Fashilka N&N

Ku quus-qaata cashirkii aad ku qaadateen Jowhar

Falanqeyn Keydmedia Online

Hirshabeelle, waxa ay han-jab ku ridday dhamaan siyaasiyiin ku sheeg afartii sano ee la soo dhaafay sugayay in Madaxdooyadu Xildhibaanno ka dhigto, waxayna doorashadii Jowhar, fashay wado siyaasadeed oo wadno-qabad ku noqotay Kooxda F&F, hoggaamiyaan, ee fidno-falkinta iyo fowdada caanka ku ah.

Cashirkii 

Ku quus-qaata cashirkii aad ku qaadateen Jowhar

Taariikh aan marnaba tirmi doonin ayay bogag cad-cad iyo baalal dahab ah ku qoreen Xildhibaannada dowlad goboleedka Hirshabeelle, bishii Agoosto 2021, kadib markii ay dadka, degaanka iyo dowladda ay matalaanba u daneeyeen, kana hor yimaadeen in ay darka taliska tagaan daba-dhilifyo daneystayaal ah oo dullinimo iyo darxumo ku nool ah, kana shaqeeya diihaal iyo daranyo siyaasinta dadka ay ka dhasheen.

Inkasta oo Maamulka ugu da’da yar dowlad goboleedyada uu yahay Hirshabeelle, isla-markaana dadka qaar ku tilmaamaan midka ugu kala daadsan, wajahana caqabadaha ugu badan ee amni iyo bini’aadannimo, hadana, tasi kama hor istaagin inuu noqoda mid ka duwan dhamaan kuwa kale, marka loo eego natiijada doorshada Aqalka sare ee Baarlamaanka JFS.

Hirshabeelle, waxaa loo diiwaan galiyay maamulka kaliya ee aan tartanka kuraasta Aqalka sare, cid gooni ah loo xirin, isla-makaana loo tartamay si siman, waana go’aan geesinimo leh oo uu qaatay Madaxweyne Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe), kaas oo November 2020, ay kursiga u boobeen Farmaajo iyo Fahad Yaasiin, si uu uga caawiyo soo laabashadooda.

“Caqli gaalo iyo indho Quraanyo midna lama garto” ayay Soomaali ku mahmahdaa, Fahad iyo Farmaajo, waxay si buuxda ugu hungoobeen damacoodii ku aadanaa in Guudlaawe, u soo saaro (Xig-dhibannoo) wata magaca Xildhibaanno, si mar kale, dalku uu cagta u saaro afar sano oo xiisad, xasarad iyo xal-la’aan siyaasadeed ah.

Hirshabeelle, waxa ay han-jab ku ridday dhamaan siyaasiyiin ku sheeg afartii sano ee la soo dhaafay sugayay in Madaxdooyadu Xildhibaanno ka dhigto, waxayna doorashadii Jowhar, fashay wado siyaasadeed oo wadno-qabad ku noqotay Kooxda F&F, hoggaamiyaan, ee fidno-falkinta iyo fowdada caanka ku ah.

Xildhibaannada Hirshabeelle, oo u badan kuwo uu Fahad Yaasiin, gacantiisa ku qoray, isla-markaana ay Madaxtooyadu ku fariisisay kuraasta, ayaa lagu suntay geesiyaal, kadib markii ay daadka raacsiiyeen, kaba-qaadyadii Farmaajo, ee Cabdullaahi Sheekh Xasan, Maxamed Axmed Nuur (Tarsan) iyo kuwo kale oo koofi-saar u ah kooxda ku caan baxday ka shaqeynta hadimada iyo hagardaameynta beesha Hawiye.

Taas baddelkeeda, waxa ay taashka boqorka saareen, masuuliyiintii u qalmay in ay xilalka qaataan, Sida Xaaji Muuse Suudi Yalaxow, Dr. Cusmaan Max'uud Dufle iyo kuwo kale oo qeyb lixaad leh, ka qaatay dadaalladii looga hor tagay damacii gurracnaa ee Farmaajo ku doonayay inuu dalka dib ugu celiyo kali-talisnimo, isla-markaana uu qori caaraddiis ku maamulo waddanka inta ka dhiman Cimrigiisa.

Baarlamaanka Hirshabeelle ee jooga 2021, oo aan hobo in ay taariikhdu si togan u xusi doonto, waxa xusuusnaayeen, gabbood-falladiii uu Farmaajo u geystay dadkooda, degaankooda iyo dalka oo dhan, waxaana si gooni ah meel ugu qornaa dhowr arrimood oo waaweyn sida;

  • Shacabkii beeraleyda ahaa ee Farmaajo siyaabo kala duwan ugu laayay Shabeellaha hoose.
  • Injineerradii iyo dhaqaatiirtii reer Hirshabeelle ee Muqdisho iyo Shabeellaha dhxe, lagu xasuuqay.
  • Dhallinyaradii kabahooda lagu aasay ee lagu laayay guriga Cabdiraxmaan Cabdishakuur.
  • Duullaankii lagu qaaday hoyga Sanatar Cabdi Xasan Cawaale (Qabydiid).
  • Is-hor-istaaggii safarkii Baladweyne iyo Kismaayo ee Madaxweynayashii hore.
  • Isku daygii dil ee Madaxweynayaashii hore iyo rasaastii lala dhacay siyaasiyiin iyo shacab dhigayay bannaan-bax nabadeed.
  • Canshuurta cirka sare la geeyay ee Caasimadda kaliya ku eg.
  • Jidadka afartii sano ee la soo dhaafay xirnaa ee sababay in reer Muqdisho meykooda garbaha ku qaataan hooyooyinkuna waddooyinka ku umulaan.
  • Boobkii doorashooyinkii maamullada ay Kooxda Farmaajo qabteen.
  • Xasuqii Baydhabo iyo Dhuusamareeb.
  • Dilalka dadkii indhaha u ahaa bulshada.
  • La dagaallanka dalalka dariska ah iyo colaadinta waddamada carbeed ee saaxibka la ah Soomaliya iyo (Qaar kale oo badan)

“Todobaatan iyo todobo go’ baa taaha la hayaaye, - Markay taadu kuu soo gashaa taabka la qabtaaye”. Runtii si weyn ayaa loogu diirsaday tallaabada ay qaadeen baarlamaanka Hirshabeelle, kuwaas oo fariin billow u ah aargaasiga kooxda arxanka daran ee wali sida sharci darrada ah ku joogta Madaxtoyada ka iba-furay Jowhar.

Waxa ay bannaanka keeneen runta oo ah in Farmaajo gabbalkiisu dhacay, waxayna far-waaweyn ku qoreen in qof uu wato aan laga rabin Hirshabeelle, waxayna farriin u direen kuwa doonaya in Fahad boqor ka dhigo ee shahaadooyinkooda u gudbiyay eedeysane Kullane Jiis oo gacan yare u ah Fahadka ay gacantiisa ku maqan tahay Ikraan Tahliil Faarax.

Soomaalidu waxay ku mahmaahdaa, “Intii isku dan ah ayaa isku dal ah” Hirshabelle, waxa ay u far-jaawisay, Maamullada Galmudug iyo Koofur-galbeed, oo si indho la’aan ah u hirgaliyay damacii Farmaajo, Guudlaawana, wuxuu billadda geesinimadda, kartida iyo nin karmeed-nimada ku hor qaatay, Qooqoor iyo Laftagareen oo dadkoodu ku sunteen habacsanayaal liita iyo kobo-qaadyo aan dad iyo degaan matali Karin.

Guuleed Faarax – KEYDMEDIA ONLINE




Falanqeyn 6 October 2021 9:00

Go’aanka siyaasadeed oo in ka badan lix boqol oo qof oo Soomaaliyeed laga tarxiilay, laguna boobay qaarkood, waa fal dambiyeed ciddii ka dambaysay lagala xisaabtami doono.