Suugaantii 03/10/1993

‘RAJOCELINTII’ | Q-13AAD

Falanqeyn Ina Cubtaan

Gunaanadkii qoraalkii dheeraa ee qormooyin taxan ahaa ayaan joognaaye, hadda, sidii aan hore idiin kugu ballanqaaday, ayaan afmeerka dhigaalkan ku soo qaadanayaa qaybo ka mid ah suugaantii ka la duwaneed ee laga tiriyey dhacdadii 03/10/1993.

‘RAJOCELINTII’ | Q-13AAD

Soomaali ahaan, waxaan ku jirnaa, haddii aannaan hormuud u ahayn; bulshooyinka af-ku-hayn iyo hadal u yahay keydka iyo dhitada maalmisooyinka bulsheed, siiba gedaha hawraarta iyo lagu tebiyo halqabsiyada ama hal-ku-dhegyada.

Arrinkan sidii farta loo qoray, afkuna u yeeshay shibbanayaal u gaar ah, wax un baa la qoray, walow aysan badnayn, marka loo fiiriyo keliya wixii aan ku fiicnayn, ee dhacdosheegid iyo abrtirin eheed, sidoo kale, nolol ka warramid ay dhaqashada iyo beerashadu kow ka tahayna la siin kaalintoodii mugga leheed, maxaa yeelay, qoris qaaran ayaa qalimaystayaal ku qaabiyeen.

Ujeedku yuusan iga dhumine, saa ma rabo, in aan dhaliil suugaaneed u gudbee, waxaan idin la wadaagayaa qaybo ka mid ah suugaantii gugaa looga dareenceliyey dagaalkii RAANGERIS.

Galabtii uu dhacay dagaalkii saddaxdii oktoobar, 1993, oo Maraykan laga soo riday saddax diyaarad, 18 askari oo Raangaris ahna laga dilay, ka dibna maydkooda lagu jiiday laamiyada Muqdisho, ayaa laashinkii iyo abwaankii weynaa Abshir Nuur Faarax (Bacadle), Eebbe ha u raxmadee, wuxuu ku shirbay:

“Maraykan maamulkiisiiyoo

Marinhabaabay maaragteen?!”

27 gu' ka hor ayuu laashin Abshir Bacadle mariyey shiribkan, walina halkii iyo ka sii fog ayey siyaasadda Maraykanku naga taagan tahay ama naga joogtaa.

Mar kale, Abshir Bacadle, Abwaankii Bulshadu wuxuu ku shirbay:

"Gobannimaan ku gaamuree

Gaal maa hadday gumaysahaa?!"

Mar kale, isaga oo ku dhegahadlaya, durayana SULUXII shardiga ku galay, in ay Gen. Caydiid la qabandoono, haddii aanba la dilin, taageerayaashiisa ay ugu horreeyaan SNA la ka la dhantaalidoono, ayuu Abwaan Abshir Bacadle ku yiri;

“Suluxii soortu qaaddayoow

Suqaar Mareykanaan sidnaa!”

Mar kale, laashinkii iyo abwaankii weynaa Abshir Nuur Faarax (Bacadle) waa kii ku SHIRBAY;

"RAANGERIS ma rootiyaa

Shacabkiiyaaba raamsadee!"

Gabaygii: La ma illoobaan dheh, Curintii: Abwaan Geelle Faruur (AUN) - Tirin: Okboobar 1993

Suugaantii laga tiriyey dagaalkii oktoobar, 1993, marka shiribyada Abwaan ABSHIR Bacadle laga yimaad, waxaa ugu caansan, uguna maqal dheer gabayga uu ka tiriyey Abwaan Geelle Ismaaciil Macallin (Geelle Faruur) (AUN).

Wuxuu ka tiryey, gabay guul ku geeraar iyo libin tookh ahaa, oo summad, sooyaal, sinji, Soomaalinnimo iyo sarrayn suureynteeda si fog u muujiyey.

Meerisyada ku jira, sidoo kale, waxaa ku jiray, digasho intii diiddaneed, ee dariiq walba la taagneed dacaayadda, isagoo ku suntay daciifnimo iyo taagdarri.

Waa gabay waayowarran, wacaaltebin, digid iyo digasho isugu jira, oo af, erayo, weero, hawraarro iyo alanno mug leh uu abwaanku ku halabuuray.

Idinka oo hoos ka dhagaysan karo gabayga oo dhan, aan dhawr meeris idin wadaajiyo;

"Sadexddii oktoober haddaan, meelo ka iftiinsho

Aqalkii Caddaa baa ka naxay, aafadaan dhigaye

Rangers aftaagleynayee, ii dheh lagu waalay

Galab axad ah amarkaa socdee, soo alaasiye'e

Illaa Olympic, suuqa weyn, ubax sinnaankeeda

Sarta Aadan iyo Geed Jaceyl, aagga Xararyaalle

Dayuurado aluufaad ah oo, belo afuufaaya

Ammaanduulihii iyo ciidinkii, howl ku soo amarye

Efentarigii i doondooni jiray, maalintaas aragye

Afar iyo shan goortaan ridnee, ololku noo muuqday

Sida owrta waatey dideen, araxya weyntiiye

Waatey ardada xaafadaha, magan u aadeene

Addimada kornayl laga jabshoo, ulo ku boodaaya

Aadaarka biiloodyaddii, aamus laga waayey

Flimkaan adduunka u badhigay, la ma illoobaan dheh

Soomaali inan loo onkodin, la ma illoobaan dheh

Aabiga inaan nalagu dayin, la ma illoobaan dheh

Gumaysiga indha aan ka riday, la ma illoobaan dheh

Aas aaska taariikhdayada, la ma illoobaan dheh

Ilayskii bakhtiyay baan shidnaye, la ma illoobaan dheh

Iftiinkiisi baa baxahayee, la ma illoobaan dheh

Mahaddana Ilaah baa iska leh, saan ogsoonahaye

Inay Guushu aqalkeenna taal, lama iloobaan dheh"

Dhanka kale, suugaanta laga tiriyey dagaalkii oktoobar, 1993, ayaan waxaan idiin soo gudbinayaa meerisyo ku jiray gabayga abwaan Suldaan Xasan Guulwade. Abwaan Suldaan Xasan Guulwade, gabay uu ka tiriyey xigmadda qarada weyn iyo qurux eray suugaaneedkiisii waxaa ka mid ahaa:

"Eesii (AC) korbrada orodka dheer, aaladdaaad wadato

Eey iyo askaro badan, haddaad ururis noo keento

Eedayeey, haddii aadan oran, uunku kaa warinnin

Eraygaad tiraahdaba, haddaan Vitnaam la abbaarin

Ummad iiga daran baan arkay, uumiyuhu gaarin

Oklohoom, Alaaskiyo Ohaayaba, haddaan lagu agoontoobin

Odaygii Soomaalaan ahay, oo ergaan ahaye

Ha ka ooyin,eebadu aday oofta kaa geliye

Aabbiyo awowgaa la naar, gaal uraad tahaye

Iyo ubad nijaaseedka (Janatan) How, eed amar u soo dhiibtay".

Mar kale, abwaan Geelle Ismaaciil Macallin (Geelle Faruur) Eebbe ha u raxmadee, isaga oo ka gabyaya galabtii saddaxdii oktoobar wuxuu yiri:

“Gantaalaha aan soo ridahayee, galalacleynaaya

Ma gefeynin goobtaan ku rido, gaasna ma hambeyne

Guulguulka iyo bootadiyo, gacan togaaleynta

Gardarrada dadaan qaadanayn, oo gartaan ahaye

Intey gabari naga nooshihiyo, toban jir ruux gaara

In gumeeysi ciiddeenna degoo, calanku geeryoodo

Oo aan gunnimo qaayibnaa, GUULLE muu orane

Kumanyaalka nagu soo gurmee, wada garwaaxeedsan

Oo sababahay goobayaan, aannu garaneeynno

Haddii aan jahaad baan galnaye, ficiladii gaarno

Oo diinta Guullaheen na baray, garabsannee yeelno

Gurmar oowliyaad baa imaan, gaal ka xoog badane

Iyagaa gumaad iyo jab iyo, ceeb la googgo'iye

================================

Ninba gurayey qalabkuu sitaye, kii fardaha gaabsha

Goob joogayaashiina ogi, aan is garansiinno

Gaaliyo Islaam u ma dhaxayn, gogol nasteexaade

Ninkii geeri fool xumo la taga, aan is garansiinno

Afrikada gefbaa la la bartiyo, ineey gureystaane

Heeryada dhankii loo gembiyo, aan is garansiinno

Geesaaska Haw iyo masrigu, dunida gaarsiiyey

Iyo jadalka aan gaabiyiyo, goboda aan taabtay

Beentiyo runtana kii gablama, aan is garansiinno

Gardarriyo isyeelyeel la yimid, gayrna soo kiciye

Wuxuu ganafka taagaana waa, maalmo gudahoode

Gafuur dhiigle goortuu la tago, aan is garan siinno

Anoon gabaga sii badinahay, kana geyoonaynin

Mar haddaan tixdii soo gudbiyey, go'atay laabteydu

Go'aan kuna ALLUHU waa markuu, soo gunaanado’e.”

Tan kale, waxaa xiiso gaar ah leheed, oo in la xusana mudan shiribyaddii dhexmarijiray labada laashin; ABSHIR Bacadle iyo Muuse Maxamad Jeegocadde ‘MMJ’ siiba kii ku saabsanaa dhacdadan;

MMJ;

Afar walxaayo ha’ ku taal

Keerka u dambeya waa hubsaa!

Abshir Bacadle;

Lugtii horaa ha’ kaa dhinneed

Haddaanse kuu hagaajihaa

MMJ;

Howsha u dhexeysa Hawya WAAW

Heerka u dambeeya waa hubsaa!

Abshir Bacadle;

Midkii haroo hoggaan qabtaad

Hadhoow adigu hoostegee.

MMJ;

Hoobiyaan ku naqaa hoggaan

Heerka u dambeeya waa hubsaa.

Bacadle

Nin walba hoobiyoow hufaa

Heybtiisna waa hoggaamiyaa.

MMJ;

Nin haadsan nin la hayb ahoo

Lana hadleynin waa hubsaa.

Abshir Bacadle;

Nin haadsanaad u haysatiin

Mana hubtiine weys hoddeen!

MMJ;

Habartaan hoos cambe dejaa

Heerka u dambeeya waa hubsaa!

Abshir Bacadle;

Habartu weyska halgamee

ALLENA Haaw u hiillimaa.

MMJ;

Nin had ku siiyey hargaf sii

Wixii laga helaan hubsaa!

Abshir Bacadle;

Hiil iyo hooba hagratoo

Heer Mudug howshi kuu ma taal.

MMJ;

Nin soo hoydaa nin hoy rabaa

Heerka u dambeeya waa hubsaa.

Abshir Bacadle;

Meheey ka hoogtey waa halkaas

Admaanse hooy ku haybsahaa

MMJ;

Hadhow waxaan ahay Hiraab

Ha ii la soo hareed xumaan

Abshir Bacadle;

ALLE ha ku soo hanuuniyee

Heer waad ka gaartey ha’ nacayb.

Markii ciidamadii shisheeye baxeen ayaa Abshir bacadle ku shirbay;

Howshii u dhexeysey Hawya WAAW

Xaa kuu herood haddeer hubsee?!

MMJ;

Hadalku hordhacow ahaa

Howshiina waaga waa hitee

Abshir Bacadle;

Nin heer duciyo heer habaar

Hubsatay haatan maahinoo

MMJ;

Ma hubno hawshu seey naqee

Haddaanse hiil ALLAAD hesheen!

Sidoo kale laashin iyo abwaankii weynaa Abshir Nuur Faarax (Bacadle), Eebbe ha u raxmadee, waa kii ku shirbay;

Laashinkii iyo abwaankii weynaa Abshir Nuur Faarax (Bacadle), Eebbe ha u raxmadee, marar iyo siyaabo badan, ayuu kaga shirbay waayihii UNISOM, si guud, si gaar ah, maalmahihii oktoobar, dagaalkii saddaxdii oktoobar iyo wixii ka dambeeyey.

Shiribyadii uu tiriyey, ka dib dagaalkii saddaxdii oktoobar, diliddii 18 askari oo Maraykan ah, waa inta ay qirteene, rididdii 3 diyaarad nooca qummaatiga u kaca iyo jebintii Raanjaris, oo ahaa ciidan si gaar ah u tababbaran, Maraykankuna ku faano, ayaa Laashin Abshir Bacadle wuxuu ku SHIRBAY;

“Afar walxaad Ameerikaay

Astaahilkiinnu waa ahaa.

Arbush habeenya miino aas

Astaahilkiinnu waa ahaa.

Afartan duuge afar sheeg

Astaahilkiinnu waa ahaa.

Ufeey kani waa Ameerikaan

Astaahilkiinnu waa ahaa.

Iney agoontu aarsadaan

Astaahilkiinnu waa ahaa.

Dhacdo sooyaalka Soomaaliyeed iyo siyaasadda ciidan ee dunida gashay, saamaynna ku reebtay. Marka, baro sooyaalkaagii, qoro tagtadaadii, dhigo waayahaagii, keydso dhaxalkaagii, xusuuso halgankaagii. Ogow wixii aad soo martay, si aad u aqoonsato waxa aad ku sugan tahay.

Dhammaad.

Ina Cubtan - KEYDMEDIA ONLINE




Falanqeyn 25 September 2021 12:48

Ciidan isku heyb ah, si gaar ah u tababaran, oo aan la marsiinin wadadii ciidamada qaranka lagu qori jiray. Qormadaan C/Qaadir Maxamed Cismaan wuxuu uga hadalayaa sirta ciidanka Duufaan ee Fahad Yaasiin aka Abuu Cammaar, Farmaajo, iyo Kullane-Jiis aka Jiis-Mareexaan.