‘RAJOCELINTII’ | Q-2AAD

Falanqeyn Ina Cubtaan

Q-1AAD - Qoladii ewelba ka shaqaysay, in dalku galo dagaal sokeeye, ayaa mar kale waxay isu bahaysteen, in mar kale dalka qar laga sii tuuro, ka dib markii ay isku milmeen kooxo ka ka la socday Manifesto iyo haraadigii maamulka rajiimka, oo isugu yimid, in ay ka la qaybsadaan awood aanba jirin, kana darane aysan qayb ka ahayn xoogaggii dhiig iyo dhacaan u daadshay rididdidii rajiimka.

‘RAJOCELINTII’ | Q-2AAD

Manifesto waxay gorgortan la galeen haraadigii maamulka rajiimka, iyagoo 29/01/1991 isku af-gartay, in Cumar Cartan uu RW noqdo, iyadoon xilkii laga qaadin RW markaa dalka maaraynayey iyo ku xigeenkiisii C/qaasin Salaad, ahaana wasiirka arrimaha gudaha. Heshiiska labadan garab waxaa loo baxshay SULUX, oo wuxuu dhigayey, in awoodda 75% ay qaadato Manifesto, inta kalana la siiyo haraadigii maamulka rajiimka.

Kulan ay la yeesheen Gen. Caydiid oo ujeedkiisu ahaa, in ay ku qanciyaan, in uu qayb ka noqdo heshiiskaa, ayaa ku dhammaaday wajigabax, ka dib markii Ge. Caydiid uu si toos ah ugu yiri; dalka oon rajiimka laga saarin awood qaybsi laga ma hadli karo, in la galo is ka daaye, isaga sidoo kale raaciyey; awood qaybsi ay reer waqooyi ka maqan yihiin, in uusan isna dhici karin.

Mar kale, rajiimka oo ku sugan dalka gudihiisa, ayaa inta taladii la la degdegay waxaa la qabtay shirkii Jabuuti, lagana sii shaqeeyey, in mar kale habowga jiray halaag lagula hubsado, iyadoo ururkii Gen. Caydiid ay shirkaa u qaaddaceen, in la dagaallanka rajiimku aysan ahayn, in beel lagu ugaarsado.

Shirarkii Jabuuti ee kala dhacay juun iyo julaay 1991, saddax bil ka dib, bishii november isla gugaa, waxaa dhacay dagaalkii Afar Biloodka ku caan noqday; novembar 1991 ilaa febaraayo 1992, oo dhaliyey, in mar kale magaaladii Muqdisho laga qaxo, haddana, keenay, in labo ay u qaybsanto, ayna yeelato wixii loo bixiyey; QADKA CAGAARAN.

Inta u dhexaysay dambaadkii 1991 iyo horaadkii 1992 waxaa koofurta dalka ka dhacday gaajo iyo macluul na soo marta tii ugu dhibka badnayd ee loo baxshay; CAGABARAR, oo ay ku dhinteen dad gaaraya saddax boqol oo kun oo qof, sababteeda xooggeedana ay leheed; in mar kale maamulkii cararka ahaa uu sidii uu Muqdisho uga billaabay dilalka beel ahaan u qorshaysan, ayuu markii uu saldhig ka samaystay degmada Buurdhuubo, ayuu bakaartii iyo xoolihii beelarrayda degaankaa boob iyo bililqo u gaystay, ayna u dheereed qixin iyo barakicin nus milyan qof ku dhawaad, taa oo keentay, in dadkii degaannadaa ay ku dhacdo caloolxumadaa dunida gaarsiisay, in ay marmarsiyo uga dhigato, in ay Soomaaliya soo farageliyaan.

Hubaal, in imaatinka dawladihii QM ka socoday, ay wax weyn ka qabatay macluushii jirtay, baahidiina dabooleen, gaajadiina si fiican loo la tacaalay, oo waxaan xusuustaa, dalal u badnaa kuwa carbeed, in meelo badan xarumo iyo masaajiddo ka la ahaa, in ay deeqo ka la duwan ku bixin jireen, raad xunse ku reebtay bulshada, maxaa yeelay, waxa ay mucaawinadaa ay keeneen unug u noqotay samaysanka ama adkaynta WAHAABIYADDA dib ka la dhalidoonta ALSHABAABTA ka shar badnaatay wixii shaqaaqo na soo maray.

Dhammaadkii febabaayo 1992 ayuu ergeygii Jemes Jonah ee ka socday QM soo gaarey Muqdisho, wuxuuna xabbadjoojin dhexdhigey Gen. Caydiid iyo Cali Mahdi. Heshiisku wuxuu ka dhacay guriga Danjire Cabdullaahi Axmad Caddow, oo u kiraysnaa shirkadda shidaalka Conoco.

Wakiilka ayaa saxiixay heshiis ay ku jiraan qodobbo oggolaanaya hawlgalka kormeerka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, si ay u kormeeraan qabanqaabinta qaybinta gargaarka bini’aadannimo, sidaasna 24 April isla gugaa, 50 kormeerayaal millatari oo aan hubaysnayn oo QM ka socday ayaa la geeyay Muqdisho, si ay u la socdaan xabbadjoojinta. 

Xoghayihii QM ee xilligaas Butrus Qaali ayaa wakiilkiisa Soomaaliya u magacaabey Maxamad Saxnuuni, oo ahaa Aljeriyaan Muslim ah, lahaana qibrad fog, in kasta oo uu qabey, in xilligii saxda ahaa aan waxba laga qaban Soomaaliya xagga gaajada iyo sidii looga dhex-abuuri lahaa heshiis siyaasadeed, markiibana wuxuu xoogga saarey sidii loola tacaali lahaa gaajada, waxeyna Butrus iyo Gen. Ceydiid lahaayeen wadashaqeyn wanaagsan, oo suuragelisey, in 500 askar Baakistaan ah kana socda QM in la keeno Muqdisho.

Walow uu waayadan dambe ka mid noqday dullaallada Soomaalida kuwooda ugu tunka weyn, haddana, madaxweynaha Ugandha; Yoweri Musevena, wuxuu dhowr jeer isku dayey, in uu dhexdhexaadiyo welibana dhammeeyo qilaafka Gen. Maxamad Faarax ‘Caydiid’ iyo Cali Mahdi Maxamad, isagoo Musevena Muqdisho u yimid arrinkaa, balse, ku ma guuleysan addduunyadu waxayba ku sii jeedday dagaalkii gacanka Carbeed.

Si Maraykanku u muujiyo, in ay dhab ka tahay isballaarinta uu damacsan yahay ayaa 31 disembar, 1992 iyo January 1, 1993 waxaa magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo socdaal ku ka la bixiyey madaxweynihii hore dalkaas Buushkii aabbaha ahaa, oo hubaal dhanka dawladaha hiyi-raaca ahaa welina ah ama dafalaqsiga faragelinta la rabtay ay ka dib ku soo qululeen dalka, iyaga oo dabcan gargaar iyo cunto keenid ku wada dabagambanayey.

Go'aankii uu qaatay madaxweynihii Mareykankaa xilligaas Bush, in Mareykanka iyo saaxiibbadoodu ay ciidamo u diraan Soomaaliya wuxuu wax u dhimey dedaalladii ergeygii QM u qaabilsanaa Soomaaliya Maxamad Saxnuuni, oo aaminsanaa, in la sameeyo dib-u-heshiin dhab ah, oo aan loo baahneyn ciidan xoog badan oo qeyb ka noqon karo mushkilada jirta.

Sababta faragelinta soorgeyn ayey ku suntaneed, dunidana looga gaday, in deeqbixin loo socdo, oo saddax heer ka la maray; 06 April ilaa 8 disembar 1992 UNOSOM1 (United Nations Operation in Somalia) laguna oggolaaday xeerka QM ee tirsigiisu ahaa 751/92, 09 disembar 1992 ilaa 04 maajo 1993 (UNITAF) iyo midda u dambaysay, ee dhiigga badan ku daatay ee maarso 1993 ilaa maarso 1995 UNISOM2, looguna codeeyey xeerku QM ee tirsigiisu ahaa 794/92, oo halbeeg looga dhigay; RAJO SOO CELIN!

Ciidankii Maraykanka ee yimid dalka tiradoodu waxay ahaayeen; labaatan iyo shan kun oo askari ka koobnaa, warbixinnada qaarna ay sheegayaan, in ay ahaayeen; labaatan iyo sagaal kun iyo shan boqol, ayna tiro ahaan ku xigeen talyaaniga, oo labo kun iyo saddax boqol toban iyo afar askari ka koobnaa, sidoo kalana waxaa ciidamo soo diray dalalka; Australiya, Biljam, Faransiiska, Hindiya, Maleesiya, Nayjeeriya, Baakistaan, Marooko, Imraadka Carabta IQKB. Guud ahaan dalalka ciidamada u soo diray Soomaaliya waxay ahaayeen 26 dal.

Maraykanku dhanka siyaasadda iyo diblomaasiyadda wuxuu u xilsaartay Robert Oakley, halka dhanka ciidanka uu madax u ahaa generalka ciidanka badda Robert B. Johnson iyo Admial Hawe, ahaa hoggaanka ciidamada QM ee Soomaaliya, taloxumadiisuna ay qayb weyn ku leheed dagaalladii lagu hoobtay ee aan faallayntooda wadno.

Fisha Qormada qaybaheeda kale iyo Keydmedia Online

Ina Cubtaan - KEYDMEDIA ONLINE




Falanqeyn 18 October 2020 10:38

Sida aan xusay wixii ay rajocelinta ku sheegeen, oo dhab ahaan looga faa’iiday gargaarkii gees walba laga keenay, dadkeennuna ay aad ugu baahnaayeen, haddana, midda indheergaradka u muuqatay, dibna ka soo baxday waxay eheed, in ujeedka faragelintu ahaa, isku fidinta finka Afrikada bari, si looga helo fagaare ay sida ay rabaan ugu faagtaan.