Dagaalka Guriceel

Mowqifka qaldan ee Midowga Musharrixiinta

Midowga Musharrixiinta Xilka Madaxweynaha JFS waxay ku kala qaybsameen weerarka Ciidammada DF oo kaashanaya Ciidammada Dowlad Goboleedka Galmudug (DGG) ku qaadeen Sheikh Maxamed Shaakir iyo taagerayaashiisa ku sugan Guriceel, dagaalkaaso dabajooga weerarkii Ciidammada DF+ DGG ku qaadeen Sheikha oo ku sugnaa Bohol.

Falanqeyn Keydmedia Online
Mowqifka qaldan ee Midowga Musharrixiinta

Dagaalka Guriceel wuxuu saameeyay dhammaan bulshada deegaanka deggan iyo kuwa ka soo jeeda. Dagaalka wuxuu socda 4 maalmood, waaxaana ku dhintay, kuna dhaawacmay dhibbanayaal kor u dhaafay qiyaas ahaan 300 qofood. Gulufka iyo bilowga dagaalka waxaa ku barakacay dad lagu qiyaasay 150,000 qofood.

Ilaa hadda lama yaqaan sababta Ciidammada DF iyo kuwa DGG u weerareen Sheikh Maxamed Shaakir markuu joogay tuulada Bohol, ka hor inta uusan imaan Guriceel. Sheikha wuxuu helay taagerayal ka difaacay weerarka Ciidammada DF+DGG, wuxuuna xaqiiqsaday in badbaadadiisa ku jirto inuu u guuro Guriceel ama dhusamareb. Wuxuu u soo guuray Guriceel.

Sheikh Maxamed Shaakir wuxuu idaacadaha ka sheegay in ASWJ aysan qabsan Guriceel, haseyeeshe weerarka lagu soo qaaday ee ka dhacay Bohol uu abuuray xiisad colaad oo u bahaan wada hadal iyo is qancin si xal nabad iyo nolol (N&N) ah loo gaaro. Hal ku dhegga Farmajo.

DF+DGG waxay dalbadeen in Sheikha iyo taagerayaashisa ka baxan Guriceel, soona celiyaan hub dowladda sheeganeyso. DF+DGG kama hadlin dhimashada, dhaawaca, iyo burburka ka dhacday Bohol iyo sababta ka dambeysay. Inkastoo Sheikha iyo taagerayaashiisa soo dhoweeyeen in laga wada hadlo dalabka DF+DGG, haddana waxay qabeen in lagu tumanayo xuquuqdooda iyo xorriyadooda muwaadinnimo iyo bani’aadamnimo. Ma garan dambiga loo haysto, halka DGG ka mid ah ee ay nabad iyo hab-nololeed ugu noolaan karaan, iyo inay hubiyaan in loo aqoonsan yahay inay yihiin muwaadiniin DGG door ku leh, iyo in DF+DGG ilaalinayaan dastuurka.

Waxaa jira duruufo iyo cabsi gaar u ah taagerayaasha ASWJ oo dagaal gaar ah la galay ururka Argagixisada Al Shabab, kana tabanaya gardarro iyo xadgud DF+DGG.

Madaxda ASWJ waxay sheegeen inay ka soo horjeedaan argagixisada dooneysa inay xoog ku qabsato xukunka dalka. Haseyeeshe, mucaaradka ka soo horjeeda ASWJ waxay qabaan in ASWJ caqabad ku tahay dhismaha iyo hirgelinta DGG, taaso Madaxda ASWJ ay dafireen, kuna adkeysanayaan in ASWJ ay cabsi weyn ka qabto xoogeysiga xoogagga argagixisada iyo xagjirka ah iyo siyaasadda is muquuninta DF+DGG.

Qayb ka mid ah MMXM waxay go’aansatay inay ka aamusto ama taagerto weerarka Ciidammada DF+DGG ku qaadeen ASWJ halka ay ka qayliyeen, cambaareeyeen, ku tilmaameen dambi qarameed weerarka Ciidammada DF ay ku qaadeen MMXM qaarkood kaddib markii ay damceen inay sameeyaan mudaaharad ay uga soo horjeedaan dib u dhaca doorashada barlamaanka federaalka iyo dhammaadka muddo xileedka madaxweyne farmajo.

Taas macnaheedu wuxuu yahay in qayb ka mid ah MMXM ay qabaan in ilaalinta ku dhaqanka dastuurka iyo sharciga iyo mucaaradnimada ay ku xiran tahay neceybkooda, jeceylkooda, iyo dantooda shakhsiga ah ee siyaasadeed, taaso la mid ah dhaqanka sharcidarrada ah ee Madaxweynaha muddo dhaafka ah Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo taagerayaashiisa dalka ku maamulayeen 4 sano iyo bar.

Waa nasiib darro mowqifka qaldan ee MMXM qaarkood ka qaateen dagaalka Guriceel, kaaso aan waafaqsaneyn mabaadi’da dastuurka, sharciga, ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta soomaaliyeed iyo ku dhaqanka nidaamka dimoqradiga ah, wuxuuna dhirrigelinaya dhaqanka daneysiga iyo keligi talisnimada ah ee dalka ragaadiyay. Dagaalka Guriceel waa mid ka soo horjeeda dastuurka kmg, gaar ahaan ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta iyo shuruudaha adeegsiga Ciidammada Qalabka Sida ee JFS, waana in cambaareeya sida loo cambaareeyay weerarkii MMXM.

Shacabka Soomaaliyeed waa ka dheregsan yahay habka gurracan, sharcidarrada, musuqmaasuqa, boobka, iyo amar ku taakleynta ah ee xukunka Soomaaliya lagu kasbanayo sannadihii la soo dhaafay, waxaana lagama maarmaan ah in loo halgamo raacidda dastuurka iyo dhaqanka daahafuran ee kasbashada awoodda xukunka iyo shaqada dalka, iyo ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta soomaaliyeed. Soomaaliya waxay ku jirta marxalad la xaqiijinayo sarreynta sharciga iyo la xisaabtanta dowladda.

Dr. Maxamud M. Culusow




Falanqeyn 24 November 2021 12:02

Ugu horreyn waxaa muhiim ah in hoosta laga xariiqo in sharciyan macnaha hadalka Xeer Ilaaliyaha MCQS uusan aheyn in eedeysanayaasha NISA ee kiiska Ikram Tahlil Faarax oo la la’yahay uusan aheyn inaysan aheyn dambiilayaal (not guilty). Go’aanka  dambiga ma gelin (not guilty) waxaa iska leh Maxkamadda.