Rooble wuxuu sii hurinayaa qalalaasaha Siyaasaddeed 

Falanqeyn Keydmedia Online

Ujeedada Safarka Ra'isul Wasaare Maxamed Xussein Rooble ku tagay DG Puntland waa hurinta qalalaasaha siyaasadda Soomaaliya ka holcaya, wuxuuna Ra'isul Wasaaraha ku fashilmay in uu hirgaliyo labo arrimood oo laga sugayay Xukuumaddiisa, waa fallanqeynta booqashada Rooble ee Garoowe ee Dr. Maxamud M Culusow.

Rooble wuxuu sii hurinayaa qalalaasaha Siyaasaddeed 

Labada arrimood ee laga sugayay Xukuumadda RW Maxamed X Rooble oo heshay kalsoonida Golaha Shacbiga ee BF 24 Oktoobar 2020 waxay kala ahaayeen:

1. Ilaalinta habsami u socodsiinta hawl-maalmeedka dowladda federaalka. Ma jirin shaqo cusub ee laga rabay in Xukuumadda ku dhaqaaqdo waayo muddo xileedka dowladda waxaa ka dhimmanaa 3 bilood, waxaana la sugayay qabashada doorashada Barlamaanka Federaalka 33 maalmood gudahooda (27 Nofember), madaama muddo xileedka BF ku eg tahay 26 Disember 2020.

2. Dardargelinta qabashada doorashada dadban oo lagu heshiiyay 27 Setember 2020 ayadoo la raacayo heshiiska la isku raacay. Farqi weyn ayaa u dhexeeya heshiiska siyaasadeed iyo mabaadi’da guud ee doorashada dadban iyo hirgelinta heshiiska iyo mabaadi’dada doorasho dimoqradi ah. Waa in la hubiyo is waafaqsanaanta waxa heshiiska ku qoran ama aan ku qorneyn, haseyeeshe asaaska u ah doorasho loo siman yahay iyo ficillada dhabta ah ee lagu hirgelinayo ( agreed principles and implementation actions).

RW Rooble wuxuu 1da Oktoobar 2020 soo saaray qoraal lagu faahfaahinayo habraaca hirgelinta heshiiska doorashada dadban. Wuxuu soo magacaabay Guddiga doorashada heerka federaalka, guddiga xallinta khilaafaadka doorashada, guddiga doorashada Xildhibannada Somaliland, iyo Guddiga doorashada Xildhibannada Gobolka Benadir.

Magacaabidda guddiyadaas waxaa ka soo baxay dhalliilo badan ( shaqaalenimo, ciidan, taagerayaal, xigaalo, saaxibnimo, sumcad la’aan, aqoon yari, Madaxbannaani la’aan), waxaana loo baahnaa in RW Rooble degdeg wax uga qabto madaama uu asagu soo magacaabay. Dhalliilaha guddiyada doorashada ka sokow, waxaa jira labo arrimood oo muhiim u ahaa qabashada doorasho lagu kalsoonaan karo kuwaaso kala ahaa: Maamulka Gobolka Gedo oo la hoos geeyo DG Jubbaland oo uu ka mid yahay iyo xil ka qaadista Taliyaha Nabadsugidda Fahad Yaasin oo lagu soo eedeyay inuu la wareegay maamulka doorashada taaso ah dambi dastuurka iyo sharciga Ciidammada dhigayo. Labadaas caqabadood waxaa ku soo kordhay qalalaasaha ka taagan DG Hirshabelle.

Gudaha iyo Dibeddaba waxaa laga dheregsan yahay fadeexadda, sumcad xumada, mas’uuliyad darrada ka dhacday shirkii Madasha Taagerada Soomaaliya ( Somalia partnership Forum) oo lagu qabtay Muqdisho 7 Disember 2020, kaddib Madaxweynaha JFS loo diiday ka qaybgalka shirka, isla markaana bannaanka la soo dhigay khilaafaadka curyaamiyay wax qabadkii dowladda federaalka muddo 3 sano ah, iyo arrimaha caqabadda ku ah qabashada doorasho xor iyo xalaal oo waqtigeeda dhammaad yahay.

Madaxweyne Farmajo oo tixgelinaya inuu yahay soomali waddani ah, damiir leh, xilkas ah, jecel dadkiisa iyo dalkiisa, dhegeystay ama daawaday wixii ka dhacay shirkii Madasha Taagerada Soomaaliya wuxuu 8 Disember 2020 Ummadda Soomaaliyeed u sheegi lahaa inuu iska casilay Xilka Madaxweynaha, kana codsan lahaa shacabka Soomaaliyeed inay aayahooda ka tashadaan. Nasiib darro ma dhicin.

RW Maxamed Rooble wuxuu goostay inuu tago Puntland asagoo dhegeystay, waxna qaban eedihii DF loo jeediyay lagana sheegay fagaaraha Madasha shirka beesha caalamka oo soomali oo dhan markhaati ka aheyd, eedahaaso horey u soo jeediyeen Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BF, Midowga Musharrixiinta Xilka Madaxweynaha, Bulshada Ra’yidka, iyo kooxo ka tirsan qaybaha bulshada Soomaaliyeed. Eedaha waxay ka dhasheen magacaabista guddiyada uu RW Rooble mas’uulka ka ahaa. Sidaa darted, safarka RW Rooble ku tagay wuxuu yahay waqti lumis, gardarro, iyo hurinta qalalaasaha siyaasadda Soomaaliya ka holceysa.

Kulanka dhexmaray RW Rooble iyo Islam Ciise iyo Garaad Saleeban oo la rabay inuu ahaado mid gaar ah (private), waxaa goob joog ka ahaa xubno aan dowladda ka tirsaneyn iyo kuwo aan loo baahneyn inay goobjoog ka noqdaan. Ujeedada RW Rooble ka lahaa kulaankaas warbaahinta loo furay waxay u eg tahay mid laga lahaa dan siyaasadeed.

Marka loo dhabbo-galo Xubnaha Wafdiga RW, dad badan waxay u fasireen in Madaxweyne Farmajo iyo Fahad Yaasin ilaalinayaan RW Rooble oo ay adag tahay inuu ka soo baxo xilka Ra’iisul Wasaaraha laga rabo oo ah inuusan noqon dhaan-raac.

Wax ka qabashada qaladaadka, dhalliilaha, iyo shakiga ka taagan qabashada doorashada waa mas’uuliyad laga rabo RW Rooble sida ku cad dastuurka kmg. Nasiib darro, afartii sano ee Madaxweyne Farmajo xilka hayay, waxaa lagu tuntay dastuurka kmg, kala lahaanshaha mas’uuliyadda iyo awoodaha hay’adaha dastuuriga, waxaana awoodii dowladda maroorsaday Madaxweynaha iyo Taliyaha Nabadsugidda Fahad Yaasin, taaso keentay in RW Rooble qabo, kuna qanacsan yahay inuu yahay adeegaha Madaxweynaha.

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BF, Midowga Musharrixiinta Xilka Madaxweynaha, DG Puntland iyo Jubbaland, Bulshada Ra’yidka, aqlabiyadda waxgaradka Soomaaliyeed waxay isku raaceen in loo baahan yahay in Madaxweyne Farmajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble wax ka qabtaan arrimaha hoos ku qoran:

1. Inay aqoonsadaan in talada iyo turxaanbixinta hirgelinta doorashada ay ka dhexeyso Xubnaha Golaha Wadatashiga Qaranka (National Consultative Council) oo ka kooban Madaxweynaha JFS, Guddoomiyaha Aqalka Sare, Guddoomiyaha Golaha Shacbiga, Ra’iisul Wasaaraha, Madaxweynayaasha DG.

2. Inay aqoonsadaan in guddiga doorashada heer federaal, guddiga xallinta khilaafaadka, guddiga doorashada xildhibannada somaliland, guddiga doorashada Xildhibannada gobolka Benadir xaaran yihiin, khilaafsan yihiin dastuurka kmg, habraaca hirgelinta heshiiska doorashada dadban, mabaadi’da doorasho xor iyo xalaal ah, ayna lagama maarmaan tahay in la beddelo, lana dhiso guddiyo cusub oo heshiis lagu yahay. Shuruudaha xubinnimada waxaa ka mid ah dhexdhexaadnimo, hufnaan, sumcad wanaagsan bulshada dhexdeeda, daahfurnaan, aqoon, xilkasnimo, waayo aragnimo, madaxbannani oo uusan ka tirsaneyn ciidammada, shaqaalaha dowladda, xigto aheyn ama taagere baraha bulshada (CBB).

3. Inay qalalaasaha Hirshabelle si degdeg ahna wax uga qabtaan si looga hortago dagaal sokeeye

4. In maamulka Gobolka Gedo loo daayo DG Jubbaland

5. Inay xaqiijiyaan ka qayb galka Mucaaradka hirgelinta doorashada iyo talada siyaasadda dalka.

6. Inay aqoonsadaan in muddo xileedka Barlamaanka Federaalka dhaammad yahay, dalkana ka jirin dowlad haysata sharciyadda dastuurka dhigayo oo ka imaaneysa shacabka Soomaaliyeed marka uu doorto Xildhibannada Barlamaanka Federaalka ee matalaya. Xilka Madaxweynaha waa inuu saamileyda siyaasadda kala tashado geedisocodka siyaasadda dalka, isla markaana hubiyo in maamulka dowladda waafaqsan yahay dastuurka, sharciga, iyo nidaamka xilgaarsiinta. Waa inay joogsadaan dhammaan shaqada dowladda aan ka aheyn howlmaalmeedka caadiga. Waxaa muhiim ah ilaalinta hantida qaranka ayadoo wixii dhaca lagula xisaabtamayo mas’uuliinta qaabilsan.

Barlamaanka Federaalka ma ansixin karo sharci cusub madaama ay u harsan tahay 14 maalmood. BF isma siin karo muddo xikeed ka badan 4 sano. Barlamaan aan shaqeyn 3 sano, ilaa maantana muran ka taagan yahay sharciyadda dhammaan sharciyadii uu ansixiyay oo intooda badan aan la marsiin Aqalka Sare, kuma marmarsiyoon karo maqnaanshaha Barlamaanka. Maamulka dowladda (public administration) ayaa jira. Saraakiisha maamulka dowladda ayaa shaqada wadeysa. Waa sharcidarro, booli, xaaraan in Xildhibannada BF qaataan mushaar marka u dhammaado muddo xileedkooda. Mushaarka waxaa laga bixinaya xoolaha dadweynaha.

Dr. Maxamud M Culusow




Falanqeyn 3 April 2021 11:55

Waa su’aal culus oo sugaysa saman cusub iyo maskax caafimaad qabta. Waa arrin sugaysa aqoonyahan aan Qabiil maankiisa doorin iyo Siyaasi xalaal ah. Waa door sugaya in dumarku garqaade ka noqdaan badbaadinta ummadda Somaaliyeed.