Kiiska Ikram Tahlil

Hadalka Maxkamadda CQS oo la la’yahay

Falanqeyn Mohamud M Uluso

Ugu horreyn waxaa muhiim ah in hoosta laga xariiqo in sharciyan macnaha hadalka Xeer Ilaaliyaha MCQS uusan aheyn in eedeysanayaasha NISA ee kiiska Ikram Tahlil Faarax oo la la’yahay uusan aheyn inaysan aheyn dambiilayaal (not guilty). Go’aanka  dambiga ma gelin (not guilty) waxaa iska leh Maxkamadda.

Hadalka Maxkamadda CQS oo la la’yahay

Hadalka Xeer Ilaaliyaha waa “Ma helin caddeyn sheegeysa in afarta (4) sarkaal ee lagu eedeyay afduubka/dilka Ikram Tahlil ay galeen dambigaas.” Haddii la soo helo caddeymo waa la maxkamadeyn karaa. 

Xeer Ilaaliyaha MCQS ma sameyn baaris la xiriirta dambiga xilgudasho la’aanta ama xilgudasho xumo ee Madaxda NISA. 

Kiiska Ikram Tahlil wuxuu leeyahay saddex weji: 

1. Madaama ay ka tirsan tahay hay’adda Nabadsugidda (NISA) ilaa maanta madaama aan la sugin nolosheeda iyo geerideeda, mas’uuliinta NISA ee kala ah Fahad Yaasin iyo Cabdullahi Kulane ma guteen xilkooda shaqo dowladeed ee la xiriira maqnaanshaha Sarkaalad Ikram ( accountability)? Warqadda uu RW Roble xilka uga qaaday Fahad Yaasin waxay caddeyneysa inuu Agaasime Fahad ka dhega adeegay inuu warbixin buuxda ka keeno kiiska Ikram, taaso ah dambi la xiriira xilka dowladda (Public Service). Wuxuu kaloo ku eedeyay inuu ku xadgudbay qodobka 127 kaddib markii uu ku milmay siyaasadda.
Waajibka Xeer ilaalinta wuxuu ahaa inuu tixgeliyo labadaas arrimood, kuna caddeeyo in go’aankiisa uusan ku saabsaneyd xilgudasho la’aanta Madaxda NISA. 

2. Wejiga labaad waa faragelinta Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku sameeyay kiiska Ikram oo ku dhaqaaqay saddex  tallaabo oo saameyn weyn ku leh baarista kiiska Ikram Tahlil:
I. Wuxuu Fahad Yaasin u magacaabay xilka la Taliyaha Amniga Madaxweynaha, xilkaasoo saameyn ku yeelan kara baarista  Xeer ilaalinta MCQS iyo NISA. Caadilnimo ma aheyn in Sarkaal ka tirsan NISA ka mid noqdo guddiga baarista madaama eedeysanayaasha ahaayeen Madaxda NISA. 

II. Wuxuu Jagadii Fahad Yaasin u magacaabay  G/Sare Yaasin Farey oo ka mid ahaa saraakisha lagu soo eedeeyay inuu ku lug leeyahay kiiska Ikram Tahlil, taaso caqabad ku ah ku kalsoonaanta baarista. 

III. Wuxuu diiday baarista kiiska, wuxuuna ku adkeystay joojinta baarista kiiska, lana bixiyo di’yo, taaso ah qiraal in Ikram Tahlil ku dhimatay gacanta saraakiisha hay’adda NISA ee la soo eedeeyay. 

Xeer Ilaaliyaha kama hadlin, ma tixgelin saameynta faragelinta Madaxweyne Farmaajo ku sameeyay baarista kiiska Ikram, waxaana dadweynaha qabaan in Xeer Ilaaliyaha MCQS ka gaabsaday inuu sameeyo baaris hufan, qotodheer. 

3. Wejiga saddexaad waa baarista dambiga dhacay iyo cidda lagu tuhunsan yahay inay gashay dambigaas. Sida kor ku xusan ruux iyo raq la’aanta Ikram Tahlil waxaa lagu eedeynaya 4 sarkaal ee NISA ka tirsan. Sidaa darted, dambiga waa mid ku dhex dhacay hay’ad dowladeed, laguna eedeynayo saraakiil dowladeed oo Madaxweynaha JFS Farmaajo difaacayo. Sidaas darted, kiiska Ikram  wuxuu ahaa in loo xilsaaro baarayaasha dowlad Ajnabi ah iyo qareenno caalami ah si loo helo xog ka madaxbannaan dowladda (conflict of interest) laguna gaari karo cadaalad lagu kalsoon yahay. Xeer Ilaaliyaha MCQS ma tixgelin saameynta go’aanka RW Roble xilka uga qaaday Fahad Yaasin, faragelinta Madaxweyne Farmaajo, khilaafka dhexmaray Madaxweyne Farmaajo iyo RW Roble, iyo in saraakiisha la eedeeyay aan laga qaadin xilkooda iyo awoodahooda. 

Xilka Xeer Ilaaliyaha wuxuu ahaa baaris wax la weydiinayo dhibbanayaasha (victims), markhaatiyaal ( witnesses), xuuraan ( Intelligence) dibedda iyo gudaha, iyo la-tashiga khubaro takhasus ku leh sirdoonka iyo isgaarsiinta si baarista u noqoto mid lagu kalsoonaan karo. Maqnaanshaha CCTV Security NISA waxay ku markhaati fureysa eedeysanayaasha. 

Waxaa jira in Wasiirkii hore ee Amniga Xundubey sheegay in qolo qawleysato ah Ikram ku wareejiyay Al Shabab oo si rasmi ah u caddeeysay inaysan lug ku laheyn kiiska Ikram. Wasiir Xundubey wuxuu ka mid yahay markhaatiyaasha. 

Xeer Ilaaliyaha lama wadaagin dhibbanayaasha uu matalo ama mas’uulka u yahay habka uu ku gaaray hadalka uu Idaacadda ka siidaayay ayadoo waqtiga lagu soo aadiyay uu tuhun weyn dhaliyay. 

Xeer Ilaaliyaha MCQS ma siin dhibbanayaasha iyo qarannadooda macluumaad ku qanciya go’aankiisa baarista uu ku tilmaamay “hordhaca.” Bilowga dambiga wuxuu ka dhacay Xarunta NISA, waxaana halkaas laga raacaya raadka si loo gaaro dhammaadka kiiska. 

Haddii dhibbanayaasha kiiska Ikram waayaan cadaalad, waxaan shaki ku jirin inay aaminayaan in eedeysanayaasha NISA mas’uul ka yihiin gavadhooda la la’yahay. 

Dr. Maxamud Culusow




Falanqeyn 7 December 2021 4:04

Sababta asaaska u ah ku kalsoonaan la’aanta doorashada socota waxay tahay waayo aragnimada laga helay boob doorasho iyo gaboodfallo xad dhaaf ah ee muddo 5 sano ah markhaati laga wada yahay oo aan marna isbeddelin. Marna ma muuqan rabitaan lagu difaacayo dastuurka iyo danta guud. Waxaa mar kasta muuqda guluf lagu doonayo xukun maroorsi qaawan.