Farmaajo wuxuu ku jiraa Dagaal uu ku hor istaagayo doorasho heshiis lagu yahay

Falanqeyn Mohamud M Uluso

Madaxweyne Farmajo oo xilkiisu yahay ilaalinta iyo horumarinta mabaadi'ida asaasiga ah ee dastuurka iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed, wuxuu ku guuldareystay inuu garowsado ujeedada asaasiga ee shirarka Dhuusamareb.

Farmaajo wuxuu ku jiraa Dagaal uu ku hor istaagayo doorasho heshiis lagu yahay

Ugu horreyn, waxaa xusuus mudan warmurtiyeedyadii ka soo baxay labadii shir ee ka dhacay Magaalo Madaxda Galmudug, kuwaaso kala ahaa:

1. Shir dhexmaray 5ta Madaxweyne ee dowlad goboleedyada Xubnaha ka ah dowladda federaalka, shirkaaso laga soo saaray Warmurtiyeed taarikhdiisu tahay 12ka Luulyo 2020, kana koobna 5 qodob: 1. in la xoojiyo iskaashiga dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka dhinacyada siyaasadda, amniga, iyo horumarinta, 2. in doorashada Barlamaanka Federaalka iyo tan Madaweynaha JFS ku dhacaan waqtigooda, lana oggoleyn waqti kororsi; 3. in doorashada Hal Qof iyo Hal Cod aysan suura gal aheyn in laga hirgeliyo dalka waqtiga ka harsan dhammaadka mudda xileedka Barlamaanka Federaalka iyo Madaxweynaha JFS; 4. in Madaxweynaha JFS iyo Ra'iisul Wasaaraha Dowladd Federaka ka soo qayb galaan shir ka dhcaya dhuusamareb ee looga wada tashanayo tubta farsamo ee qabsomidda doorashada aan aheyn HQHC ee 2020/2021; 5. Mahadcelin shacabka iyo dowladda Galmudug iyo Beesha Calaamka.

2. Shir dhexmaray Madaxweynaha JFS iyo Ra'iisul Wasaaraha dowladda federaalka oo dhinac ah iyo 5ta Madaxewyne ee Dowladaha Xubnaha DF oo ahaa dhinaca kale, shirkaaso ujeedadiisu aheyd in laga wada hadlo doorasho aan aheyn HQHC. Ra'yiga Ra'iisul Wasaare Kheyre wuxuu la mid ahaa kan Dowlad Goboleedyada. Warmurtiyeedka Shirka ka soo baxay oo taarikhdiisu tahay 22 Luulyo 2020 wuxuu ka koobnaa 8 qodob: 1. Adkeynta midnimada iyo wadajirka dadka iyo dalka soomaaliyeed; 2. Dardargelinta wada shaqeynta dowladda federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah DF xagga xasilinta dalka iyo la dagaalanka argagixisada; 3. Xoojinta arrimaha horumarinta dhaqaalaha iyo geedisocodka dhammeystirka deyn-cafinta Soomaaliya; 4. Qabashada doorasho heshiis lagu wada qanacsan yahay oo ku dhacda waqtigeeda; 5. Magacaabidda Guddi farsamo oo ka kala socda Dowladda Federaalka iyo dowlaha xubnaha ka ah dowladda federaalka, guddigaaso ka soo baaraandegaya hannaanka iyo habsami u socodka doorashooyinka dalka; 6. Isugu imaanshaha shir labaad Magaalada dhuusamareb muddo 2 toddobaad gudahooda si loo dhammeystiro geedisocodka doorashooyinka dalka; 7. Mahadcelinta iyo ammaanta shacabka, dowladda, iyo madaxda galmudug xagga martigelinta wanaagsan,, iyo dib u heshiisinta iyo nabadgelyada ay gaareen; 8. Mahadcelin Beesha Caalamka kaalinta muuqata ay ka qaadaneyso dib u dhiska iyo horumarinta dowladnimada Soomaaliya.

Ahmiyadda shirarka taxanaha ahaa ee dhuusamareb waxay ku koobneyd 2 ujeedo:

a) Qabashada doorashada 2020/2021 waqtiga loogu tala galay, ayna xaaran tahay dhib u dhac iyo waqti kororsi;

b) dib u soo nooleynta wadashaqeynta dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka si loo horumariyo dhaqaalaha loona dhammeystiro barnaamijka deyn-cafinta, wadashaqeyntaasoo shardi u ah kaalmada caalamiga ah iyo barnaamijka deyn-cafinta 3da sano socon doona.

Waxaa warmurtiyeedka laga dheehan karaa:

I) in dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka yihiin heer dowladda federaalka oo isku ujeedo, shaqo, iyo nidaam ah sida ku qeexan dastuurka kmg. sida darted, ay muhiim tahay inay yeeshaan wadatashi iyo wada shaqeyn gaar ah, toos ah si ay u mideeyaan mowqifyadooda ka hor inta aysan wada xaajood la gelin dowladda federaalka ama cid kale. Waa dhici karta in dowlad goboleed ay si gaar ah dowladda federaalka ula xaajooto; hase yeeshe waxaa muhiim ah in dowladaha Xubnaha ka ah yeeshaan gole talo wadaag iyo iskaashi.

II) in Dowladaha xubnaha ka ah dowlad goboleedyada si wadajir u martiqaadeen Madaxweynaha JFS iyo Ra'iisul Wasaaraha dowladda Federaalka. Ma jiro gogol dowlad goboleedka Galmudug ay gaar u dhigtay. Dhuusamareb waxay aheyd magaalo lagu heshiiyay kaddib markii lagu heshiin waayay in lagu shiro Magaalada Madaxda Muqdisho, dowladda Galmudugna soo bandhigtay inay diyaar u tahay martigelinta shirka. Diidmada Madaxweynayaasha dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland inay tagaan Muqdishu waxay tusaale u tahay shakiga ay ka qabeen daacadnimda, xilgudashada, xaqdhawrka Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo aan marna iska xil saarin shaki bixinta iyo wax ka qabashada cabashooyinka saldhigga u ahaa kalsooni darrada labada Madaxweyne. Khilaafaadkaas waxay curyaamiyeen wax ka qabashada dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya.

III) In shirarka wadatashiga dhuusamareb ku koobnaa dowladda federaalka iyo dowladaha Xubnaha ka ahaa dowladda federaalka, kuna jirin Gobolka Benadir oo aan lagu tala gelin inuu ka soo qaybgalo shirka sababo la xiriira ilaalinta nidaamka iyo heerarka dowladnimada dastuurka ku tilmaaman.

IV) In shaqada hortobyada leh ee dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka ay tahay qabashada doorashada 2020/2021 iyo iskaashiga arrimaha ku xiran taagerada caalamiga ah inta xal loo helayo dib u soo celinta wadashaqeynta labada heer ee dowladda federaalka.

VI) in Xubnaha guddiga farsamo ay aheyd inay ugu badnaan ahaadaan 13 xubnood keli ah oo dowladda federaalka ka yimaadaan ugu badnaan 3 xubnood iyo dowlad goboleedyada oo 10 xubnood ah, min 2 xubnood. Ujeedadu ma ahan codka ee waxay aheyd in mas'uuliyadda doorashada u qaybsan tahay heer federaal iyo heer dowlad goboleed.

VII) In guddiga farsamo ku shaqeynayo dhuusamareb ka hor waqtiga ballaanta shirka labaad oo aheyd labo usbuuc gudahooda. Waa la ogaa in Puntland iyo Jubbaland ka gaabsadeen ka qayb galka shirarka siyaasadda ee ka dhacaya Muqdisho.

VIII) In la xiray, la laalay ka hadalka doorashada HQHC oo ay tahay waqti lumis in arrintaas lagu soo celceliyo. Waxa keli ah oo furan waa ka wada hadalka doorasho dadban iyo dejinta hannaanta lagu tartami karo beelaha dhexdooda si daahfuran iyo xaqiijinta habka lagu gaari karo ujeedada doorasho xor iyo xalaal ah.

Madaxweyne Farmajo oo xilkiisu yahay ilaalinta iyo horumarinta mabaadi'ida asaasiga ah ee dastuurka iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed, wuxuu ku guuldareystay inuu garowsado ujeedada asaasiga ee shirarka dhuusamareb oo ahaa heshiis deg deg ah ee laga gaaro qabashada doorasho xor iyo xalaal ah oo waqtigeeda ku dhacda iyo wadashaqeynta dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah si loo xaqiijiyo ujeedoyinka dib i dhiska dowladnimada soomaaliya.

Wuxuu kaloo ku guuldareystay inuu akhriyo, dhuuxo, ixtiraamo, ku dhaqmo qodobbada ku cad labada warmurtiyeed, waafaqsan dastuurka kmg, wuxuuna si bareer ah ugu dhaqaaqay dagaal lagu fashilinayo ujeedada shirarka dhuusamareb bilow ilaa maanta oo la joogo.

Tusaale ahaan, waajibka koowaad ee Madaweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha dowladda federaalka wuxuu ahaa ilaalinta iskaashiga iyo wadashaqeynta dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka. Bil cagsi, Madaxweyne Farmaajo wuxuu bartilmameed ka dhigtay la dagaalanka, kala qaybinta, iyo isku dirta dowlad goboleedyada, taaso tumaati ku noqotay dib u dhiska iyo horumarinta dowladnimada soomaaliya oo beesha caalamka kaalinta muuqata ka qaadaneyso.

Gabogabada Shirkii dhuusamareb iyo kaddib, Madaxweyne Farmaajo wuxuu qaaday tallaabooyin uu ku fashilinayo qabsoomida doorasho heshiis lagu yahay oo dhacda waqtigeeda iyo jiritaanka dowlad Soomaaliyeed oo u adeegta maslaxadda guud ee shacabka Soomaaliyeed:

1. Wuxuu gabogabada shirkii dhuusamareb oo ahaa 22 Lulyo 2020 ka jeediyay khudbad uu uga soo horjeeda warmurtiyeedkii shirka laga akhriyay iyo khudbadihii niyadsamida iyo wadashaqeynta ku dheehneed ee Ra'iisul Wasaare Kheyre iyo Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada ka jeediyeen hortiisa. khudbadaas waxay markhaati u aheyd in Madaxweyne Farmaajo diidanaa go'aankii doorashada ee warmurtiyeedka ku qornaa, taaso laga odorosi karay tallaabooyinkii xigay ee dhacay.

2. 25 Luulyo 2020, wuxuu abaabulay xil ka qaadista Ra'iisul Wasaare Kheyre oo taageray in doorashada waqtigeeda ku dhacdo oo waqti kororsi dhici karin. Xil ka qaadista Ra'iisul Wasaaraha waxay aheyd kalsooni kala noqoshada xukuumadda. Madaxweyne farmajo wuxuu muddo ku faani jiray in Ra'iisul Wasaare Kheyre ay wada dhammeystiranayaan muddo xileedka 4 sano ah ee ku eg 7 Febraao 2021. Isla markiiba Madaxweyne Farmajo wuxuu Ra'iisul Wasaare ku Xigeenkii Xukuumadii kalsoonida lagala noqday u magacaabay kusime Ra'iisul Wasaare taaso ka soo horjeeda dastuurka kmg. Inkastoo sharcidarradaas laga ashkatooday, laga qayliyay, haddana ilaa maanta Madaxweyne Farmajo dheg uma dhigin, waxba ka qaban, taaso tusaale u ah inuu dastuur diid yahay.

3. Wuxuu magacaabay xubno Guddi Farsamo ka baxsanaa is afgaradkii shirkii dhuusamareb, wuxuuna shirka kuu soo daray Gobolka Benadir oo ka baxsan nidaamka dowladda federaalka.

4. Siiyaha Ra'iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda kalsoonida laga noqday wuxuu soo saaray amar ah in guddiga farsamo yimaado Muqdisho, halkaasna ku shaqeeyo, amarkaaso khilaafsan heshiiskii dhuusamarey. Madaama ay xubnaha Puntland iyo Jubbaland maqnaadeen, howshii guddiga farsamada waxay aheyd sharcidarro lagu carqaladeynayo shirka lagu ballansanaa 15 Agoosto 2020.

5. Inkastoo dalka marayo xaalad kala guur ah oo dhibaatooyin farabadan taagan yihiin sida cudurka COVID-19, weerarada Al Shabab, baahi iyo saboolnimo baahsan, Madaxweyne Farmajo si deg deg ah uma magacaabin Ra'iisul Wasaare soo dhisa xukuumad fulisa doorashada 2020/2021 iyo arrimaha deg degga ah.

6. Wuxuu la diriray, khilaaf ka dhex abuuray takooray, Aqalkii Sare ee Barlamaanka Federaalka, wuxuuna dhirrigeliyay dhaqangelinta sharciyo aan laga ansixiyay Aqalka Sare, taaso dalka u horseedeysa fawdo iyo dowlad dastuurka khilaafsan.

7. 15 Agoosto 2020 wuxuu ka jeediyay Golaha Shacbiga khudbad uu ku diiday dhammaan go'aammadii lagu gaaray shirkii dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka iyo shirkii u dhexeeyay dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, wuxuuna caddeeyay in dhaqangalka go'aammada ka soo bixi doona shirka labaad ee lagu ballamay 15 Agoosto 2020 ay ku xiran yihiin oggolaanshaha golaha shacbiga ee barlamaanka federaalka. Wuxuu aad ugu nuuxnuuxsaday inuu taagersan yahay doorasho HQHC oo been ah madaama sharciga barlamaanka federaalka ansixiyay ka soo horjeedo doorashada HQHC.

Guddoomiyaha Guddiga Madaxabannaan ee Doorashada waxay Golaha Shacbiga ee barlamaanka federaalka hortiisa ka sheegtay in loo baahan yahay 9 ilaa 13 bilood si loo dhaqngeliyo sharciga doorashada haddii la soo qabyo tiro, waqtigaasoo dib looga dhacayo muddada dastuurka kmg farayo, abuureysana waqti kororsi.

Dad badan waxay aaminsan yihiin in sharcigaas aan la dhaqangelin karin 3da sano ee soo socota. Waxaa dhimman arrimo badan oo lagama maarmaan u ah qabasahda doorasho HQHC aan xasillooni darro abuurin.

Madaxweyne Farmaajo wuxuu dhuusamareb yimid 15ka Agoosto 2020 ayadoo uusan la socon Ra'iisul Wasaare mas'uul ka noqonaya fulinta arrimaha la xiriira doorashada sida ka qaybgalka ilaalinta dhaqangelina sharciga doorashada, helitaanka dhaqaalaha loo baahan yahay, iyo abaabulka ciidammada qaabilsanaan doona nabadgelyada doorashada.

Sidaa darted, Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland waxay soo jeediyeen dhawr arrimood oo muhiim u ah guusha shirarka dhuusamareb kuwaaso ah in beesha caalamka ka qayb qaadato dhexdhexaadinta dhinacyada shirka haddii khilaaf culus yimaado si loo gaaro heshiis kama dambeys ah iyo xaqiijinta fulinta go'aammada horey loo gaaray ama la gaari doono iyo dhismaha xukuumadda federaalka oo kaalin muhiim ah ku leh hirgelinta doorashada 2020/2021.

Madaxweyne Farmajo halkii laga sugayay inuu qodobbada la soo jeediyay siiyo ahmiyad, taagero, ama ka bixiyo qancin,, wuxuu ku dadaalay inuu kala qaybiyo dowlad goboleedyada, isla markaana uusan dan ka gelin ka jawaabidda qodobbadaas. Beesha Caalamka oo maanta 19 Agoosto 2020 soo sartay warsaxafadeed wadajir ah waxay u soo jeedisay Madaxweyne Farmajo inuu la xiriiro Madaxda Puntland iyo Jubbaland si loo qanciyo, uguna soo qayb galaan shirka. Waxay kaloo caddeeyeen in diyaar u yihiin inay gacan ka geystaan fududeynta sidii heshiis loo gaari lahaa iyo in go'aan kasto doorasho ee qolo ama koox gaarto oo aan loo dhammeyn uu sharcidaaro yahay, wax ka soo qaadna laheyn.

Ma filayo in Madaxweyne Farmaajo tixgelinayo talojeedintaas iyo digniinahaas, sababtoo ah wuxuu aad uga fog yahay inuu dhawro mas'uuliyadda Madaxweynaha JFS. Waxaanse shaki ku jirin inuu darbiga mar dhaw soo taaban doono, khasabna ku noqon doono inuu is casilo haddii uusan isbeddel la imaan.

Dr. Maxamuud M Culusow




Falanqeyn 26 November 2020 0:08

Bogga RAJOCELINTII ee KON | 03/10/1993 waxay eheed galab magaalo iskeed u qasneed, lana qasayey ay sii qasantay, ka dib, markii Maraykanku weerar uusan xitaa ogeysiin huwanta la socotay, is ka daa, in uu ka talogaliyee, uu ku soo qaaday guriga dagaalku ka billowday, wixii ka dambeeyana ay noqotay col iyo ciidan iska dhicin, habeenkaana uu ahaa cawo gudcur iyo guuro.