Khilaafka: Rooble & Farmaajo:

‘Khilaafka’: Ma dhabbaa mise waa marin habaabin 

Falanqeyn Mohamud M Uluso

Farmajo oo hadafkiisa koowaad yahay ku negaashaha (haysashada) xukunka Madaxweynaha Soomaaliya oo muddo xileedkiisa ka dhammaday 7 Febraayo 2021 ayaa adeegsada xeelado kala kuwan sida abuuritaanka qas iyo khilaaf joogta ah, ballan ka bax, kala qaybin iyo isku dir madax wada shaqeyn ka dhexeyso, ku tumasho dastuurka iyo maamulka dowladnimo.

‘Khilaafka’: Ma dhabbaa mise waa marin habaabin 

Intaas wuxuu ku darsaday aflagaada mucaaradka ee baraha bulshada, jiitanka mushkiladaha siyaasadda, iyo xaqiraadda cabashooyinka dadweynaha, eex, musuqmaasuq, iyo laalush. 

Sidaa darted, dad badan waxay isweydiinayaan in buuqa (khilaafka) ka dhex aloosmay Farmaajo iyo Roble inuu dhab yahay iyo inuu yahay qiic isku qaris ama marin habaabin. Mar dhaw ayaa la kala ogaan haddii Allaha idmo. 

Anigu waxaan raajicinaya in Farmaajo dhuuma shaalow la ciyaaray RW Roble iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda Maxamed Cabdirizaq M Abubakar oo la jaal ah Farmajo xagga siyaasadda. 

Farmajo wuxuu Roble iyo Maxamed Cabdirizaq u muujiyay inuusan waxba ka qabin wanaajinta xiriirka Jabuuti iyo Kenya kaddib markii isbeddel lamana filaan ah ka dhaceen siyaasadda dalka Mareykanka, iyo burburka isbaheysiga Eritrea, Soomaaliya, iyo Ethiopia oo taagerayay qorshaha xukun boobka farmajo. Waxaa kaloo dowladda Qatar bilowday dabaal joogteyn ay taagereyso mataanaha farmajo+Fahad, isla markaana u carab laalaadineyso xubnaha mucaaradka qaarkood ee ka soo horjeeda mataanaha Qatar. 

Qatar waxay xaqiijisay soo celinta xiriirka diblomasi Kenya iyo Soomaaliya oo Soomaaliya goy’say. Wax gogoldhig ah ma jirin. 

Farmajo wuxuu dowladda Kenya ka dhigay cadowga shacabka Soomaaliyeed kaddib markii ay isku khilaafeen arrimo badan oo ay ka mid yihiin xil ka qaadista Madaxweyne Axmed Madoobe iyo in dacwadda badda u dhexeysa labada dal laga soo celiyo Maxkamadda caalamiga ee cadaaladda, laguna xalliyo wada hadal labada dal. Farmaajo wuxuu isbaheysi qarsoodi la galay RW Ethiopia Abiy iyo Madaxweynaha Eritrea Afewarki oo doonayay inay geeska Afrika ka abuuraan dowlado keligi talisyaal ah, taaso Kenya ka careysiisay madaama Kenya tahay dal dimoqradi ah. 

Dacwadda badda waxaa bilaabay Madaxweyne Xassan Sheikh oo soo gaarsiiyay in Kenya iyo Soomaaliya u gudbiyeen gal dacwadoodka ( submissions) Maxkamadda ka hor doorashada Farmaajo ee xilka Madaxweynaha Febraayo 8, 2017. Marna ma jirin sabab Farmaajo uga soo celin karo dacwada Maxkamadda. Farmaajo waxaa looga baahna inuu mowqifkiisa u caddeeyo dhammaan saxiibada iyo cadowga Soomaaliya si aan loo tuhmin daneysigiisa, af gobaadsigiisa, iyo kala hadalkiisa. Haseyeeshe waxaa la aaminsan yahay in hab dhaqanka laba wejiyeynta (munaafaqnimada ) ee Farmajo iyo qabbaan u ahaanshaha dowladda Qatar ay sabab u yihiin in Kenya dabajoogto ka samri weyso dalabkeeda ka soo celinta dacwada badda Maxkamadda caalamiga. 

Siyaasadda Farmaajo oo ku dhisan beenta, mardadabaadinta, qiyaanada, jilaafada, iyo brobagandada baraha bulshada oo wadaado ku jiraan, waxay dhaawacday karaamada Roble iyo Maxamed Cabdirizaq. 

Warmurtiyeedka ka soo baxay safarka Wasiirka Arrimaha dibedda Kenya Raychelle Omamo ku timid Muqdisho 8 Agoosto 2021 iyo wareysiga WAD Maxamed Cabdirizaq siiyay idaacadaha iyo baraha bulshada waxay caddeynayaan in wada hadalka labada dowladood muddo dheer socdeen. 

Waxaa iska cad in Farmaajo la socday dhammaan shaqada Roble waday iyo wada hadallada iyo xiriirka dhexmarayay Wasaaradda arrimaha dibedda ee dowladda federaalka iyo WAD dowladda Kenya. Warmurtiyeedka wuxuu caddeynaya in qorshaha booqashada Wasiirrada Kenya Omamo ka mid ahaa inay booqasho sharaf ugu tageyso Madaxweyne farmajo si ay ugu gudbiso salaan ay ka waday madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, taaso aheyd muhiim. Ma qabo in Roble iyo Maxamed Cabdirizaq ku dari lahaayeen qorshaha “booqasho sharafta madaxweynaha” haddii aysan la socodsiin farmajo, kana aqbalin.

Boqolkiiba Boqol waxay u badan tahay inuu farmaajo go’aansaday in saacado ka hor booqashada miiska ku gediyo Roble si uu u gaaro afar hadaf: 

  1. Inuu Roble ka joojiyo fasaxa qaadka Kenya madaama dastuurka dowladda federaalka farayo dhaqaalaha suuqa xorta ah oo dowladda federaalka u xiri karin ganacsiga qaadka koox gaar ah ama dowlad ajinabi ah (Ethiopia). Qaadka wuxuu u xiran yahay farmajo. 
  2. Inuu huriyo qaska xiriirka Kenya iyo soomaaliya oo bilo ka hor la soo celiyay ilaa dowladda Kenya ka taagereyso damaca xukun boob ee Farmaajo. Waxay u badan tahay in talada buuq abuurka Farmaajo ka timid burcadda caalamiga ah ee qaabilsan qaska iyo deggaan la’aansha Soomaaliya. 

Farmajo wuxuu buuqa Kenya ka dhigtay muujinta wadaninimadiisa. 

Haseyeeshe, 5,500 dhallinyaro ah oo lagu haysto Eritrea 3da sano ku dhowaad, qaxootiga Soomaaliyeed ee muddo 4 sano ku afduubna Eritrea, iyo saraakiisha Ciidammada Soomaaliyeed ee nolol iyo geeri aan lagu hayn ayaa muujinaya khaa’iinul wadannimada Farmajo. 

  1. In Farmaajo ka aar guto ama dharka ka dhigo Roble si uu ugu khasbo inuu daacad u noqdo, ugu dambeynna u fashiliyo. 
  2. Inuu abuuro qas iyo buuq lagu hakinayo geedisocodka doorashada ilaa muddo dheer. 

Ma jirin sabab uu Farmaajo u soo saaro wareegto uusan awood u aheyn inuu soo saaro saacado ka hor imaanshaha wafdiga wasiirka arrimaha dibedda Kenya, isla markaana abuuro tuhunka ah in Roble gadanayo Soomaaliya gudaha iyo dibeddaba. 

Farmaajo iyo Roble waxay wada deggan yihiin Villa Soomaaliya, waana ogaa imaanshaha wasiirradda Kenya muddo hore. Waxaa ku filnaa inuu warqad Maamul u qoro Roble kula socodsiinayo isbeddelka ku dhacay mowqifkiisa iyo inuusan qaabili doonin Wasiirrada iyo sababta. Waxaan shaki ku jirin in Farmaajo dharka ka dhigay oo ceebeeyay Roble iyo Maxamed Cabdirizaq, kana dhigay madax aan xilkas aheyn. 

Dastuurka ma oggola in Farmaajo qoro dekreto ka baxsan cafis marka uu dhegeysto talada guddiga adeegga Garsoorka. Dekretadii dhawaan farmaajo ku dallacsiiyay 200 saraakiil Ciidammada Qalabka Sida waxay aheyd sharcidarro. 

Warqadda uu qoray Farmaajo waxay muujineysa in Farmaajo aqoon u laheyn nidaamka dowladda federaalka iyo dastuurka uu ku dhaartay. Hal qodob ee dastuurka iyo sharci ma cuskan.

Qoraalka wuxuu buunbuuniyay beentii afarta sano dadka iyo dalka lagu rogay, lagu marin habaabiyay oo aheyd “soo celinta qabka, sharafta, qarannimada, madaxbannaanida, iyo dowlad dhexe oo xoog badan.” Nasiib darro, Farmaajo wuxuu Soomaaliya ka dhigay dal gun ah, dowladdiisa kala daadatay, oo adduunka ka yaabay, ka calool xumaaday, looguna yaboohay in 5 sano kale la taakuuleeyo kaddib marka la beddelo farmajo. 

Jawaabta Roble ka bixiyay qoraalka sharcidarrada ee Farmaajo wuxuu ahaa mid isugu jiray sheegashada xilgudasho iyo guulo siyaasadeed iyo fasiraadda ku dhaqanka qodobbada 97 iyo 103 ee dastuurka kmg ah muddada lagu jiro doorashada. 

Habka Madaxweynaha u ilaalinayo midnimada iyo qarannimada dalka waxay ku caddahay dastuurka iyo caqliga wanaagsan kumana jiraan maamul xumo, buuq iyo been abuur, isla meereysi, iyo jilaafeynta iyo ceebeynta Madaxda gudaneysa xilkooda si waafaqsan dastuurka. Farmajo wuxuu halis ku yahay nabadda, midnimada, iyo dowladnimada soomaaliya. 

Dr. Maxamud M Culusow




Falanqeyn 25 September 2021 12:48

Ciidan isku heyb ah, si gaar ah u tababaran, oo aan la marsiinin wadadii ciidamada qaranka lagu qori jiray. Qormadaan C/Qaadir Maxamed Cismaan wuxuu uga hadalayaa sirta ciidanka Duufaan ee Fahad Yaasiin aka Abuu Cammaar, Farmaajo, iyo Kullane-Jiis aka Jiis-Mareexaan.