Exclusive / 60-Sano Kadib:

Maxaan Heynaa?

Falanqeyn Keydmedia Online

Xornimadii Soomaaliya waxaa maanta laga joogaa Lixdan sano. Waxaa la is weydiin karaa, maxaa inoo hagaagay, maxaase inaga qaldamay. Marxaladeena siyaasadeed, dhaqaale iyo tan dhaqan ee uu dalkayaga ku sugan yahay maanta maxay kaga duwan tahay tii gumeystaha? 

Maxaan Heynaa?

Ma heysanaa gobonimo mise meel cidlo ah ayaan ka dabaaldageynaa? Su’aalahaas waxaan filayaa inaad ka jawaabi karto markaad dhameyso qormadan kooban.  

1960

Soomaaliya waxay gobonimada ka qaadatay gumeystihii Ingiriiska iyo Talyaaniga, maalmo isxigxigay; goboladda waqooyiga oo aheyd 26-ka Juun iyo koofurta oo ku beegneyd 1-da Luulyo, halkaas oo markii ay Soomaalidii waqooyiga xornimada heleen ay la midoobeen walaalahoodii kale, kadibna lasoo dhisay dawlad doorasho iyo dimuqraadinimo mab’da ahaan ku saleysan.

Waxaan ognahay in xiligaas ay dadka Soomaaliyeed ay aad ugu qanacsanaayeen nidaamkii ay dagsadeen, si walba oo haku yimaadee, oo aan ognahay in uu dimuqraadiyad kuwii ugu horeeyay ee ka hana-qaada qaaradda Afrika. Madaxweyne Aadan Cabdulle Cismaan oo talada dalka hayey mudo todobo sanadood ah ayaa waxaa doorasho qof iyo cod ah uga adkaaday Madaxweyne C/rashiid Cali Sharmaarke 1967. Intaa maxaa xigay?

1969

Musoobo qaran ayay Soomaaliya la kowsatay markii nidaamkii lagu socday ay af-gambi kula wareegeen koox ciidamo ah oo uu horkacayay Jeneraal Maxamed Siyaad Barre. Af-gambiga wuxuu ahaa mid aan dhiig ku daadan. Balse mudadii uu talada dalka hayey, Maxamed Siyaad wuxuu dalka ka geystay dambiyo iyo ma-hadho aan wali ka bixin xusuustii ummadda Soomaaliyeed. Waxay iskugu jireen, gumaad, caburin, xasuuq shacab marras ah oo aan waxba galabsan, jirdil, ku-tagrifal hantidii shacabka, musuq-maasuq iyo qabyaalad kuwaas oo runtii sabab u ahaa burbur iyo qaranjab baahsan in Soomaaliya ay ku waabariisato

1977

Sanadkan wuxuu ahaa sanad la oran karo wuxuu soo dadajiyay burburkii hogaankii kaligii-taliska kadib markii uu dagaal aan si fiican looga baaraandagin, latashiyo badanna aan la marsiin, uu Maxamed Siyaad ku qaaday dhulka Soomaali Galbeed ee gumeystihii Ingiriiska siiyay Xabashida. Guullo waaweyn kadib, Soomaaliya waxay kudo yar ku weysay taageerayaal calami ah iyo ciidankii ugu cududa weynaa Geeska Afrika. Waxaa dagaalkii Amxaaradda gacan ku siiyay Midowga Soofiyeeti iyo Kuuba oo si toos ah ciidan iyo dhaqaale ku bixiyay sidii Soomaaliya loo jabin lahaa.

1978

Guul-daradii iyo niyadjabkii ku dhacay Ciidankii lixaadka weynee ee Geeska Afrika, waxaa durbadiiba bilowday af-gambi dhicisoobay oo ay soo qaban-qaabiyeen koox saraakiil ah oo istusay in dalka laga badbaadiyo hogaanka kali-taliska ah ee Maxamed Siyaad. Nasiib darro, cagta ayuu mariyay. Waxaa xusid mudan, ragaas uu laayay Maxamed Siyaad in ay ahaayeen halyeeyo dalka iyo dadka usoo halgamay, oo magac iyo muunad ku lahaa ciidanka xoogga dalka.

Sanadkii ka horeeyay, Maxamed Siyaad wuxuu dilay culimo Soomaaliyeed, oo kaga soo horjeestay mabaa’diidii Shuuciyadda iyo Hanti-wadaagga. Dadka qaarkiis waxay dhahaan, burburka Soomaaliya loogama horeyn cuqabadii laga galay culimadaas Soomaaliyeed oo afkooda ka cadeeyay wixii kusoo arooray kitaabka Eebe iyo hadyigii rasuulka, NNKH.

1987

Jabhadii Somali National Movement (SNM) oo ka dhiidhisay xukunkii Maxamed Siyaad iyo tacadiyadii uu u geystay ayaa abaabul ciidan kadib, waxay weerar ku qaaday gobihii ciidanka iyo magaalooyinkii weynaynaa ee Waqooyi Galbeed. Maxamed Siyaad oo aan lagu aqoon in shacabka uu u turo, isla markaana aaminsan mabaa’diida qabyaaladda ayaa amray in Hargeysa dhulka lala simo, loona adeegsado wixii hub iyo ciidan uu lahaa Qarankii Soomaaliyeed. Halkaas waxaa ka dhacay mahadho weyn oo ilaa maanta ay ku maqan yihiin shacabkii ku noolaa goboladda Waqooyi, oo ku raad joogga sidii ay gooni-iskutaag u gaari lahaayeen.

1990

Jabhadihii badnaa ee dalka ka abuurmay, oo dhamaantood xusul-duub ugu jiray sidii dalka looga badbaadin lahaa ninkii qorriga caaradii dalka ku qabsaday, uma suuragalin in ay xoog ku maquuniyaan rajiimka heystay dalka. Balse bishii sideedaad ee sanadkan waxaa ku soo biiray labo jabhadood oo xaq-u-dirir ah kuwaas oo kala ahaa United Somali Congress (USC) iyo Somali Patriotic Movement (SPM).

Labaduba waxay gacan-saar la lahaayeen SNM, waxayna dharbaaxo uusan la soo waaqsan xukunka kaga tuureen Maxamed Siyaad Barre oo qudbooyinkiisa looga hayo, “Dad ka tagi maayo, ee dal baan ka tagayaa” oo lagu macneeyo burbur baaxad leh ayaan dadka uga dhex tagayaa, oo ah qabyaalad iyo dhaqamo liita oo uu dhaxal siiyay shacabka Soomaaliyeed.

1991

Jabhadii USC oo uu hogaaminayay Jeneraal Maxamed Faarax Caydiid waxay suuragalisay in dalka ay ka saarto Maxamed Siyaad, balse ugxaantii uu ka tagay iyo nidaamkii qabyaaladda ku dhisnaa ayaa durbadiiba la fangalay halgankii xaq-u-dirirka ee jabhadaha. Waxaa isla markiiba si aan sharci aheyn lagu caleema saaray Cali Mahdi Maxamed oo ay hoos fadhiyaan raggii uu ka tagay Maxamed Siyaad, wadashaqeyn hoosena la lahaa rajiimkii militerigga. Loolankii xigay arrintaas wuxuu salka ku hayey go’aankii Cali Mahdi Maxamed uu ku gaaray in Jeneraal Caydiid uu ku so qaban doono 24-saac gudahood, maxkamadna ku saari doono.

1992

Waxaa intaa xigtay in Qaraar ay Jimciyadda Quruumaha ka dhaxeysa soo saartay bishii 12-aad lagu gaaray in Soomaaliya ciidan loo diro, kuwaas oo uu hogaaminaysay dawladda Mareykanka. Waxaa loogu yeeraa hawlgalkii Rajo Soo Celinta. Muxuuse ku dambeeyay?

1993

Dawladda Mareykanka oo siyaasadeeda arrimaha dibada lagu yaqaan, “Who is the good guy, and who is the bad guy?” oo macnaheedu yahay, yaa weeye kan xun, yuusa yahay kan fiican, ayaa Jeneraal Caydiid ku soo rogtay in hub-kadhigis lagu sameeyo, iyadoo aan la eegin loolanka iyo siyaasadda guracan ee Soomaaliya ay ku sugneyd. Caydiid oo ahaa nin lagu yaqiin geesinimo iyo wadaniyad, oo kaashanaya taageerayaashiisii xisbiga USC/SNA ayaa gaashaanka u daruuray Mareykanka oo ahaa markaas quwadda kaliya ee dunnidda ka jirtay. Sanadkan wuxuu ahaa mid dunidda ka yaabiyay, Jeneraal Caydiidna dhaxalsiiyay in taariikhda Soomaaliya uu ka galo baal dahabi ah. Hanqal-taagii Mareykanka wuxu ku dhamaaday niyad-jab, kadib markii ujeedadii laga halaa in Caydiid hub-kadhigis lagu sameeyo kaligii ay ku hungoobeen xooggagii isbaheystay ee ahaa nabad-ilaalin ku-sheeg.

1994

Waxaa dalka ka baxay dhamaan ciidamadii huwanta ahaa ee uu Mareykanka horkacayay. Guuldaradii ka qabsatay Soomaaliya waxay sabab u noqotay in aan loo gurman Rwanda oo markaas uu ka qarxay dagaal qowmiyadeed oo ay ku riiqmeen in ka badan hal malyan oo ruux.

1995

Waxaa dalka ka hanaqaaday dawladii ugu horeysay ee Soomaali ay ku dhisato gudaha Soomaaliya, oo magaceeda la oran jiray Xukuumaddii Salbalaar, kuna jireen dhamaan qabaa’ilka iyo jabhadihii xaq-u-dirirka ahaa. Waxaa madaxweyne ka noqday Jeneraal Maxamed Faarax Caydiid.

1996

Bilihii ugu dambeeyay sanadkan waxaa dalka soo galay Ciidankii Itoobiyaanka oo aan haweysan jirin in dalka ay cag soo dhigaan, maadaama uu ka talinayay Jeneraal Caydiid intiisa badan. Waxaa isla markiiba ay Soomaalidu ku baraarugeen in dalka taladiisa ay faraha kasii baxayso, maadaama caddow iyo dawladdo shisheeye ay dalka ku soo baahayaan.

2000

Waxaa dalka Jabuuti lagu soo aasaasay dawladii Carta, oo ay kasoo wareegtay 20 sano dhismaheedii. Itoobiya oo ka biya diidsan wax aysan iyada lug ku laheyn in Soomaaliya laga dhiso, ayaa durbadiiba burburisay xukuumaddii Madaxweyne C/qaasim Xasan Salaad, oo kaashaneysa dagaal-oogeyaashii xiligaas, oo uu ugu tun weynaa Korneel C/laahi Yuusuf.

2004

Waxaa Nairobi meel u dhow oo Mbagathi la yiraahdo looga dhawaaqay dawlad uu madaxweyne ka ahaa Korneel C/laahi Yuusuf, oo nidaamka Itoobiya uu ahaa bud-dhigeeda, Federaal. Beesha Caalamka oo aan awalba ka mideysaneyn mowqifka iyo mishkiladda Soomaaliya ayaa markiiba ayidday wixii lagu dhoodhoobay goobtaas, oo Soomaali inteeda badan aysan u cuntamin.

2006

Waxaa dalka ka dhashay, gaar ahaan koonfurta Soomaaliya dhaqdhaqaaqyo ku dhisan diin, oo ay horkacayeen qeybo kamid ah raggii siyaasadda ku fashilmay iyo ururo xag-jir ah oo hawlgab ka dhigay hogaamiyeyaashii qabaa’ilka koonfurta Soomaaliya. Dagaalkan kama marneyn faragalin shisheeye, oo u badan dawladda Mareykanka iyo tan Itoobiya. Waxaa halmar ay kooxahan gacanta ku dhigeen Bandiiradleey oo dhacda Gobolka Mudug ilaa Kismaayo oo ah jubbada hoose. Wadahadalkii ka furmay Khartuum ee u dhexeeyay Xukuumaddii C/laahi Yuusuf iyo Midowgii Maxaakimta ayaa fashil iyo ismari-waa ku dhamaaday, waxaana markiiba dawladda Mareykanka ay soo dagaal galisay, iyadoo looga faa’iideysanayo burburinta ururo diimeedka xag-jirka ah, Meles Sanaawi oo ahaa madaxweynihii kali-taliska Itoobiya. Dagaalka ka aloosmay wuxuu sababay in 30 kun oo rayid u badan ay ku nafwaayaan, gaar ahaan Caasimadda Muqdisho.

2007

Waxay kaloo aheyd markii ugu horeysay oo Taangi Itoobiyaan ah oo sida Madaxweynihii dawladdii federaalka uu soo caga dhigto ubucdii astaanta u aheyd ummadda Soomaaliyeed ee Muqdisho. Soomaali badan oo wadaniyiin ah waxay ku aheyd dharbaaxo lama-ilaawaan ah.

2008

Markii loo caalwaayay kooxihii is-abaabulay ee u badnaa ururo diimeedka, dagaalkiina uu sii daba dheeraaday, ciidankii Itoobiyana jab iyo naasa-beel ay kala kulmeen Muqdisho, ayaa waxaa dhacday in beesha caalamka ay aqbasho in heshiis siyaasadeed lagu dhameeyo arrinta u dhaxaysa Maxaakiimta oo uu markaas horkacayay Shiiq Shariif Shiiq Axmed iyo Dawladii Itoobiya ay taangiga ku keentay Muqdisho ee C/laahi Yuusuf uu hogaanka ka ahaa.

Bishii 12-aad ayuu C/laahi Yuusuf lagu qasbay in uu iska casilo xilka. Sida xoggo badan lagu hayo, waxaa ka dambeysay gabadhii Wasaaradda Arrimaha Dibada ee Mareykanka u qaabilsaneyd Afrikadda ee Jendai Frazer.

2009

Bilowgii sanadkan waxaa dalka si waji-gabax leh iskaga huleelay ciidankii Itoobiya oo guuldarro dhabarka loo saaray, hanjab ballaaranna ka soo hoyay dagaalkii Muqdisho. Balse Itoobiya ayaa ku guuleysatay in ay ciidanka Uganda uga tagto goobihii muhiimka ahaa oo ay gacanta ku hayaan, dawladdana ku ilaaliyaan, maadaama ay taagdaran tahay.

Isla bilowgii sanadkan waxaa doorasho kale ka dhacday dalka Jabuuti oo lagu soo caleemo saaray Shiiq Shariif Shiiq Axmed, kadib heshiis ay uu dhex-dhexaadiyay ergaygii Qaramada Midoobay Ahmadou Ould Abdallah.

2010

Xal quman lagama dhaxlin heshiiskaas, waxaa sii laba kacleysay dirirtii Soomaalida u dhaxeysay oo isku rogtay mid diimeed oo carabta laga soo xawilay, oo ay hogaaminayaan wiilal Soomaaliyeed oo la baxay Shabaab oo u adeegga ururka argagixisada caalimiga ah ee Al-Qaacidda.  

2011

Waxaa Muqdisho xoog looga saaray ururkii argagixisada ee Shabaab. Wixii intaa ka dambeeyay shacabka ku dhaqan waxay heleen nabad aysan la socon dagaalo qabiil iyo kuwa siyaasadeed. Balse dalka waxaa soo galay ciidankii Dawladda Kiinya, si sharci darro ah. Kadibna ku biiray Midowga Afrika kuwii ka joogay.

2012

Waxaa bishii 9-aad madaxweyne loo doortay Xasan Shiiq Maxamuud, oo aad loogu hanweynaa, balse caqabado siyaasadeed oo dhowr ah la kulmay, isla markaana aan ka marneyn bulshada rayidka iyo qeybo ka mid ah kooxihii qunyar socodka ahaa ee diinta siyaasadeynayay. Waxaa maamulkiisa lagu xasuustaa yagleelidii maamul-goboleedyada intooda badan iyo ajande siyaasadda dibadda oo furfuray xiriirkii dibadda ee Soomaaliya.

Sidoo kale, ciidamadii Midowga Afrika ayaa waxaa ku soo biiray dawladdii Itoobiya, tan Jabuuti, oo ah wadamada safka hore ah ee Soomaaliya dariska la ah. Markaad eegto mabaa’diida ay ku dhisan tahay Nabad-ilaalinta ee QM, kuma jirto in dawladdaha safka hore ay nabad-ilaalin u aaddaan dalalka jaarka la ah, sababo jira oo ay ugu horeysay “conflict of interest” danaha isdiidan.

2017

Waxaa cod buuxa oo daarasho dadban ah ku yimid Maxamed C/laahi Farmaajo, oo ah madaxweynaha haatan fadhiya Villa Soomaaliya. Soomaali badan aad ayey ugu hanqabeen, balse noqon weysay sidii laga filayay. Xukuumaddii uu ugu yeeray Nabad iyo Nolol waxay noqotay tii ugu shaqaaqadda badneyd oo abuurtay kala fogaansho siyaasadeed, gaar ahaan maamul goboleedyadii, qabaa’ilka kasoo kabsaday dagaalka sokeeye, iyo xiriir dhow uu la sameystay dawladdii Itoobiya, oo leh heshiisyo aan wali la hor geyn Golaha Shacabka.

Gunnaanad

Hadaba akhristow, waxaan filayaa inaad sheegi karto wixii inoo hagaagay mudadaas lixdanka sanno ah iyo wixii inaga qaldamay. Sidoo kale, waxaan filayaa inaad ka jawaabi karto su’aasha ah: ma heysanaa gobonimo aan ku faanno mise meel cidlo ah ayaan ka dabaaldageynaa?

Guuleed Faarax / KEYDMEDIA ONLINE




    Falanqeyn 15 September 2020 9:00

    Maalmahan waxaa shacabka Soomaaliyeed lagu jaahwareeriyay in ka maqnaanshaha Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland shirka dhusamare-3 ay aheyd caqabad hakisay in heshiis loo dhan yahay laga gaaro hannaanka doorashada 2020.