Dagaalkii Warshadda Baastada: 02.07.1993

‘RAJOCELINTII’ | Q-6AAD

Falanqeyn Ina Cubtaan

Bogga RAJOCELINTII ee KON | Talyaanigu wuxuu ka mid ahaa dowladaha ciidanka u soo diray Soomaaliya kuwooda ugu xiriir dhawaa maamulladii dalka isaga dabamaray rayid iyo ciidanba, oo wuxuu ku helay dhawaanshahaa kadeedkii gumaysi iyo kaalintii uu ku ku yeeshay dowladnimada ka dib.

‘RAJOCELINTII’ | Q-6AAD

Maalmisooyinka iyo foolxumooyinka ma hartada ah ee uu talyaaniga ka tagay waxay ka la yihiin; xasuuq, dil, barakicin, ka la qoqob iqk, ayna dheer tahay, boobka qayraadka dalka, ee berri, bad iyo beeraba, ayna qayb ka mid ah ka dhalatay, in uu Soomaalida ka siiyey cunidda cuntooyinka, geedaha iyo miraha qaarkood, boqolley ka dibna, weli aragtidii leexsaneedna ay Soomaalidu ka haysato.

Si la mid ah, wuxuu ka mid ahaa dawladihii galaangalka siyaasadeed sameeyey, ka hor burburka dawladdii dhexe, rajiimkana madaxtooyada iyo Muqdisho laga eryin, oo waa tii magaalada Roma xarun u noqotay qayb ka mid ah ururradii hubaysnaa ee dalka ka saaray rajiimka.

Dhanka ujeedka qoraalka qaybtan wuxuu yahay, in Talyaanigu uu ka mid ahaa ciidamadii dalka yimd ka sokow, haddana, wuxuu ahaa ciidanka ugu badan marka Maraykanka laga yimaad, oo muujinaysa, in ujeedka u dambeeya, e imtaanka labadaa awood isku mid yihiin, balse, midba meel ka duulayey, oo Maraykan wuxuu rabay is ballaarin iyo geeska Afrika deg, halka talyaanigu rabay, in aan loo dabamarin maxmiyaddiisii hore, ee uu isagu madaxbannanida siiyey.

Si walbee, ciidamada Talyaanigu waxay xeebta Muqdisho ka soo degeen 13 disembar 1992, oo saldhigga ugu weyn ka dhigtay Balcad, halka ay kontoroollo ku layaaheen meelo ay ka mid eheed danjirtadoodii hore, Ex kontorol Balcad iqk, oo badi ahaa is ku xiryo halbowle u ahaa waddooyinka Muqdisho.

Sidii ay bannaanka u timid aragtidii qarsooneed ee eheed; Gen. Caydiid nolol ama geeri mid ha lagu soo qabto, welibana madaxiisa la duldhigay qofkii xog ama xinjir ka keena, in la siindoono 25.000 dollar, waxaa is baddalay dhaqdhaqaaqyada ciidan ee magaalada, oo qolooyinkii ka la damaca ahaa ee magaalada ka la joogay qolo walbaa waxay u xusulduubtay, in ay iyadu noqoto qoloda qaadaynaysa ammaanta dilka Gen. Caydiid iyo guul ku geeraariddda ama gacan ku qabashadiisa iyo xiriddiisa.

Sida markii horaba kaboweyne iyo kooxdiisa loogu qalday; meeshan dhawr maalin idin ku qaadan mayso, in aad hal-hal u soo qabataan Gen. Caydiid iyo inta raacsan, ayaa mar kale la habaajiyey, markii lagu yiri; Gen. Caydiid in aad soo qabataan waxba idiin kaga ma baahna, maxaa yeelay, keligiis in gacan lagu dhigo u ma baahna gantaalo.

Weerarkii 06 juun ka dhacay Raadiyow Muqdisho ka dib, weerarradii xigay saddaxda ugu weyn sababtoodu waxay eheed; warar aan jirin iyo siro leexsan oo la siiyey ciidamada shisheeye oo dhammaan ku dhiirragelinayey, haddii ay meel hebel weeraraan, in ay dilidoonaan ama ka fiicane nolol ku helayaan si ay u xiraan Gen. Caydiid, balse, itabuba ma dhicin.

Sidoo kale, weerarkii 01 luulyo 93 ka dhacay agagaarka Baarka Walaalaha iyo Warshadda baasta, ee ay dhinaca ka ahaayeen ciidamada Negeriya oo qayb ka ahaa UNISOM2 ee sababay dhimashada qaar ka mid ah ciidankaa, gurmad uu isku dayey Maraykanku in uu ku gargaarana jidgooyo loodhigtay, ayaa gaadiid looga qaatay weerarka Nayjeeriyaanka.

Dagaalkan waan xusuustaa, oo waxaan galabtaa sii maray, anoo iskuul ka imid, iyadoo meesha dad badan ku xoogsan yihiin jiibab baroon saaran yahayna ee laamiga baar Walaalaha hadba dhinac u goynayso.

Dhanka kale, Maraykan keliya ma ahan dowladaha uu dagaalku dhexmaray ciidanka Gen. Caydiid iyo taagaarayaashisii SNA, ee waxaa dagaal la galay oo kale; Marooko, Zimbaabwi, Naygeeriya iyo Talyaaniga, oo tan hore aan sadarrada sare ku xusay, halka tan damabana aanba qaybtan keligeed ku faaqidayo.

Maadaama talyaanigu kontorool ku lahaa isgoyska Ex kontorrool Balcad, dhabarkiisa dambana ay ku taal warshadda baastada -talyaani maa baasto ka ag dheeraanaa!- ayaa weeberigii maalmisadu eheed 06 luulyo 1993 waxa ay weerar gaadmo ah ku qaadeen warshadda baastada, oo ujeedka ugu weyn ee ay ugu kalleheen eheed, in ay xog been ah ku heleen, in Gen. Caydiid ku sugan yahay, oo ka dhigan, in uu halkaa cawadaa baryey.

Midda kale ee weerarku weeberi dabasocday waxay eheed, in sidoo kale xogta qalloocan lagu siiyey, in warshadda Baastada ay yaallaan hubka cul-culus iyo tikniko badan, sidaana ay tahay, in tirsanaadaa lagala soo wareego gacanta ciidanka raacsan Gen. Caydiid, oo sida aan horaba u sheegay uu ku socday ugaarsi iyo hub-ka-dhigis gaar ah.

Talyaanigu weerarka warshadda baastada waxay ku yimaadeen 500 oo askari oo jaadad ka la duwan lahaa, markii baaris gun iyo guud ah ay sameeyeen ayey goobtii waxay ka waayeen qoryo fudud ma ahane wax kale, ka darane, raad Ge. Caydiidna arag, dabcan raqdiina ma helin, sida aysan u dareensan ruuxdii, illeyn hadday tan dambe awoodi kareen dhug la’aan dhimasho u ma soo bareereen.

Baaristu waxay socotay wax ku siman saacad, ka dib markii ay ku hanjabeen ayey dib-u-garasho iyo qulqul billaabeen iyagoo ka la aaday waqooye iyo koofur, oo ay markii ka ka la yimaadeen.

Ciidamadii qaarkood markii ay ka gurteen aagaggii ay ka la galeen ee ka agdhawaa warshadda baastada, ayaa mar qura waxaa is qabsaday isu soo bax aan cidna ballamin, qolana isugu yeerin, oo ay isu keentay diidmada iyo rabid la’aanta ay ka siman yihiin ee ku aadan ciidanka shisheyee, sidaana lagu hor-istaagayey ciidamada ruuqaansiga iyo dib-u-gurashada ku jira.

Qaylo, or, sacab, kab iyo dhagaxtuur ka dib, waxaa loo gudbay xabbado iyo rasaas nool in la isku adeegsado, sidaana ay ciidankii talyaanigu ku waayaan waddo ay ku baxaan iyo jid ay ku cararaan, illeyn saddaxda waddo ee isgoyska Ex kontorol Balcad kulmiyo ee midi jidka warshada tahay, tan kalana tan Balcad aadda tahay, halka tan kalana tahay tan aadda Sanca dhammaan waxaa wada xireen dadweynaha degmada.

Weerarka weeberi bannaanbixii xigay ee uu talyaanigu dagaalka u baddalay, waxaa uga dhintay 3 askari, waxaana uga dhaawacantay 22, halka Soomaalida Geerideeda lagu qiyaasay 180 ka badan, dhaawucuna 400 gaarayey, oo eheed, dhacdo dagaal ee talyaani galo middii ugu weyneed, uguna cusleed, maxaa yeelay, aroor dagaalkii billowday waxaa la is la gaaray galabnimadii.

Sidoo kale, dagaalkan, waxaan qatar ku galay, anoo iskoolley ah, ayaa waxaan fag ka soo iri; luuq yar oo aad u ciriiri badnaa, oo kugu ridiyey laamiga Ex kontorol Balcad, markaa ayaa waxaa qori nagu soo taagay askri kaare korsaarnaa, ee malaha noo mooday dad hubaysan amaba kas iyo maag caro ama santaag midkood ah noogu fiiqay qoriga.

Darbiga kaaruhu dabada ku la jiray, waxaa ku dhegganaa iskuul uu lahaa Bare sare C/raxmaan Macallin Axmad ‘Ablaal’ oo markaa dadka barijiray afka Ingiriiska, ka dibna u sii ballaariyey, in uu noqdo dugsi hoose dhexe iyo sare, heer uu markii dambana dalka jaamacad ka aasaaso la yiraa; Somali University (SU).

Intii uu dagaalkii Warshadda Baastada socday markiiba waxaa goobta soo gaaray saraakiil sarsare oo ka tirsanaa isbaheysiga Gen. Caydiid oo laga xusi karo Prof. Ciise Maxamad Siyaad iyo Istarliin Cabdi Caruush, taa oo keentay, in ciidamada Talyaaniga ay u fududaatay, in ay ka baxaan go’doonka ay galeen. Si guud 15 askari ayuu siyaabo kala duwan talyaanigu ugu dhimatay howgalkii raja soo celinta Soomaaliya.

Dagaalkan wixii ka dambeeyey, talyaanigu wuu baddalay hannaankiisii ciidan iyo habkiisii siyaasadeed ee ku aaddaneed joogistooda Soomaaliya, oo dhab ahaan bishii luulyo wixii ka dambeeya qayb ka qaadatay xallinta arrimo badan oo madax is la galay, xoog keliyana lagu xallin waayey.

Fisha qormada qaybaheeda kale.

Ina Cubtan - KEYDMEDIA ONLINE




Falanqeyn 26 November 2020 0:08

Bogga RAJOCELINTII ee KON | 03/10/1993 waxay eheed galab magaalo iskeed u qasneed, lana qasayey ay sii qasantay, ka dib, markii Maraykanku weerar uusan xitaa ogeysiin huwanta la socotay, is ka daa, in uu ka talogaliyee, uu ku soo qaaday guriga dagaalku ka billowday, wixii ka dambeeyana ay noqotay col iyo ciidan iska dhicin, habeenkaana uu ahaa cawo gudcur iyo guuro.