‘RAJOCELINTII’ | Q-9AAD

Falanqeyn Ina Cubtaan

Bogga RAJOCELINTII ee KON | Qormada oo dheeraatay, ilaa haddana aan daabacay 8 qayb ka dib, hadda ayaan idin duljoojinayaa ujeedka qoraalka, oo inta hore, arar iyo hordhac ka bixin kasmo guud ka dib, waxaa laga ma maarmaan noqotay ifinta laabyadii ay ka wareegeen dhacdooyinkii keenay dagaalkii 03/10/1993, waana sababta ugu weyn ee keentay in qoraalku dheeraado.

‘RAJOCELINTII’ | Q-9AAD

Haddii aan dulxaadintaa, isku xirka dhacdooyinka iyo dabagalka ujeedkooyinka kala jeeday ee shisheeyuhu lahaayeen aanan sidaa loo qeexin, qoraalku si walba oo uu nuxur u leeyahay, ma dabooli karo dhacdadaa qarada weyn, ee abuurtay kala wareeg dhab ah, oo ku dhacay siyaasadda ciidan ee Maraynka.

Daandaasingii hore, dulmigii la falayey, doonistii gurracneed iyo damaacigii xad-dhaafka ahaa wuxuu dhalay, in dirir, dagaal iyo diidmada qayaxan lagala hortagay, oo dhab ahaantii eheed garasho, geesinnimo, go’aan iyo guddoon mudnaantiisa lahaa, illeyn, inta hor-istaagtay in ay yaraayeen ka sokow, ma haysan awood iyo itaal u dhigantey ama u dhaweed midda ay la dirireen.

UNISOM, sida la sheegay, dalka waxay u timid, barnaamij loo baxshay; RAJO SOO CELIN, oo gurmad iyo gargaar ku summadnaa, balse, markii dambe, reero celin iyo rag cayrsi isu badalay. Hubaal, in deeq badan iyo la helay cunto dalka dhan wadagaartay, oo lagu samatabixiyey dad badan, oo ku waxyeelloobay abaar adag, oo dalka ku dhufatay, ka dib buburkii dawladdii dhexe, oo dhimasho, macalluul iyo barakac xooggan dhalisay.

Isdooddooyinkii iyo diririhii dalka ka jiray, gaar ahaan Muqdisho, waxaa si toos ah ugu lug yeeshay qaar ka mid ah dawladihii waaweynaa, ee qaybta ka ahaa hawlgalkii UNISOM, sida Maraykanka, Talyaaiga IQK.

03 oktoobar 1993 waxaa dagaal ku dhexmaray magaalada Muqdisho ciidamadii Mareykanka, oo qayb ka ahaa, uguna tun weynaa ciidankii UNISOM iyo taageerayaashii ururkii isbahaysiga SNA, ee Gen. Maxamad Faarax Caydiid uu hoggaaminayey.

Dagaalka waxaa ka horreeey, qashqashaadyo iyo shaqaaqooyin dhawr ah, oo dhexmaray is la taageerayaasha SNA iyo ciidamo kale, oo ka tirsanaa UNISOM, sida Pakistan, Burundi, Marooko, Malaawi IQKB.

Ka hor, waxaa dhacay weerarkii 05 june ee lagu diray askarta Baakistaan, waxaana xigay 02 luulyo kii warshadda Baastada talyaanigu ku qaaday, ayna ka dabamaray duqeyntii lagu laayey waxgaradkii Soomaalida 12 luulyo, oo Maraykanku waxay duqeyn ay u gaysteen kuna dileen, toddobaatan qof ka badan, oo isugu jiray waxgarad, aqoonyahanno, saraakiil ciidan, madax dhaqan iyo qaybo kale oo bulshood.

Duqeynta waxaa gaysatay diyaaraddii AC130 oo eheed, diyaaradihii ugu casrisanaa xilligaa, oo sida la sheego, markii u horraysay ee dagaal loo deegsado, lagu tijibaabiyey Soomaaliya.

Duqeymaha, dirirta iyo dilka waxaa u sabab ah, in Maraykanku damacsanaa, in uu soo qabto Gen. Maxamad Faarax Caydiid, oo ay u arkeen ama loo tusay, in uu caqabad ku yahay hannaanka socda, oo ahaa daahfurka nidaamka cusub ee uu rabay, in uu dunida ku hago. Haddaba, sidee wax u dheceen saddaxdii oktoobar?.

Fisha qormada qaybaheeda kale.

Ina Cubtan - KEYDMEDIA ONLINE




Falanqeyn 1 December 2020 9:23

Ugu horreyn, waxaan ka afeefanaya in aan qoraalkaan loo fasiran inaan taagerayo colaad Soomaaliyeed, waxaana ilaahey ka baryaya in Soomaaliya uu ka dhigo dal nabad iyo barwaaqo ah. Haseyeeshe lix (6) arrimood ayaa abuuray xaalad aan laga bixi karin dagaal la’aan.