Keeniddii Raangeris 22 Ogosto 1993

‘RAJOCELINTII’ | Q-8AAD

Falanqeyn Ina Cubtaan

Bogga RAJOCELINTII ee KON | Ciidamadii saddaxda mar magaca loo ka la baddalay UNOSOM1, UNITAF iyo UNISOM 2, oo kuwa ugu badan uu lahaa maraykanka, sida aan soo xusnay, marka gargaar ku gabbashada laga soo tago, ujeedkiisu isballaarin iyo wuxuu ahaa geeska Afrika degaan ka samayso iyo dul kuu gaar ah, oo aad ku dekayso.

‘RAJOCELINTII’ | Q-8AAD

In kasta oo waxa aan hadda ka faalloonaynaa ay yihiin maalmisooyin (taariikh) tagay haddana, inta aan waagaa sidaa u garan, maalmaha ay dhacayaan dhacdooyinka aan falanqayntooda wadno xitaana haddii aysan u muuqan, wixii ka dambeeyey iyo haddadan ayey ogaan karaan, maxaa yeelay, inta weli u qaadan la’ dan qofeed, qabiil ama qalbiweynaan wax loo qaban karo ma lahan.

Guud ahaan dhacdooyinkaa ayaa caddayn u ah, haddana, waxaa si gaar ah marag u ah qaarkood, oo qiraalkeedu uusan u baahnayn qiilin qof ama qolo taageersaneed Gen. Caydiid iyo isbahaysigii SNA, maxaa yeelay, inta aan sokeeye la soo hadalqaadin, waxaa laga qiray qaarad walba.

Murti baa ah; ‘sahan qarsadaa, geeddi ma qarsado’ haddaba, Maraykan haddii uu markii hore qarsaday ujeedkiisa gurracan, oo gargaar iyo ku gabbaday gaajo dalka ka dillaacday, dhab ahaanna u baahneed, in wax laga qabto, haddana, markii dambe wuxuu ku qasbanaaday, in uu bannaanka keeno, maxaa yeelay, wixii loogu sheekeeyey, waxa meesha ka qabsaday iyo wixii uu hamminayey intuba is ma qaban.

Markii aan loo yeelin sidii uu rabay, hub ka dhigis hal dhinac ahan uu sameeyey, damaciisiina uusan hirgelin, weerarkii Raadiyow Muqdisho ka dib waa kii Maraykanku Gen. Caydiid in geeri ama nolol mid loogu soo qabto welibana abaalgud uu ku bixinayo ballanqaaday, ka dibna duqeymo fulaynimo uu meelo badan ka gaystay, markii ay intaa waxba u qaban waysay waa ta la yiraa; fulayow ulo badanee, Maraykanku wuxuu mar kale dalbaday, ciidan kuwii hore ka qatarsan kana tababbarsarreeya; oo ujeedku labo ka la ahaa; mar in lagu cabsigeliyo magacyadan hororska iyo gooddisku ka muuqdo, marka ka lana, ay gaysteen xasuuq iyo layn aan xeer dagaal iyo dhawr xaa aadane.

Cudud waa xubinta uga adag ee ay ku kaydsan tahay awoodda aadanaha, kuna taal garabka iyo xusulka inta u dhaxaysa, waana sababta loo muujiyey marka xoog ama itaal la rabo in bannaanka la keeno, si loo caddeeyey tabarta qof, qolo, qabiil ama qawmiyad ay leedahay ama loo cabsigeliyo intan wax ka mid ah. Halka ciidan yahay siin garab iyo gacan wax, qof, qolo, qabiil ama qowmiyad dan ama duruufi hayso, waana waxa iyo sida awoodda dawladeed loogu yeeray, maxaa yeelay, waxaa lagu ilaalshaa looguna adeegaa danta dalka iyo dadka.

Ciidankan cusub ee Maraykanku dalka keenay waxay u baxsheen RANGERS, oo in ay sida kuwa kale agab sare iyo aalado casri ah ku qalabaysanaayeen, haddana, kuwan waxaa u dheeraa, in ay ahaayeen kuwo loogu talogalay hawlgallada aan caadiga ahayn in ay la tacaalaan, oo ka dhigaysa qatartoodu in ay ka sarrayso kuwii hore u joogay dalka, iyagoo markan ujeedka ugu weyn yahay, aarsi iyo urugeyn, si kale u dhehe; edbinta beelo santaag iyo kala horyimid amardiiddo, ka daran welibee heegan u ah, in yasidda ka sokow, ay dagaal iyo dirir laga galaan.

Quwadda ciidan ee Maraykanku qeexid u ma baahna, oo waxay hormuud u eheed gaahsaanbuurtii kaga adkaatay dagaalkii qaboobaa Midowgii Soofiyeeti, balse, waxaan rabaa, in aan xuso awoodda RANGERS, in ay keliya ka iman erayga, ee ay eheed in ciidanka magacaa lahaa uu ka koobnaa shan qaybood, ee ugu itaalka roon ciidanka Maraykanka. Hoggaanka ciidankaa wuxuu Admural Howe u dhiibay jeneral Thomas Montgomery iyo janeraal William Garrison.

Diyaarad hoosjoogta ku duulid, guux ku dhibid dad, lugo ka laalaadsi, kabo waaweyn sidasho, waraaqo daadin, haddana, daadin, oo daadin, gooddis ku qorid, dareen dilid is ku dayid, muujin ka sarrayn, qab quursi soo bandhigid, Raanjaris ku faanid iyo waxyaabo kale, oo mar xeelad degaal ay uga jeedeen, marna xuuxin ka wadeen, mar kale xaarnaan iyo xigmad yari ay ka eheed ayey hawl ka dhigateen, si gaar ah, ka gadaal, markii Maraynkanku ay qayb toos ah ka noqdeen is dooddooyinkii ka jiray magaalada Muqdisho, oo weliba uu isu soo qaawiyey quwad ahaan. 

Hubaal, in ujeedku ahaa, dadkan arradan, dacaska illan, macawista gashan, calallada xiran, fatashaariga sita, baatiga huwan, huudheyda loo keeno, gargaar shisheeye quuta, ee saboolka ah, ka sokow, silacsan, weliba dagaal sokeeye ku jira, isu sawira, in aad samada ka haystaan si ay u suuxaan ama u salalaan.

Sida ay suuraysteen, si sal iyo baar ka duwan ayey surin walba ku/ka la kulmeen; dad adag, weliba ad-adag, dareen jabal ka adag leh, damiir nool, dadnimo sarraysa, doonis fog -habo falliirantee!-, diidmo qayaxan, is ku duubni dar iyo doc walba ah, oo mintidnimo ku meermariyey wax aan xitaa la malayn lahayn; JEBIN MARAYNKAN!

Maraynkan markaa ayuu ka soo baxay dagaalkii qaboobaa, oo aan qaybta siyaasadeed iyo degaan ka ahayn, oo uu guul weyn ka soo hooyey, asuu santaag iyo is la weynan la socon la’aa. Sacabbooleey sabar xiran is ka daaye, wuxuu is lahaa dawlad kale, oo kuu babacdhigi karta ma lahan, mar haddii aad ka soo raysay, ood soo ka la dhantaashay awooddii iyo itaalkii Midowgii Soofiyeeti. Wuxuu is lahaa, oo abbaar iyo halhays u eheed: “Maraykan Soofiyeeti dumiyey, Soomaali maas u daahaa!” Doqonta iyo fulaydu waxay ku leheed: nabee, mayee, Allow na mooti.

Dagaalkii 03/10/1993 waxa ka qabsaday, qasaaraha soo gaaray iyo quuriwaaga uu weli nagu wado qaybaha kale ee qoraalka ayaan ku qaabindoonaa.

Fisha qormada qaybaheeda kale.

Ina Cubtan - KEYDMEDIA ONLINE

  • user pic

    Barre Shukri Elmi

    • 8 November 2020

    Haddaad Isla weeyntahay Guushu waa gacmahaada.

    Soomalidii waagaas iska dhicisay Mareeykan oo Tabartiisa tustay waxay ahaayeen dad Isla weeyn.




Falanqeyn 1 December 2020 9:23

Ugu horreyn, waxaan ka afeefanaya in aan qoraalkaan loo fasiran inaan taagerayo colaad Soomaaliyeed, waxaana ilaahey ka baryaya in Soomaaliya uu ka dhigo dal nabad iyo barwaaqo ah. Haseyeeshe lix (6) arrimood ayaa abuuray xaalad aan laga bixi karin dagaal la’aan.