Nidaamka Cusub ee Dunida: New World Order

‘RAJOCELINTII’ | Q-3AAD

Falanqeyn Ina Cubtaan

Q-2AAD - La is ku ma hayo, muranna ka ma taagna, in baahi xooggan ay dalka ka dhacday, haddana, sidoo kale, waxaa marag-ma-doonta ah, in ujeedka dambe ee faragelinta aysan ahayn rajo soo celin, sida loo siiyey halbeegga quruxda badan.

‘RAJOCELINTII’ | Q-3AAD

Marrasta iyo danyartu dareenkooda u nugul yihiin, inta deeqsiidana ay ku dareen jilcaan, haddana, dib iyo gadaal ka noqotay dhaqankii imberiyaalidda oo ka duulayey aragtidii: Nidaamka Cusub ee Dunida: New World Order, oo eheed aragti la rabay, in la hirgalsho dhammaashaha dagaalkii qaboobaa iyo burburkii darbigii Baarliin 1989 ka dib.

Aragtida la iibinayey xooggedu waxay eheed, sidii loo abuuri lahaa labo arrin; col cusub, oo dadka dareenkooda lagu jihooyo, tan kalana in loo arrimiyo ka talinta aayaha iyo sargoynta dunida maamulkeeda guud ahaan, ayna ugu weyn tahay, hababka ay u abuurmi karaan; gaashaanbuursiyada, dalladaha siyaasadeed iyo wadaagga dhaqaale ee samaysmaya, oo ay rabeen qoladii ku guulaysatay dagaalkii qaboobaa, in ay ku amar-ku-taagleeyaan hagidda hoggaanka dunida.

Inta dhib jirtay waxaa sii calwiyey, waxay eheed ciidnaka shisheeye ka la daadsanaanta ka muuqatey, is-barbaryaaca iyo jahawareer ahaa sidii ay ku la dejin lahaayeen ciidankooda, qalabkooda iyo weliba goobtii ay ka la degi lahaayeen, oo aysanba ka fogaan karin dekedda iyo garoonka, illeyn magaalada cabsi badan ayey ka qabeen.

Si walbee, ciidamadii shisheeye yimaade, koofurtii dalkana ayey isku fidiyeen, oo illaa Baladweyn, Hiiraan ayey gaareen dhanka galbeed, Jarmal ayaana jaandhigay, halka dhanka koofurta fogna ilaa Kismaayo, Jubbada Hoose ay salka dhigteen, Biljam ayaa bud-dhigtay, oo mar kale kuu muujin karta, sababta faragelinnidii dalka ka dhacday ay badi degaannadaa ugu koobnaayeen, marka laga reebo dhawr xabbo oo aan mar walba la saamayn ekeyn, walow, markan qiilin cad la is ku qancinayo.

Marka la joogo qodobka diidmada ciidamo shisheeye, Gen. Caydiid wuxuu han, hoggaan iyo hiraal u ahaa qof, qolo ama qabiil walba, oo diiddanaa ciidamadaa shisheeye ee dalka ku soo qulqulayey, kana sii darane, joogista cuddadaha ka la cidda, ciidda iyo curiska ahaa, dabcanna kala dareenka, dabciga iyo danta ahaa, kase wada siman; in qolo walbaa keligeed ay rabtay -welina rabto- in ay Soomaalida hankoolka ku qabato ama harowsato, si ay hayin u noqdaan oggol in la dulleeyo!

Marka Gen. Maxamed Faarax Caydiid, marna diyaar u ma ahayn, in uu Maraykan u yeelo sida ay rabeen, kuna shaqeeyo talooyinkooda iyo talloobiyinkooda, maxaa yeelay, qofku marka uu yaqaan cidda uu yahay iyo waxa uu leeyahay ayuu ogaan karaa waxa uu mudan yahay in lagu maamuuso, waana midda uu Gen. Caydiid ku la dhaqmay Maraykan iyo huwantii la socotay, haddiise -ayaandarro- ay tan lidkeed taagan tahay, waana dhibka hadda Soomaali dhan wada haystee, waxa dhacaya waa uun gunnimada hadda lagu wada nool yahay iyo gumaysiga la qaayibo.

“Qof gumaysi qaayibay

Gun in uu ahaanayo

U ma baahna garashee

Dantu waa geddeedee

Bal bulshooy guntiga xiro!”

Gen. Caydiid maadaama uu diidanaa faragelinta shisheeyaha gaar ahaan Mareykanka, oo xataa soo gelintaanka Qaramada Midoobey ee Muqdisho uusan raalli ka ahayn, iyaguna ku ma niyadsamayn aragtidiisa siyaasadeed iyo dhaqankiisa maarayn, maxaa yeelay, waxa ay rabeen caadeqaate iyo caalle u adeega kaboqaadna u noqda. Gen. Caydiid waxay dooddiisu ahayd mar walba, maadaama ujeedka ciidankan loo keenaa ay eheed, in ay gargaar ilaaliyaan, in wixii mucaawino ah ay iyaga ku filan yihiin qaybinteeda, oo aan loo baahnayn ciidan shisheeye tirada iyo tayada uu doono ha lahaadee.

Tiro badnida ciidanka waddanka joogay marka laga soo tago, siiba Muqdisho, waxaa ka darnaa; isjooxaarinta dhul iyo cirba lahayd, oo baabuur wada qafilan iyo diyaarado jooghoose ku duulaya oo ciidanku lugaha ka raaraacsadaan, guuxooduna dadka dhib ku hayey, heer ay dadku wixii ay awoodaan ku tuuraan; dhagax, kabo iyo mirif kale oo gacantooda soo geli karay. Wuxuu ahaa dhaqan lagu cabsigelinayey Soomaalida, ee ka ma ahayn daacadnimo ay ku sugayeen nabad iyo xasillooni, maxaa yeelay, bulsho marka aad dareenka ka disho ayaad dadnimadooda dili kartaa, markaa ayaadna dhan walba oo dhaqan iyo hoggaan ugu horreeyo ka dumin kartaan.

Dhab ahaantii wuxuu ahaa dhaqanxumooyinkii aanan weli maankeyga ka go’in, maxaa yeelay, waxay eheed dareen-ka-dil na geyn karay meelo aan kor ku soo xusay, oo hadda aan siyaabo kale oo socodku waayaha ka mid yihiin ay na gayeysiin, in aan duljoogno, in kuwaa kuwa ka tabaryar, kana liita ay maanta noo humbaalleeyaan, welibana isku kaanya atooreeyaan, anaguna aan u ka la dhuumanno.

Waxaan hubaa, in uusan ahayn dareen aan keligey qabo, balse, qof walba, oo markaa Muqdisho joogay, aanna rabin soo gelidda ciidan shisheeye inta aan joogis la gaarin, maxaa yeelay, arrinku ma ahan askar diyaarad lugo ka soo laad-laadsatay, oo diyaaradaha qaar ayaa sidaa u samaysan, si kalana aan loo raaci karin, haddana, marka ay guryaha saqafkooda, geedaha fiintooda iyo dabaqyada dhakadooda ay saacad walba kor heehaabaan, iyagoo mararka qaar quori ama farta dhexe kuu taagaya, i la ma ahan wax qof damiir nool lihi uu qaadan karo.

Dhaqammadan gurracan waxay ugu sii badnaayeen mararka ay jireen isku dhacyada iyo dagaallada fool-ka-foolka ah ama inta aysan dirirradaa dhicin ka hor, oo mar walbana ah dareen xumeyn iyo xumaan ah, oo digasho iyo dilid ah, had walbana sida loo qaayibo qiyaasteeda ama qaddarkeeda yeelata. Falalkaa in ahaayeen ficillo la faray waxaa caddeeyey askartii maxaabiis ahaanta loo qabtay.

Maraykan hadduu dalkii yimid, is la markiiba wuxuu billaabay ujeedkii gurracnaa ee u yimid, ahaana madax-ka-jebin iyo amar-ku-taaglayn, oo uu si gaar ah ku beegsanayo taageerayaasha SNA, oo ahaa garabka siyaasadeed iyo ciidan ee Gen. Caydiid, oo wuxuu hub ka dhigis iyo tikniko ka la wareegid ka sokow, ay ku la kacayeen ugaarsi iyaga keliya ku gaar ahaa, oo keenay welibana soo dedejiyey, in is ku dhac yimaad.

Fisha Qormada qaybaheeda kale iyo Keydmedia Online

Ina Cubtaan - KEYDMEDIA ONLINE




Falanqeyn 22 October 2020 16:26

Bogga RAJOCELINTII ee KON | Talyaanigu wuxuu ka mid ahaa dowladaha ciidanka u soo diray Soomaaliya kuwooda ugu xiriir dhawaa maamulladii dalka isaga dabamaray rayid iyo ciidanba, oo wuxuu ku helay dhawaanshahaa kadeedkii gumaysi iyo kaalintii uu ku ku yeeshay dowladnimada ka dib.