Hidde, Dhaqan & Xeer Nabaadguuray

Sidee loo Caymin Karaa?

Waa su’aal culus oo sugaysa saman cusub iyo maskax caafimaad qabta. Waa arrin sugaysa aqoonyahan aan Qabiil maankiisa doorin iyo Siyaasi xalaal ah. Waa door sugaya in dumarku garqaade ka noqdaan badbaadinta ummadda Somaaliyeed.

Sidee loo Caymin Karaa?

Waxay ku siman tahay waayeelka, waxgaradka iyo inta hiddaha iyo dhaqanka ku halqabsata oo midooba oo isku si wax u arka oo dib u abuuray dhaqanka gabaabsiga ah. Waxay ku siman tahay in UN-ka laga kaaftoomo, Xabashida loo kala dhuumanayana laga xoroobo.

Ummadda Soomaaliyeed waxay lahayd hidde, dhaqan-dhaqaale iyo xeer soo jireen ah oo la fac ah inta bulsho Soomaalinimo ku abtirsata ay ku noolaayeen geeska Africa. Hiddaha, dhaqanka iyo xeerku waxay noo ahaayeen astaamaha ugu waaweyn oo bulshada lagu maamuli jirey.

Xeerku waa astaan nabad ku wada noolaan iyo xiirinta wax-isdhaafsiga maamulka bulshada. Waa is-dhegalka iyo isla dhaqanka ummadda kasoo soo taxnaa inta ay jirto taariikhda jinsiyadda Soomaaliyeed laga soo bilaabo deegaanka Djibouti ila Murcanyo. Dhagaxbuur ilaa Muqdisho. Raas kiambooni ilaa Gaariso, iyo inta u dhexaysa.

Si kastoo beeluhu ay leeyihiin xeer-hoosaad kala haga, siiba inta isu hiil-dhow, haddana deegaan walba waxaa kala hagi jirey xeer u dhexeeya oo cuqaashoodu sameeyeen oo lagu halqabsado, lagu xisaabtamo, laysku qaddariyo, haddana lagu waxqaybsado. Xeerku wuxuu ku salaysan yahay maamul dhaqameed nabad iyo wada-noolaan salka ku haya oo cid walba xakameeya, waxgaradkuna hoggaamiyo. Xeerku waa nadaam dhasha oo kobca, wuxuuna la ambaqaadaa hadba dhacdada cusubi waxay la timaaddo.  

Hiduhu waa astaanta ka tarjumaysa hab-nololeedka iyo dhaqan-wadaagga leh afk, asalraac-diimeed, hab-maamuus bulsho, taariikh dhaqmeed gaamuray, is-qiimayn, is-qadarin iyo qiyam ku salaysan aragti bulsho. Dhaqanka suubban wuxuu ummadda Soomaaliyeed u ahaa hanti maguurto ah, hase ahaatee hadda taas waa laga tallaabsaday. Waa gabaabsi dhaqankii xurmada lahaa oo xumaanata looga fogaan jirey.

Xeerka iyo dhaqanka wanaagsan oo lagu dhaato waxay camiyaan nolosha bulshada. Hiddaha iyo dhaqanka gaamuray oo dhigaalka waa hab-nololeed ay wadaagto ummadda Soomaaliyeed oo ku nool dhulka baaxadda weyn leh oo af-Soomaaliga.

Hiddaha iyo xeerku waxay ku salaysnaan karaa qiimayn xun iyo mid wanaagsan, waase sida mar walba aragtida loo tarjumo. Marka xumaan loola jeedo, wax baa la takooraa taasoo aan ku fadhin xaqiiqo cilmi ku salaysan; waxaana kamid ah: xiriirka kala guursiga bulshada oo la takooro, is-dhexmarka bulshada oo la colaadiyo. Is-xurmaynta iyo is-qaddarinta oo la dhaleeceeyo. Isu-gudbinta cilmiga iyo aqoonta oo la beeleeyo. Xurmo la’aanta doorka ay leeyihiin maansada, guurowga, shiribka, heesaha, cayaaraha iyo qaab-nololeedka bulshada ku maararowdo oo la macnatiro, iwm.

Aaladahaas wanaagsan oo bulshada Soomaaliyeed wadaagi jirtey waxaa dabar-gooyey: Siyaasi danayste ah oo bulshada isku dira. Dagaal-ooge beeleed oo afduubay rabitaanka ummadda. Dullaal ka ganacsada dhiigga dadka iyo burburka ummadda. Dhagarlow wiiqaya nabadda iyo xasilloonida bulshada, iyo kitaab-gaablow la hullaaban dano gaar ahaaneed. Maxaa baddaley astaamihii habboonaa oo bulshadu isku karaamayn jirtey?

  1. Waxaa baddalay xukun military oo awood iyo xakamayn ku dhaatay.
  2. Waxaa baddalay xeerkii shuuciga oo Dawladdu la qaatay.
  3. Waxaa baddalay maamulkii shuuciga ahaa oo kelitalisnimada ku dhisnaa
  4. Waxaa baddaly xurmadii diintu lahayd oo la cadawsaday
  5. Waxaa baddalay asluubtii iyo anshaxii ummaddu lahayd oo maamulka dawladdu dhulka ku jiiday
  6. Waxaa baddalay karaamadii uu lahaa shakhsiga Soomaaliyeed oo lagu tuntay
  7. Waxaa baddaly maamul dawladeed loo rogay maamul isir-raac iyo mid beeleed
  8. Waxaa baddaly maamul ku salaysan cabsi, argagax, aargoosasho iyo barakicin wiiqay nolosha iyo horumarka bulshada Soomaaliyeed
  9. Waxaa baddalay hoos-galka gumayte cadaw soo jireen ah oo duullaan ku ah aayaha ummadda Soomaaliyeed.
  10. Waxaa baddalay danaystaha siyaasiga sheegta oo biliqaysta magaca Soomaaliyeed, hantida iyo, khayraadka dhabiiciga ah ee  Qaranka.
  11. Waxaa baddalay nin geclaysi iyo nin necbaysi ku wajahan aragti qabiil, mid goboleed iyo mid deegaanba,iwm.

Tirda Bulshada iyo Khayraadka Gobollda koofureed

Waxaa la rumaysan yahay in 75% tirade bulshada Soomaaliyeed iyo 82% hantida qaran iyo khayraadka dhabiiciga in laga helo gobollada koofureed. Haddaad isha ka riddo saldhiggii khayraadka ummadda yaad eersanaysaa markaad weydo waxaad u baahnayd? Yaa ku dhimanaya haddii la burburiyo kaydka dalka? Kaa ku tanaadaya haddii gobollo dhintaan kuwii u baahnaana ka daba dhintaan? Laanta aad ku fadhido haddaad salka ka jarto yaa kaa celinaya dibirta kugu dhic doonta?

Yaa keenay inaan maamul Xabashi hoos tagno

In maamul Xabashiyeed la miciinsado waa jabka ugu weyn oo nabaadguuriyey xeerkii, dhaqaankii iyo hiddaha Soomaaliyeed. Maamulka Xabashiyeed waxaa loo arki jirey cadaw laaya dadka Soomaaliyeed, dalkana ku amartaagleeya.

Maamulka Xabashidu wuxuu sheegan jirey ilaa Balcad, sidaas darteedna waa awood rabta inay la wareegto dalka Soomaaliyeed. Siyaasiinta jabisay xeerkii bulshada Sooaamliyeed, dhaqankii iyo hiddihii lagu dhaqmi jirey weli waa noolyihiin, Miles Zenawi bayna miciinsanayaan.

Meeday midnimadii Soomaaliyeed? Maxaa loogu Abaalguday Geesiyaashii ku hoobtay badbaadinta magaca Soomaaliyeed? Qaranimada Soomaaliyeed? Sharafta Soomaaliyeed? Yaa abuuray dhacdadan keenta dhaqanrogga naafaysay midnimadii Soomaaliyeed?

  1. Nin doonaya inuu helo hanti iyo qalab ciidan si uu u cabburiyo oo u afduubo rabitaanka ummadda Soomaaliyeed.
  2. Burcad siyaasi sheegtay oo haddana huwan magic beeleed.
  3. Damiir laawe dhabar-jabinaya halgankii qaran-dhiska Soomaaliyeed iyo ilaalinta karaamada shacbiga laga soo bilaabo geesigii Axmad Gurey ilaa dagaalkii 1977.
  4. Danayste diyaar u ah inuu sayladda Addis Abeba, ama midda Nairobi ku xaraasho karaamada ummadda Soomaaliyeed isagoo ku iibsanaya xukun biliqo ah oo jiri kara muddo yar iyo dan dhaqaale.

Hoostagidda Xukun Xabashiyeed muxuu noo keenay?

  1. Inay wiiqanto haybaddii iyo karaamadii lagu yiqiin bulshada Soomaaliyeed oo amxaar madiidin loo noqdo.
  2. Gobolaysiga hadda jira iyo kuwa dambe oo sii tarmaya ay horsed u yihiin kala furfuridda midnimada Soomaaliyeed si ayna mar dambe u noqon awood caabbisa dalballaarsiga xabashidu ku riyooto.  
  3. Sii faafka jirrada Aidis-ka ah oo Xabashidu la tabaalaysan tahay oo bulshada Soomaaliyeed la qaadsiiye, taasoo hadda aad ugu fidday bulshooyinka Puntland iyo Somaliland, kuwaasoo xabashida la yeeshay gacansaar siyaasadeed, mid is-dhexgal bulsho,iyo mid ganacsi guudba

Xeerka burburay muxuu dhibaato la yimid?

  1. Siyaasiga Soomaaliyed oo xurmo belay.
  2. Cuqaashii, waxgaradkii iyo aqoonyahankii oo la safta siyaasiga danaystaha ah oo u heellan jaho-wareerinta Ummadda Soomaaliyeed, siiba gobollada koofureed.
  3. Aamindarrada ummadda ka haysata inta u xilsaaran maamulka bulshada.
  4. UN-ka oo la wareegay xeerkii iyo hiddihii lagu halqaabsan jirey oo bulshada lagu hoggaamin jirey.
  5. Siyaasigii oo dullaal noqday, dadkana u arka inay yihiin xaabo laga ganacsado.
  6. Inaan maamul xalaal ah marna laga dhismin deegaamada Gobollada Koofureed sii aan dambiileyaasha siyaasadeed loogu qaadin dambiyada ay maalin walba galaan.

Dambiileyaasha Siyaasaddu waxayna ogayn...

  1. Siyaasiinta gasha dambiyada Qaran waxayna ogayn fal-dambiyeedka dhigaalka u ah oo lala sugayo in lagu qaado marka ay munaasib tahay.
  2. Waxayna ogayn inay jiraan jiil waxqora oo aan lahayn aragti qabiil, mid goboleed ama mid deegaanba oo farta ku fiiqaya kuwa ka dambeeya dhibaatooyinka burburiye midnimada iyo aayaha ummadda Soomaaliyeed.
  3. Waxayna ogayn in weli lagu raacdo joogo dambiileyaasha weli ka nool haraadiga xukunkii Hitler, sidaas darteedna ay jiri doonto maalin dambiile walbaba qadaadka lagu soo dhago oo dambigiisa lagu qaado.
  4. Waxayna ogayn in la qorayo shirqoollada siyaasadeed oo ummada lagu marin habaabinayo.
  5. Waxayna ogayn in siyaasadda xun ay tahay dambi bulshada laga galo
  6. Waxayna ogayn kooda dhinta in loox-ceebeed qabrigiisa la suri doono loox-ceebeed ay ku qoran tahay dambiyadii uu bulshada ka galay.
  7. Waxayna ogayn ceebta iyo magic-xumada ay warasadooda ka dhaxli doonaan iyo takooridda ku dhici doonta.

Dibudhaca ay la imanayo kala qoqobka Bulshada

Dadka Soomaaliyeed wuxuu ka siman yahay inuu is-dhexmaro, is-dhexdago, wada xidido, yeesho is-aaminid iyo wada shaqayn hufan, wada ganacsi laysku xurmeeyo. Kan cilmiga fidinaya ma lahaan jirin xuduud- beeleed xakameeya. Kan ganacsiga wuxuu badeecadiisa geyn jirey hadba sayladda ay beecadu suuqfiican  ku leedahay. Kan bulshada daryeela waa la xurmayn jirey isagoon loo fiirin beesha uu kasoo jeedo.

Siyaasiga bulshada daacadda u ah waa la caleemasaari jirey iyadoon loo fiirin qolada uu yahay. Geesiga qarameedka iyo cayaartoyga soo shaac-baxay waa la ammaani jirey, kor ayaana loo xambaari jirey, iwm.

Tacabka gobollada ka yimaada waxaa loo gudbin jirey meesha looga baahan yahay, sida xoolaha ka yimaada gobollada dhexe oo dibadda loo dhoofiyo, dadka gudihiisana hilib u ah. Masagada Moordiga ah oo ka baxda Goorisane, Ufurow iyo Qansaxdheere oo laga cuno dalka inntiisa badan. Mooska, canbaha, babayga, liimada, sisinta, qaraha, iwm oo ka baxa gobollada Shabeelooyinka Hoose/Dhexe oo dalka iyo dibaddiisaba loo iib-geeyo.

Xoolaha iskinta ah, sida geela iyo lo’da oo loo suuq-geeyo dalka gudihiisa iyo dibaddisa. Ganacsaduhu ma tanaadi karo hadduusan haysan suuq xor ah oo qabiil xukumin. Ardaygu ma heli karo macallin laga aflaxo haddii maamulku ku salaysan yahay aragti qabiil iyo mid gobolaysi. Qofka jirranu ma heli karo takhtar aqoontiisa ku gaamuray oo gacantiisu dahab tahay haddii maamulka shaqada bixinaya uu ku dhaadanayo isir iyo Qabiil.

Marka maamulka gobolladu yeeshaan aragti iyo hawlgal qabiil, is-dhegalka bulsha, aqoon is-weydaarsiga iyo badeeco u kala socota gobollada way hakanayaan. Haddii gobolladu yeeshaan muuqaal qabiil, kala-guursigu waa hakanayaa waxaana nuqsaami galaysaa astaanta ugu culus oo isku xirta ummadda Soomaaliyeed, taasuna waxay wiiqaysaa xididdada qaranimada.

Jaamiciga kasoo baxa Jaamacadda Camuud ama tan Garoowe shaqo kama heli doono gobollada kale ee dalka, waayo meel walba waxaa ka jira maamul qabiil oo aan diyaar u ahayn inay qaataan aqoonyahan loo baahan yahay.  Taasu waa nasiib-darro waxaa dhacdadaas hormuud ka ah siyaasiga qabiiliga ah.

Yaa keenay dhibaatooyina sumeeya qiimaha bulshada?

Nasiibdarro koox yar oo isku sheegta siyaasin, hase yeeshee masiirka bulshada cadawga iyo dagaal-oogaha lid ku ah rabitaanka shacbiga ayaa keenay hiddah-burburka iyo dhaqan-rogga wada saameeyey bulshada soomaaliyeed.

Muddo ka yar 42 sano ayaa la burburiyey kaydkii hiddaha, dhaqanka iyo xeerka bulshadu lahayd oo soo jireenka ahaa qarniyaal badan. Ilaa maantana iyaga ayaa u heellan kala qoqobidda ummadda iyo afduubka rabitaanka shacbiga Soomaaliyeed oo wiil iyo abti isu ah. Maamulka Xabashida iyo UN-ku jaal nooma aha ee waa cadaw ku riyaaqaya burburka iyo qaranduminta Soomaaliyeed.

Sidee Looga Hortagi Karaa Canaasiirta Ummadda la Dagtay?

Nasiib wanaag waxaa soo baxay dhallin yaro aqoon leh oo doonaysa inay dalka burburay dib isugu kab-kabto. Waxaa socota diiwaan-gelin canaasirta cid walba leh oo dadka iyo dalka hagardaamada ku haysa. Dambiileyaasha bulshada dumar kuma jiro ee waa wada rag u xusulduubaya inay dhaqaale ballaaran yeeshaan dabadeedna dalka ka baxsadaan. Waxaan shaki ku jirin in caddaaladdu maalinteeda leedahay.

Prof. Maxamuud Iimaan Aadan (mohamoud.iman.adan@keydmedia.net ) - KEYDMEDIA ONLINE




Falanqeyn 26 November 2020 0:08

Bogga RAJOCELINTII ee KON | 03/10/1993 waxay eheed galab magaalo iskeed u qasneed, lana qasayey ay sii qasantay, ka dib, markii Maraykanku weerar uusan xitaa ogeysiin huwanta la socotay, is ka daa, in uu ka talogaliyee, uu ku soo qaaday guriga dagaalku ka billowday, wixii ka dambeeyana ay noqotay col iyo ciidan iska dhicin, habeenkaana uu ahaa cawo gudcur iyo guuro.