‘RAJOCELINTII’ | Q-4AAD

Sida aan xusay wixii ay rajocelinta ku sheegeen, oo dhab ahaan looga faa’iiday gargaarkii gees walba laga keenay, dadkeennuna ay aad ugu baahnaayeen, haddana, midda indheergaradka u muuqatay, dibna ka soo baxday waxay eheed, in ujeedka faragelintu ahaa, isku fidinta finka Afrikada bari, si looga helo fagaare ay sida ay rabaan ugu faagtaan.

Falanqeyn Keydmedia Online
‘RAJOCELINTII’ | Q-4AAD

Sida dabcan la wada ogyahay, saariddii rajiimka dib, waxaa madaxa is la galay dadkii oo dhan oo beelo u ka la baxay, sababta ugu weynna ka la lahaayeen rajiimka oo bulshada u abuuray xumo, uuna u sii dhammeeyey markii uu Cumar Cartan Qaalib yiri hadal nuxurkiisu ahaa: askari walba oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka ha ku biiro beeshishiisa!

Tani waxay dhalisay, in dalku uu galo jaantaa-rogan iyo fowdo, oo dhalisay fidno iyo fadqalallo lagu riiqmay, waana qodobka labaad, ee qolyaha riyada rajocelinta wadatay ay gabbaadka ka dhiganayeen, oo dhab ahaan eheed caqabad kale oo aan ka yarayn gaajada jirtay, maxaa yeelay, abaartaa kuwo kalaba ha ka dabamaraane, hana la la tacaalee, weli waxaan xal iyo xeer loo helin waa qoryihii qaybta badan dadka gacmaha u galay wixii ka dambeeyey dagaalkii 1977, ka dibna uuba CIRTOOGTE furmay.

Gargaarid, waxay dhashay gargaar waardiyeyn, oo ciidamo hubaysan dalkii lagu soo galay, gargaar waardiyeyntiina waxay sii dhashay nabad ilaalin, oo midda hore, gar iyo garasho eheed, walow, qof ama qolo walbaa aysan deeqda dan la’aan isaga kaa siineyn, oo badi waxbaa dabasocda dahsoon ama daalacan ah, haddana, labada kale, siiba tan u sii dambaysa, ujeedkeedu wuxuu ahaa; hubka qolo gaar ah ha laga qaado.

Anigu waxaan xusuustaa, welina iga hormuuqda, in xero ku taalla inta dhaxaysa Caymiska iyo Isgoyska Towfiiq ay ciidamada UNISOM ka la bexeen hub isugu jiray tikniko iyo qoryaha fudfud, oo ay lahaayeen ciidan raacsan Gen. Caydiid iyo is bahaysigiisii SNA.

Hub ka dhigista waxaa si la mid ah u socotay, suuqgeynta iyo faafinta aragtiyo u badnaa borobogaando iyo dacaayado qaarkood ay isugu muujinayeey, in ay Soomaalida saaxiibbo la yihiin, qaarka kalana ay ku baahinayeen aragtiyo lagu abbaarayo Ge. Caydiid iyo is bahaysigiisa ururkiisa SNA, si looga dhigo sharta iyo dhibta dalka ka jirta.

Tan waxay keentay, in maadaama Gen. Caydiid uu taageero badan lahaa, dadkuna aad u dhagasyan jireen raadiyaha codka shacabka (Raadiyow Muqdisho), in huwantu go’aan ku gaareen, in ay weeraraan xarunta raadiyaha, oo ah xarun dawladeed, ee aan ciidan ama malleeshiyo midna joogin, marka laga reebo waardiyaha ilaalada ka ah.

Sababta weerarka waxay eheed, in la aamusiyo codkaa ku hadlaya dareenka dadka magaalada, haddana, tebinaya aragtiyaha siyaasadeed iyo go’aannada is bahaysiga ururka SNA, ee uu hoggaamiyo Gen. Caydiid, taa oo dhab ahaantii eheed dagaalkii si rasmi ah fool-ka-fool la isaga horyimaad, billowna u ahaa, ka dib, wixii dagaallo dhacay, maadaama a hore u dheceen shaqaaqooyin ku ekaa askeri dil iyo taangi miino u dhigid.

Haddaba, wax walba waxay isbaddaleen 05 juun 1993, ka dib markii weerar ay hwuanto ku soo qaadeen raadiyaha codka shacabka, oo ay rabeen, in ay isaga dhan albaabbada isugu dhuftaan, si loo aamusiyo codka baahiyaha aragtiyaha looga soo horjeedo daandaansiga iyo doonitsta gurracan ee Maraykanka iyo inta ku garabsiinaya.

Duullaanka lagu soo qaaday xarunta raadiyaha Muqdisho; codka shacabka, waxaa weerarkaa ku dhintay 24 askar oo u dhashay dalka Baakistaan, halka 44 kalana lagu dhaawacy iyo dabcan Soomaali badan oo iyaguna dhimasho iyo dhaawac isugu jiray. Weerarka waxaa markii dambe si toos ah u soo galay ciidamo ka la ahaa; Talyaani iyo Faransiis, oo gacan ku siiyey, sidii ay ciidamada Baakistaan dib uga gurtaan goobta dagaalku ka dhacay.

Dhacdadan wixii ka dambeeyey wax walbaa faraha ayey ka bexeen, oo ewelba is-aaminaad aan jirin ayaa lagu wadajoogay, haddase, qolo walbaa wixii u qarsanaa ayey bannaanka keentay, siiba Maraykanka iyo huwantiisa, oo doonayey, in ay wiiqaan awoodda ciidan ee Gen. Caydiid. Wixii ka dib dhacay, qormooyinka xiga ayaan ku faaqidoonaa.

Fisha qormada qaybaheeda kale.

Ina Cubtan - KEYDMEDIA ONLINE




Falanqeyn 20 October 2020 9:00

Shantii juun 1993 weerarkii Raadiyow Muqdisho; codka shacabka, ee ay ku dhinteen 24 askri oo Baakistaan u dhashay, in kalana uu dhaawac ka soo gaaray, qaar kalana nolol lagu qabtay, ayaa waxaa sii deynta kuwa nolosha lagu qabtay waxaa gacan ka gaystay talyaaniga oo ka mid ahaa dalalka aan ku aragtida ahayn Maraykanka, kana biyodiidsanaa sida uu u maaraynayo hoggaanka ciidanka nabad ilaalinta e UNISOM2.