Nasiib-xumo, Lixdan iyo kow sano oo qasaaro ah

Falanqeyn Keydmedia Online

Lixdan iyo kow sano ayaa la joogaa markii halgan ay hoggaaminayeen dhalinyaradii SYL, la isaga dul qaaday saan-cadaalihii ku soo duulay dulka Soomaaliyed, si uu u kala geeyo bulshada isku diinta, isku dalka, isku isirka iyo isku dhaqanka ah, ee Rabbi ku abuuray geeska Africa. 

Nasiib-xumo, Lixdan iyo kow sano oo qasaaro ah

Halgankii geesiyaashii SYL, dhaqdhaqaayadii xornimo doonka iyo guulihii laga gaaray gumeystaha, intaba Keydmedia Online waxa ay kaga hadashay si faahfaahsan, hayeeshee, qoraalkaan gaaban sida ka muuqata ciwaanka, waxaan ku dul mareynaa, waxa u qabsoomay Soomaalida tan iyo 1 July 1960-kii.

Xilligii uu halganka xornimo doonka socday, u jeedka ugu weyn wuxuu ahaa, in dib loo mideyo Shanta Sooaamiyeed, ee kala ah, Koofur, Waqooyi, Jabuuti, NFD iyo Soomaali galbeed, kuwaas oo gumeystuhu kala qoqobay, kuna kala qeybiyay shirkii Baarliin ee scoday 1884-1885.

Nasiib-xumo, rajadii ahayd in la helo midnimo Soomaaliyeed, waxay u muuqataa in ay kortay geed dheer oo aan laga soo dajin karin, kaliya Koofur oo ka mid ah shanta Soomaaliyeed ee isku soo celitooda la raadiyay lixdan sano ka hor, ayaa maanta u qeybsan shan qeybood oo qoorta iskula jira.

Yoolka la hiigsanayay waxaa ka mid ahaa dhisidda Dowlad loo dhan yahay, oo ka billaabata Midowgii Koofur iyo Waqooyi, hayeeshee, 30 sano kadib waxaa kala dhaqaaqay labadii midowday habeenkii kifaaxa, waxaana madaxbannaani sheegtay gobolladii waqooyi ee Soomaaliya, (Soomaaliland).

Kadib saddex doorasho oo si dimuqraadiyad ah u dhacay intii u dhaxaysay 1959 ilaa 1969, Soomaaliya waxa ay ka dhigtay dalkii ugu horreeyay Afrika ee awoodda ay si nabad ah isugu wareejiyan labo Madaxweyne, waase sifo uu dalku ka caagay 51-kii sano ee la soo dhaafay.

Dimuqraadiyaddii waxaa lagu badelay diktaatooridyad Dowladdii dumisay, dalkana ka dib marisay waddamadii ku daysan jiray ee Africa, taas oo dhalisay, dagaallo, barakac, macluul, xag-jirnimo iyo baahi baahsan oo gayiga oo dhan kala gaartay.

Soomaaliya, wuxaa loo tixgaliyaa waddankii ugu horreyay ee gumeystihii soo duulay iska dul kacshay marka laga hadlayo dalalka xubnaha ka ah Urur goboleedka IGAD, sida Kenya, Jabuuti, Suudaan, Uganda, iyo Eritrea, shumac ka soo dhex dhalaalay sannadkii hoodada lahaa ee Afrika ayaana loo aqoon sanahay.

Hayeeshee, Soomaaliya maanta waa mid ka mid ah dalalka ugu khatarta badan ee lagu noolaado amni ahaan Africa iyo adduunka oo dhan, waana mucjo maanka fayow aan mareyn in dalal uu xornimada ka hor qaatay, toodana ka shaqeeyay ay maanta dhan kasta kaga horreeyaan, amnigiisan sugayaan.

Hadaf kasta oo halgamayaashu lahaayeen waxaa wiiqay, Soomaalida oo ah reer-guuraa aan is rabin, maamul xumo madax maqaar saar ah hirgaliyeen, milatari mooyraan ah oo maamulkii toosnaa maja-xaabiyay iyo qabyaalad qaraar oo qararka jabsatay, dalkana qeyrkiis ka reebtay.

Lixdan iyo Kow sano kadib, Soomaaliya nabad kama jirto, nololna kama jirto, amingeeda waxaa gacanta ku haya Keyna iyo Itoobiya oo ah daris aan dibin-daabyo mooyee, diir-naxa lahayn, isirka Soomaalidana saa’id u neceb.

Sanadkii 2003, Madaxweynahii hore ee Kenya, Daniel Toroitich Arap Moi, wuxuu si cad u sheegay in dib u dhaca nabadaynta Soomaaliya ay salka ku hayso shakiga ay dalalka gobolku ka qabaan Soomaali oo midaysan inay sii wadi doonto riyada is-ballaarinta.’ Taas oo uu kala jeedo Soomaali weyn oo dib u midowda.

Sidoo kale. Ra’iisul Wasaarihii Itoobiya Meles Zenawi wuxuu qorsheeyay in Somaaliya loo kala gooyo Koofur iyo Woqooyi kadibna Koofur loo sii qeybiyo shan maxmiyadood, taas oo u hirgashay sidii uu rabay, waana nasiib-xumo maqaar-saarka dalka maamula aysan qorshaha waddamadaan aysan dan iyo heello ka lahaun.

Soomaaliya, waxa ay noqotay helib geed saran oo haddu soo gaarto u gawsato, waaxaana muhiim ah in dib loo fariisto, wixii qalad la galay cashir laga barto, taaganta iyo timaatadada la toosiyo.

Guuleed Faarax - KEYDMEDIA ONLINE




Falanqeyn 15 June 2021 4:24

Akhriso Qeybta koowaad ee Qormadda | Qormadaan waxaan doonayaa in aan uga hadlo dhacdooyinka soomaalida qaar ka mid ah iyo sida damaaciga qolooyinka qaar u dhibaataayey daganaha guud ee Bulshada ay leedahay oo hadday weydo ay u marayso jidkasta si ay uu ayada u noqoto kuwa kaliya ee jooga meesha ay doonayaan, waa madaxnimada iyo darajada ugu saraysa ee soomaali ka dhaxaysa,