‘RAJOCELINTII’ | Q-1AAD

Falanqeyn Ina Cubtaan

Marka laga reebo imaarado ama maamullo hoostagayey imbaraadooriyadihii soo xukumay dunida Muslinka, degaanka Soomaalida ka ma jirin dowlad si guud uga wada talisay, sabab la xiriirta qaab dhismeedka Soomaalida iyo qaar ka mid ah imraadahaa, oo ay madax u ahaayeen carab carar, diin fidin ama ganacsi ku timid dhulkeenna.

‘RAJOCELINTII’ | Q-1AAD

Black Hawk Down - Farsamadda Sawirka KEYDMEDIA ONLINE

Ka la qaybsigii Yurubtu, Afrika ku ka la googoostay, Soomaalidu waxay ka mid noqotay dadyowgii ugu ayaanka xumaa, oo sida xun loo ka la qoqobay, markii horana aan haysan hoggaan maamul mideysan, haddana, ay u dheereed in aysan helin hilaadin qumman, oo habowga, hogagga iyo halaqa ka jirta.

Soo geliddii saancaddaaluhu uu ciiddeenna ku soo degay, waxaa si geesinnimo iyo gobannimo leh ugu babacdhigay beelo iyo wadaaddo diineed, oo isbiirsigoodu dhaliyey isbhaysiyo gumaysiga gaarsiiyey jac iyo jab isugu jiray naf iyo maal, balse, ayaandarro, markii dambe, ammaantii guuldhelinta gobannimada waxaa la siiyey ulakac ama ildoof mid ay tahayba ururro dhismay 20 gu’ ka dib dagaalladii wacdaraha ay ku dhigeen labadaa sare.

Madaxbannaani ka dib, dalku wuxuu noqday sida dareenqabka qofka Soomaalida ahaa, in uu horseed iyo hormuud u noqdo dalalkii madaxbannaanida qaatay kuwoodii ugu wanaagsanaaday maamul iyo awood isu dhiibka maarayn, oo doorasho iyo cod lagu ka la baxayey, ka hor, inta aan dhabar iyo araxjabku nooga iman boobkii ciidanku maamulka ku marooqsaday, oo dhashay dhibka, dhimaalka iyo dhegxumada Soomaalidu aysan ka soo waaqsanayn boqolleyda soo socota, marka dhan la is ka dhigo soddonka gu’ ee tabaalaha nagu dhaafay.

Dagaalkii 1977 wixii ka dambeeyey, dalku wuxuu sii galayey hoobaad looga dan lahaa, in jardheer laga sii tuuro, dadkana aan loogu turin, in la ka la irdheeyo ma ahane, oo dhalisay, in bulshadii iyo beelihii Soomaaliyeed ka dhiidhiyaan takrifalka iyo tacaddiyada loogu gaysanayo magac dawladeed, ee qaarkood salka ku hayeen qabyaalad, aano iyo dakano qolo ah, oo guud ahaan dalka dhaxalsiisay, in ay abuurmaan ururro siyaasadeed hubaysan, si ay u ridaan maamulkii teligitaliska ahaa ee macangagnimadiisa iyo taloxumadiisa talo walba oo badbaado ama baxnaano dhalin kartay, in uu iska diiday ka sokow, qofkii ama qoladii lagu maqlo ku suntayey MAHB-AR!

Wax walba waxaa sii cakiray, markii awooddii dadka ka dhaxaysay iyo dawladnimadii la wada lahaa loo adeegsaday, in beelo gaar ah lagu ugaarsado, rag iyo dhallinyaradooda lagu qafaasho, ceelasha iyo baraagahooda lagu duugo, marka laga soo tago, in xoolahooda la bililiqaysto, geeloodana la dhaco, halka dumarkooda la kufsado, markii dambana qaarkood lagu duqeeyey diyaaraddii colkooda ay eheed in ay gantaalahaa ku tuurto!

Magacii Afrika dhexdeeda na loo aqoonsaday markii la duugay, oo mutaxane uu dul-mawriirsaday maareyntii malaayiintu wada leheed, weliba shanta Soomaaliweyn oo dhami ay wada hamminaysay, ayaa haddana, loo jeestay ka la dilka, dareengelinta iyo ka la durjinta beelihii shalay iyagoo ka la doc ah gumaysiga diidmo iyo dambaabruro isugu daray, markaa ayaa ugu dambayn xabbaddii xadka Xabashida laga soo billaabay Xamar ka qaraxday 31/12/1990, oo 26 maalmood ka dibna, sidii xoogga uu ugu qabsaday uguna haystay xukunka ayaa looga saarey madaxtooyadii uu isa siiyey, ee uusan u aqoonsan, in ay eheed muddul harka labadiisa gellin midkiis keliya uu hargalo.

Si dad badan aysan filan ayaa dhacday, haddiise dhaqankii gurracnaa, ee keliteliska, gawaadyadiisii iyo guulwadayaashii loo fiirsado muuqan kartay, oo eheed; isku dirka iyo ka la dilka beelaha, oo markii hore qaarkood dawladnimada lagu naasnuujiyey ka sokow, misana uu dirirtooda sii huriyo, haddana uuba sidii hore si ka casrisan u fuliyey, oo ay dhinacyada magaalada laga ka la deggan yahay inta hadba qolo lagu guureeyo dad laga soo dilo iyada oo la adeegsanayo hal-ku-dhegyo ama dhawaqyo loo garan karo, in ay kuwaa kale ku hal-qabsadaan, oo dhalisay dagaalkii sokeeye iyo diririhii xigay.

Macangag ma quustee, in uu maamul wadaaggii duugay, in uu awooddii la wada lahaa dadkii ku dilay, in uu diyaarado ku duqeeyey iyo in dadkii la isugu diray beel beel ma deeqine, dagaalkii sokeeye ayuu dhexda ka galay, illaa xadka la dhaafiyey, asoon xoog, xeelad ama xeerin midna hayn, oo hubaal ah wax laga wadaxumaado, xal iyo xaalin ka wanaagsanna loo heli lahaa, haddii uu u dhegraaricin ama u nuglaan lahaa baaqyada nabadeed ee dhan walba kaga imaanayey!

Fisha Qormada qaybaheeda kale iyo Keydmedia Online

Ina Cubtaan - KEYDMEDIA ONLINE




Falanqeyn 22 October 2020 16:26

Bogga RAJOCELINTII ee KON | Talyaanigu wuxuu ka mid ahaa dowladaha ciidanka u soo diray Soomaaliya kuwooda ugu xiriir dhawaa maamulladii dalka isaga dabamaray rayid iyo ciidanba, oo wuxuu ku helay dhawaanshahaa kadeedkii gumaysi iyo kaalintii uu ku ku yeeshay dowladnimada ka dib.