‘RAJOCELINTII’ | Q-7AAD

Falanqeyn Keydmedia Online

Bogga RAJOCELINTII ee KON | Weerarkii dhacay 06 Juun ee lagu beegsaday Raadiyow Muqdisho; codka Shacabka, ujeedkuna ahaa aamusinta codka Gen. Caydiid, ayna xigsatay, in qabashadiisu noqotay mid abaalgud la ballanqaaday, qofkii geeri ama nolol mid ay tahayba ka keena warbixin ku saabsan.

‘RAJOCELINTII’ | Q-7AAD

Markaa ayey Maraykanku duqeymo cirka ah oo aan kala joogsi lahayn ka gaysteen Muqdisho, taa oo ay xigtay in 02 luulyo ay talyaanigu weerar ku soo qaadeen Warshadda Baastada, oo xog qaldan ku soo duulay, oo eheed, in warshadda hub yaala, ka sokowna uuba Gen. Caydiid habeenkaa hoyday.

Raadinta Gen. Caydiid oo markii horaba ay ku howllanaayeen huwanta Maraykanku hormuudka u yahay, sidii ay bannaanka u timid, bayaankooduna noqday boqolkii badnaayey iyo ow bidaar ayaa lagu bixinaa, magaaladu ma helin xasillooni, oo waxay gashay marxalad kale, oo socod sooyaal ahaan aan dhihi karno, waxay ku sii siqaysay ka bixidda ciidanka shisheeye.

Wixii ay ku sheegeen; 'Rajo soo celin', balse, noqday; 'rajul raacdaysi!' Wuxuu geeyey, in qamaamkoodu uu meel walba la galay, xero ciidan, xero dowladeed, garaash, guryo, warshad iqk, oo aysan xitaa isbitaalladii dadka ay soo dhaawacaan lagu dawaynayey aysan ka nabadgelin, meelahaa oo dhammaan noqday goobo qatar u ah gantaal, gubid ama duqeyn, oo ah waxa dhacay luulyo tobankeeda hore wixii ka dambeeyey.

Damicii uu Maraykanku ku doonayey, in xeel iyo xoogba uu ku qabto Gen. Maxamad Faarax 'Caydiid' wuxuu sii cakiray isdiidkii isaga iyo Soomaali dhexyaallay, wuxuuna abuuray qilaaf sii murjiyey heerkii hore loogu sugnaa, oo aan markii horaba sal-adag lahayn.

Is faham waagii jiray, dirirtii xigtay, ogeysiinta soo qabashada Gen. Caydiid waxay dhalisay, in xaalad dagaal toos ah la galo, oo isbahaysigii SNA iyo huwantii Maraynkanku wadatay dhexmaray, maxaa yeelay, waagaa Gen. Caydiid wuxuu ahaa qofka koowaad ee dunida loogu raadis badan yahay, dabagal iyo doollarna lagu baadigoobayey.

Marka, 12 July 1993, ayaa ciidamada Maraykanku waxay duqeyn u geysteen guri dhabrka danbe uga yaalla xaruntii hoggaanka SNA(Somali National Alliance), ayna ku shirsanaayeen madax, siyaasiyiin, aqoonyahanno, saraakiil ciidan, odoyaal dhaqan, waxgarad iyo waxgal Soomaaliyeed oo ka tirsanaa hoggaankii USC/SNA, una badnaa Hawiye, gaar ahaan Habar Gidir. Waxaa dhici karta, in Maraykanku ay ka war hayeen, in shirka uu ka soo qeybgelidoono Gen. Caydiid, oo ay huwantu raadinayeen.

Sida aan hore u xusnay, wixii ka dambeeyey weerarkii 02 luulyo ee uu Talyaanigu ku qaaday Warshadda Baastada, waxaa is baddalay sidii uu qayb uga ahaa howlgalka UNUSIM, sidaa awgeed, xogaha qaar ayaa tilmaamaya, in Gen. Bruno Loi, oo ahaa taliyihii ciidanka Talyaaniga, uu Gen. Caydiid ku wargeliyey, in uusan tegin shirkaas, halkan Gen. Caydiidna uu dadkii faray, in la banneeyo goobta, laguna ka la tago shirka, hadana, daqiiqado ka dib waxaa billaabatay musiibadii loo bixiyey 'ISNIINTII DHIIGGA’; (BLOODY MONDAY).

Is la markiiba 2 diyaarad qummaati u kac ah iyo AC130, Black Hawk Down ayaa gantaalkii u horreyey la beegsadey Jaranjarada guriga laga fuulo, waxayna muddo 30 daqiiqa ahayd duqeyn cirka aheyd la dhacayeen guriga, iyagoo dhinacyadiisana ay is ku wareegiyeen, oo qofkii soo badbaada ee bannaanka yimaadana ay tooganayeen ciidkanka Copra, ayna sii dheereed shiishka askar kale, oo saarnaa heli kobtarro ay ku xirnaayeen qoryaha mishigaanka. Waxaa lagu shirbay:

"Afar saac isniin eheey

Indha beeshay Es En Ee 'SNA'”

Waxa loogu bixiyey isniinta dhiigga waxay tahay, in dhiigga qulqulkiisu uu sidii daad oo kale ahaa, oo dadkii u horreeyey, ee gurigaa galay, xinjir, xibno go'an iyo xabbado ma ahan wax kale indhahoodu qaban waayeen, maxaa yeelay, waxay eheed duqeyn lagu gaaday, gantaal fulaynimo iyo gumaad loo bareeray, ujeedkuna ahaa in dadkaa lagu gumaado!

Inta la hubo, 'ISNIINTII DHIIGGA’ waxaa ku dhintay 75 qofood, oo isugu jiray labeentii bulshada iyo luddii beelaha, oo sida aan soo xusnay ahaa indhihii dadka Soomaaliyeed, oo aan ka xusi karno: Maxamad Xasan Qooje (Gud. Maxkamadda Gobolka Banaadir aabbihiis) SH. Maxamed Iimaan, C/qaadir Xaashi Dholodholo, Dr. C/kariin Sh. Yusuf Direed (Gud. SSNM), Col. Abshir Kaahiye Faarax, Suldaan Faarax Xasan, Maxamad Xaashi Cilmi Digool, Aadan Cartan, wariye Maxamad Yuusuf Cabdi 'Afgooye', Daahir Salaad Qaareey (mulaxamiiste C/kariin Jiir walaalkiis) IQKB.

Cambaarayn xooggan iyo canaan ayaa caalamku ka muujiyey dhacdadii 12 luulyo, ee lagu laayey indheergaradkii Soomaaliyeed, haddana, Robert Oakley iyo admiral Jonathan Howe oo ahaa hoggaankii howlgalladii fashilmey, waxay sheegeen, in ay rumaysan yihiin inay dileen cadowgii Maraykanka ee Soomaaliya joogey.

Waxgaradkii bulshada Soomaaliyeed, ee duqeynta fulaynimo lagu dilay, ayaa maalintii xigtay xabaal wadareed loogu aasay xabaalaha C/rashiid ee Tiribuunka Muqdisha. Waa uur-ku-taallo ummadeed oo ilaa maanta halkaas qotonta, marnana aan maankeenna ka go'ayn, maskaxdeennuna aysan sina ku illoobayn.

Duqeynta Gen. Caydiid ka sokow, waxaa kale oo badbaaday dad ay ka mid yihiin; Cabdi Xasan Cawaale 'Qeybdiid', (Gud. guddiga 2 aqal ee Dastuurka), Nuur Taqsiin, Xasan Anteeno, oo saraakiil ciidan wada ahaa, sidoo kale, Prof Saalax Carab oo ka mid ahaa barayaashii Jaamcadda Ummadda. Dhanka kale, waxgaradka kale ee ka badbaaday qaarkood, barta kulanka waxay u heysteen guriga MW C/qaasim Salaad Xasan oo aan goobtaa ka fogeyn.

Gurigaa iyo gawaaridii wargaradku wadatayba waxay ku baabbe'een gantaalaha ay ridayeen diyaaradaha ay ka dhaceeyn hubkii ugu casrigaa xilligaa, oo ay ugu halis badneed Yuuraaniyoomka la qafiifay, oo dhimir iyo dhogorba waxyeellaynaya.

Dhanka kale, dadweyne caraysan ayaa dilay afar wariye oo Routers u shaqaynayey, una ka la dhashay Ingiriis iyo 3 Keenyaan ah, oo hotel Saxafina uga soo baxay, in ay tebiyaan dhacdada duqeynta lagu dilay duqeyda Soomaaliyeed.

Maalintaa wixii ka danbeeyey waxaa joogtoobay iska hor imaadyada iyo dagaallada lagula jiray huwanta, iyaguna ay duqeymo daa'imeen, ilaa laga gaarayo maalinta ka la baxa iyo kala gurunka ee dhalisay kala guurka maalimiseed oo mid la mid ah aan dunida dib uga dhicin.

Waayeelku waa weelka iyo keydka nolosha laamaheeda ka la duwan, siiba middeeda maan iyo maskax, xis iyo xusuus, oo dadka waaweyni ay ku hayaan laabtooda, iyaga oo ku daraya u jooggooda nololeed iyo waaya'aragnimadooda qofeed, oo isku noqon wixii waa fog jiray, oo lagu qabtay waxa maalmahan taagan.

Waxaan uga soconnaa, in bulsho dhibaato ku dhacda ay ugu weyn tahay, midda xusuusta soo jireen uga dhacda ama looga tuuro, taana anagu Soomaali ahaan burburkii iyo ka horba waxyeello ayuu nagu reebay, dhacdooyinkaa xanuunka badanna waxaa ka mid ah middan aan ka faalloonayno.

Marka qolada kaa laysa waayeelka iyo waxgalka waxay rabaan, in ay ku indhatiraan, si aadan u aqoon meesha aad tahay, meesha aad ku sugan tahay iyo meesha aad ku/u socoto.

Fisha qormada qaybaheeda kale.

Ina Cubtan - KEYDMEDIA ONLINE




Falanqeyn 26 November 2020 0:08

Bogga RAJOCELINTII ee KON | 03/10/1993 waxay eheed galab magaalo iskeed u qasneed, lana qasayey ay sii qasantay, ka dib, markii Maraykanku weerar uusan xitaa ogeysiin huwanta la socotay, is ka daa, in uu ka talogaliyee, uu ku soo qaaday guriga dagaalku ka billowday, wixii ka dambeeyana ay noqotay col iyo ciidan iska dhicin, habeenkaana uu ahaa cawo gudcur iyo guuro.