ama garasho, iyo Guntiba waa laga weyn yahay, waxaana ku tusinaysa sida ninkaa xoog weyn kaaga uga fogaanayo mushkilad mid itaal yarna ugu ordayo una jecel yahay Mushkiladda.

Talada dalka iyo midnimada ummadda qolo gooni ah oo wax laga weydiinayaa ma jirto, cid loo daba fadhiisanayaana ma jirto, in la hagaajiyo Ummadda soomaaliyeed masiirkeeda markastaba dad baa ka soo horjeeda, laakiin qolaalkan waxaan ku caddayn doonaa bal sida ay u doonayaan iyo dhacdooyinkii laga bartay waayahay, iyo damacooda heerka uu maray iyo halka uu soomaali dhigay, bal aqritoow adiga ayaa qaadan doona go’aanka, mana ahan wax fekerkayga ah inaan idinku qancinayo ee waxaad ka heleysaan taariikhda sooyaal-ka laga soo Billaabo 1890 iyo sida ay u soo tixnayd taariikdii Laakiin Aniga waxaan ka billaabayaa dhalashada kacdoonka Sayid Maxamed cabdulle iyo saameynta Puntland, waayo daraasadda aan sameeyey ayay ku dhisan tahay arimaha aan ka hadli doono, cidda u baahan meel waliba waa ka heleysaa macluumaad-ka, waxayna u baahan tahay in wakhti la galiyo.

Aan guda galo dhacdooyinka

15-10-1969 ALLAHA u naxariistee waxaa magaalada Laas Caanood lagu dilay Madaxweynihii sida furan loo soo doortay Madaxweyne Mudane Cabdirashiid Cali Sharmarke oo uu dilay mid ka mid ahaa Illaaladiisa, ayna isku qolo ahaayeen Madaxweynuhu wuxuu booqasho ku marayey dhulkaas asagoo ka jawaabayey abaaro xoogan oo ku dhuftay gobolada haba ugu darnaadeen dhulka uu markaa Booqanayey oo ahaa deegaankii uu dhalasha ahaan ka soo jeeday.

Dilka madaxweynaha oo rasaasta lagu dhuftay lala hor istaagay marka la dilay wuxuu ahaa shirqool aad moodaysay in loogu tala galay oo u dhacay si karaamo darra ah, waxayna ahayd dil arxan daran oo uu gaystay askari illaalada gaarka ah ee uu leeyahaa madaxweynaha ayna hayb ahaan wadaageen, Meelaha qaarkood waxaa lagu sheegayaa in Madaxweynaha loo dilay AANO QABIIL, sida aad ka heleyso xitaa Wikipedia lagu qoray dilka Madaxweyna Sharmarke.

CABDUQADIR CABDI MAXAMED oo 22 jir Police ah laguna xoojiyey Illaalada madaxweynaha ayaa geystay dilka (Source “Puntite”), kaasoo ka nixiyey dhamaan ciidamada. Dilka madaxweynaha Soomaaliya waxaa ka horeeyey sirdilyo fashilantay oo Madaxweyne Cabdirashiid Cali Sharmarka lagu qaaday, ayadoo lagu weeraray Bambo gacmeed agagaarka Garoonka diyaaradaha Magaalada Muqdishu sanadii 1968, asagoo markaas ka soo noqday Garoonka.

Mu’aamaradaas madaxweynaha ee hore ayaa digniin waxay u ahayd inuu madaxweynuhu ku dhex jiro calaamad cas oo noloshiisana ay halis ku jirto, laakiin madaxweynaha waxkastaba waxa ugu weynaa wax qabadka ummadda soomaaliyeed ee dhibku gaaray intuu illaalin lahaa noloshiisa, wax lagu fekerayeyna maahayn in nin ay qaraabo yihiin kana mid ahaa illaaladiisa gaarka ah uu toogan karo madaxweyne uu dal dhan leeyahay.

Ninka dilay madaxweynaha oo aan ku soo sheegtay qoraalada sare, markiiba waa la qabtay oo la soo xiray si loo mariyo sharciga dowladda loona ogaado bal sababta ku kaliftay dilka ama inuu isku qaado madaxweynaha dalka oo uu dilo, asagoo ilaalo qaas u ahaa, iyo cidda ka dambaysay dilka ee ninkani ku qasabtay inuu mushkiladan sameeyo. Ayaan daro ninkii rag aan la garanayn oo dowladda ka mid ahaa ayaa xabsiga kala baxay waana la dilay, taasoo ka dhigtay Kiiskii dilka madaxweynaha  sida ciyaartii Jarta ahayd ee Hal iyo Aflaay.

Hadda madaxweynihii waa la dilay, ninkii la doonayey inuu wax sheegana waa la dilay, oo dhamaan dowladda  gacanteeda ayey ku dhinteen, caddayn ma jirto, meel loo raaco ma jirto, cid wax laga weydiiyaa ma jirto, dhamaan albaabkastaba waa ka soo xirmay oo wax lagu ogaan lahaa, taasoo ugu dambayntii ka dhigtay in madaxweynaha dalka loo waayo cid loo ciqaabo, ama la helo cidda qalaan qalka siyaasadeed galisay ummadda iyo dowladda ugubka ah ee curatay.

Waa Hubaal in dowladdaas yar ee curatay ay cadow badan lahayd, mid soomaaliyeed iyo mid watarnimada raga meesha joogay ay lahaayeen, taasoo keentay ugu dambayn burburka iyo niyad jabka hana qaadka dowladnimo ee ummadda soomaaliyeed leedahay.

Markiiba waxaa billowday qalaan qal siyaasadeed oo xoog badan si musiibo ah oo aan xushmad lahayn u kacay, taasoo keentay in wakiiladda dalka qaarkood laysku afgaaro si xishood la’aan ah oo aan karaamo lahayn gudaha baarlamaanka. Ra’iisul wazaare Maxamed xaaji Ibraahim Cigaal Rabi ha u naxriistee waa ka gaabsaday dhamaan dhacdooyinkii, door muhiim ahna kama cayaarin mushkiladda markaas taagnayd sidii loo xalin lahaa, waayo waxaa laga yaabaa inay dhaaftay xaddiga in lays hortaago ama ugu yaraan la maareeyo muskiladda ka dhex dhacday wakiiladda soomaaliyeed.

Dilka Cabdirashiid wuxuu ahaa aamusinta hanaan wanaaga iyo furfurnaanta dowladnimo ee ka jirtay soomaaliya ee curadda ahayd, taasoo Africa oo dhan role model u ahayd, aadna ku arkayso Buugkasta oo dunida qortay oo aad soo rogto, kuuna sheegaya in hanaankii Soomaaliyeed ee billowday lixdankii ee africaanka tusaalaha u ahaa, mar qura geedkiisa xididka loo jaray.

Puntland waa, meesha kaliya ee lagu eedeynayo inay lug weyn ku lahayd dilka madaxweyne cabdirashiid cali sharmarke, intaas kaliya kuma ekeyn qaarajinta madaxda dalkee, regime-kii dalka xooga ku qabsaday ee dumiyey hanaan wanaaggii Ummadda Madaxweyne Maxamed Siyaad barre waxaa Assassination Fashilmay ku sameeyey Rag ka soo jeeday Puntand  oo aan waliba hal mar ahayn, inqilaabkii dhicisoobay ee cabdillaahi yuusuf, iyo isku daygii dilka madaxweyne Maxamed Siyaad barre ee shilka gaariga daweyntiisa muddo sacuudiga lagu hayey, oo uu ka dambeeyey Nin can ah oo soomalidoo dhan garanayso, dhamaan waa howl galadda ay sameynayeen reer Puntland.

Baarlamaanka buuqa ka dhex jiray, Beryahaas waxaa lagu eedeynayey dhibka ugu badan inay wadeen kooxo ka socday Puntland oo doonayey in  ay dalka madaxweyne ka noqdaan sida muuqanaysay oo dad badan oo berrigaas joogay ay kuu sheegayaan In Xaaji Muuse Boqor ka mid ahaa,  buuqa ugu badana ay ayagu lahaayeen.

Cabduqaadir Oromo buugaagta uu qoray oo inta badan ay ka caroodaan reer puntland, oo aan la garanayn sababta ay u diidan yihiin buugaagtiisa ayaa ku sifeeyey hana qaadkii dowliga ahaa ee soomaaliyeedba inay ahaayeen mushkiladda soomaaliya, oo ayna ka shaqeyn wax wanaag ah marka laga soo tago dhowr qofood oo ka tirsanaa SYL oo wax tarkoodu ummadda ka dhex muuqday kuwaasoo aan qabiil iyo hayb gooni cidna ku raacin sharaf iyo maamuus lahaa.

Bogga Keydmedia Online kala soco Qeybta labaad ee Qormaddaan. 

Ibrahim Abdi Geele
Jinniishumi@gmail.com




Falanqeyn 2 July 2021 2:12

Lixdan iyo kow sano ayaa la joogaa markii halgan ay hoggaaminayeen dhalinyaradii SYL, la isaga dul qaaday saan-cadaalihii ku soo duulay dulka Soomaaliyed, si uu u kala geeyo bulshada isku diinta, isku dalka, isku isirka iyo isku dhaqanka ah, ee Rabbi ku abuuray geeska Africa.