Fashilka Dhusamareb-4 waa Iscasiladda MW Farmaajo

Falanqeyn Mohamud M Uluso

Shir jaraa’idkii Wasiirka Warfaafinta DFS Mudane Dubbe ku qabtay Caasimada DG Galmudug, dhusamareb wuxuu caddeeyay in shirkii GWQ ee u dhexeeyay Madaxweyne Farmajo iyo Madaxweynayaasha DG ku dhammaaday fashil (heshiis la’aan), taaso macnaheedu yahay in dalka Soomaaliya aysan ka dhici doonin doorasho heshiis lagu yahay inta aysan dhammaan muddo xileedka Madaxweyne Farmajo.

Fashilka Dhusamareb-4 waa Iscasiladda MW Farmaajo

Madaxweyne Farmajo wuxuu amray shir labada Aqal ee Barlamaanka Federaalka oo dhici doona 6da Febraayo si uu ula socodsiiyo xaaladda guud ee dalka iyo gaar ahaan qabasho la’aanta doorashada BF ee la sugayay 27 Nofember 2020 iyo tan Madaxweynaha JFS oo la sugayay ka hor 8da Febraayo 2021.

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BF wuxuu caddeeyay inuusan jirin shir labada Aqal ee Senatarrada Aqalka Sare ka qayb galayaan oo waafaqsan xeerka Aqalka Sare. Waxaa dhici kartaa in Sennatarrada qaarkod ay si sharcidarrada ah uga qayb galaan caadifad qabiil, laalush, iyo dano gaar ah. Waxaa la sheegaya in xikdhibanno badan maqan yihiin.

Madaxweyne Farmajo wuxuu doonaya in Golaha Shacbiga keli ah ee BF siiyo muddo kororsi aan waafaqsaneyn qodobbada dastuurka ee 91, 96, 132 (3-9). Tallaabadan waxay dhalineysa xiisad siyaasadeed oo gilgisha xasilloonida dalka.

Soomaaliya waxay gashay marxalad BF iyo Madaxweynaha JFS ka dhammaadeen mudda xiloodka dastuuriga ah, lana rabo in shacabka Soomaaliyeed lagu xukumo xoog, dibindaabyo, dastuur iyo sharci la’aan. Nolosha, hantida, iyo xorriyadda Muwaadin kasta waxay ku jiraan halis.

Hadalka Wasiir Dubbe wuxuu daaha ka qaadayaa:

1. In Madaxweyne Farmajo iyo RW Roble marna ku tashan, ku fekerin in Soomaaliya ka dhacdo doorasho xalaal ah, daahfuran, heshiis lagu yahay, la qabto waqtigeeda ama waqti heshiis lagu yahay. Tusaale waxaa ah doorashooyinkii ka dhacay DG Koofur Galbed, Hirshabelle, iyo Galmudug.

Madaxweyne Farmajo wuxuu ku talagalay haysashada xukunka dalka si xoog, boob, iyo musuqmaasuq ah. Arrintaas waxaa caddeyn u ah in Madaxweyne Farmajo si kedis ah, la tashi la’aan ah, ku soo saaray qoraal 30 Jannaayo 2021 uu ku sheegayo qabashada shirka dhusamareb-4 maalmaha 1da ilaa 3 febraayo 2021. Madaxweynaha Ma sheegin ajandaha shirka iyo codsiga dhexdhexaadiyal haddii wadaxaajoodka cakirmo madaama la marayo dabayaaqada muddada Xafiiska ee Madaxweyne Farmajo, taaso tusaale u ah daacad-darro iyo daneysi. Isla markaa Madaxweyne Farmajo wuxuu amray shir labada Aqal ee BF 5da Febraayo 2021 si natiijada shirka dhusamareb-4 loo macmili karo haddii aan loo arag dan. Mudda xileedka BF wuxuu dhammaday 27da Disember 2020.

2. In Madaxweyne Farmajo diidanaa, aad uga careysnaa wada xaajoodka uu la yeelanayo Madaxda Dowlad Goboledyada, sababtoo ah wuxuu haystay taagerada 3 DG iyo Gobolka Benadir, wuxuuna dagaal ballaaran ku hayay DG Puntland iyo Jubbaland oo xaggiisa ka ahaa fallaago dambiilayaal ah, mucaarad ah, u baahan in la takooro, gacan bir ah lagu qabto, la cunaqabateeyo, taaso khilaafsan Dastuurka kmg. Wuxuu mashquul ku ahaa ka takhaluska Madaxda labada DG.

3. In Madaxweyne Farmajo iyo RW Roble la tegin shirka dhusamareb-4 bandhig (presentation) sharci, maamul, xikmad iyo xaqiiqada ku saleysan oo ay ku difaacayaan 3 qodob ah ama ku soo jeedinayaan saxitaan dhab ah, dhaqangal ah haddii la garowsaday qaladaadka muddada dheer laga hadlayay. Saddexda qodob waa arrimo sharci iyo maamul ah. Ma ahaan kuwa siyaasaded, walow Madaxweyne Farmajo iyo RW Roble ka dhigeen kuwa siyaasadeed.

Afar bilood ay ka soo wareegtay markii DG qaarkood iyo mucaaradka Madaxabannaan ay soo jeediyeen dhalliilaha ay ka qabeen qodobo badan ee la xiriira hirgelinta heshiiska doorashada ee 17ka Setember 2020. 3da qodob ee culeyska la saaray waxay yihiin:

a) faragelinta DF ku hayso maamulka Gobolka Gedo oo ka tirsan DG Jubbaland;

b) Guddiga Doorashada heerka federaalka oo aan aheyn dhexdhexaad, ayna ka mid yihiin xubno ka tirsan shaqaalaha dowladda, ciidaanka Nabadsugidda iyo amniga, ama ay yihiin taagerayaasha Baraha Bulshada (CBB) dowladda N&N ee Madaxweyne Farmajo,

c) Takoorka Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi oo ah mas’uulka xaqa u leh hoggaaminta doorashada Xildhibannada Somaliland iyo Magaacabidda Guddiga doorashada Xildhibannada Somaliland.

4. In Madaxweyne Farmajo la soo baxay dhaqanka keligi Taliye ka sarreeya sharciga iyo dhawrista mabaadi’da nidaamka dimoqradiga ah. Sidaa darted, wuxuu muwaadiniinta soomaaliyeed iyo deeq bixiyayaasha Soomaaliya faray daacadnimo iyo taagero aan ka hadal iyo la xisaabtan laheyn.

5. In Xafiiska RW Roble hayn warbixinta, taarikh nololeedka, iyo dambi baarista Xubnaha Guddiga doorashada heerka federaal ee lagu eedeeyay inay ka tirsan yihiin shaqaalaha dowladda, ciidanka nabadsugidda iyo amniga, ama yihiin taagerayaasha Baraha Bulshada ee Dowladda Madaxweyne Farmajo N&N, xilkaasoo saarnaa xafiiska RW. Madaxweyne Farmajo iyo RW Roble ma beenin eedahaha mucaaradka Madaxabannaan soo jeediyeen, ma difaacin Xubnaha Guddiga doorashada, kama garaabin qaladka dhacay oo u baahnaa saxitaan degdeg ah. Xujada Madaxweyne Farmajo iyo RW Roble waxay noqotay mucaaradka ha soo sheegaan Xubnaha la eedeeyay, kaddibna waa la fiirin doona in la beddelo iyo in kale, taaso caddeyn u ah daacad-darrada DF. Qodobka la isku haysto waa isla xaqiijinta dhexdhexaadnimada iyo hufnaanta guddiga doorashada.

6. In Madaxweyne Farmajo aqoonsaneyn sharciyada Aqalka Sare ee BF iyo Xilka Guddoomiyaha Cabdi Xaashi. Madaxweyne Farmajo oo la wareegay xilka RW Roble iyo Xukuumaada, wuxuu khasbayaa in RWKX Mahdi la wareego xilka Guddoomiyaha Aqalka Sare, taaso macnaheedu yahay in dhammaan xilalka dowladda ku jiraan gacanta Madaxweyne Farmajo.

7. In Madaxweyne Farmajo diiday xalka dhibaatada Gobolka Gedo oo ah joojinta faragelinta DF iyo ku dhaqanka mabaadi’da dastuurka kmg iyo dastuurka DG Jubbaland. Haseyeeshe wuxuu miska wada hadalka la yimid dib u heshiisin iyo isla maamul taaso ka baxsan sharciga iyo maamulka dowladda federaalka.

Dr. Maxamud M Culusow




Falanqeyn 6 October 2021 9:00

Go’aanka siyaasadeed oo in ka badan lix boqol oo qof oo Soomaaliyeed laga tarxiilay, laguna boobay qaarkood, waa fal dambiyeed ciddii ka dambaysay lagala xisaabtami doono.