Sida Khudbadii Farmaajo ay tartanka uga reebtay

Analysis Mohamud M Uluso

Musharrax Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmajo khudbadiisa waxey aheyd mid ka reebeysa (disqualifying speech) tartanka xilka Madaxweyna, waa Qormadda todobaadka ee Dr. Maxamud M. Culusow.

Sida Khudbadii Farmaajo ay tartanka uga reebtay

Maalintii Khamiista oo taarikhdu aheyd 12 Maajo 2022 Musharrax Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmajo ahna Madaxweynaha xilka hayay laga soo bilaabo 8, 2017, wuxuu Xildhibannada Barlamaanka Federaalka 11 u jeediyay khudbad uu ku codsanayo in mar labaad loo doorto Xilkaas. Khudbaddu waxay aheyd mid ka reebeysa (Disqualifying speech) Musharrax farmajo tartanka doorashada sababaha soo socda.

Farmajo wuxuu caddeeyay inuusan ogeyn ama garan ujeedada, xikmadda ka dambeysa doorashada dhacaysa 15 Maajo 2022 taaso ah qiimeynta xilgudashada dowladda xukunka haysay muddada u dhexeysa 2017-2022. Doorashada waa afti ku saabsa horumarka iyo dib u dhaca ka dhacay soomaaliya shanta sano iyo barka la soo dhaafay.

Farmajo wuxuu iloobay in la doortay 8 Febraayo 2017, inay labo Ra’iisul Wasaare iyo labo Guddoomiye Barlamaan is qabteen oo gacan ka hadal dhexmaray, in laga keenay mooshin xil ka qaadis ah, inuu dhacay kacdoon hubeysan ee lagu diiday muddo kororsigiisa sharcidarrada ahaa. Wuxuu muddo 7 daqiiqo ah ka sheekeeyay isqabadka Madaxda dowladda uu hogaaminayay iyo dhibaatooyinka dhacay walow uu isku dayayay inuu ka dhigo dhacdooyin imaan doona haddii aan asaga la dooran. Waxaan rajeynaya in Farmajo aaminsaneyn in Soomaalidu tahay maangaab.

Farmajo wuxuu iloobay inuu diiday “ qabyo ninkeeda dhammeystira” oo Madaxweyne Xassan Sheikh codsaday 2017. Farmajo wixii shalay uu xaaranta ka dhigay ayuu rabaa inuu maanta asaga xalaal ka dhigto. Madaxweyne waa inuu ahaada run sheeg iyo garsoore fiican. Farmajo waa ku ceeboobay inuu xalaaleysto xaaraantii uu shalay diiday.

Waa faham xumo in Farmajo “xasilloonida siyaasadda” u yaqaan wada jooga madaxweyne iyo Ra’iisul Wasaare ka amar qaata iyo barlamaan shaabad u ah sidii in dowladnimada tahay nin iyo naag is qaba. Dowladda waa awoodo is ilaalinaya, isla xisaabtamaya hab waafaqsan sharciga.

Shan sano iyo bar farmajo ma garan xilka Madaxweynaha iyo inuusan awood u laheyn inuu mushaar bixiyo am kordhiyo, shaqadaas waxay ka dhexeysa Barlamaanka Federaalka iyo Golaha Wasiirrada. Kaalintiisa waa saxiixidda dekretada Barlamaanka Federaalka keli ah.

Waxaa habboneyd in Farmajo dhegeysto khudbadda Musharrax Madaxweyne professor Cabdi Kusow Maxamed iyo Ra’iisul Wasaarihiisii hore Xassan Cali Kheyre inta uusan tegin fagaaraha.

Khudbadda laga sugayay Farmajo waxay aheyd mid soo koobeysa horumarka dalka uu gaaray 5 iyo 1/2 sano ee uu Madaxweynaha ahaa iyo dhammeystirka guulaha socda, taaso ka difaaci laheyd dib u dhaca iyo guuldarooyinka iyo xaaladda murugada leh ee 38 Musharrax ku qiimeeyeen hogaamintiisa.

Tartanka doorashada xilka Madaxweynaha waxaa ka qayb galay 39 Musharrax oo bixiyay min $ 40,000.00. Marka laga reebo Farmajo, 38 Musharrax kale ee uu ku jiro Ra’iisul Wasaarahii hore Xassan Cali Kheyre oo la soo shaqeeyay Farmajo 3 sano iyo bar, waxay Xildhibannada Barlamaanka Federaalka 11 u sheegeen in xaaladda dalka ay mareyso meel aad u liidata oo halis ah, ay ka dhaceen tacadiyo dhinac walba ah xagga wadajirka iyo midnimada Ummadda, nabadgelyo xumo, siyaasad xumo oo ay ku jirto musuqmaasuqa doorashada, dhaqaale xumo, arrimaha bulshada gaar ahaan cadaaladda, iyo khilaafaadka xiriirka Caalamiga ah.

Farmajo iskama difaacin fashilka aan la soo koobi karin ee hogaamintiisa lagu eedeeyay oo shacabka Soomaaliyeed iyo adduunka oo dhan dhegeysanayeen 2 maalmood. Sidaa darted, haddii farmajo ku dambeeyo damiir, khiyaarka (choice) u furan waxay tahay inuu ka tanaasulo ka qayb galka doorashada inta aan la gaarin 15 Maajo 2022, maalinta codka la qaadayo, waayo ma muuqato sabab lagu dooran karo. Caqliga saliimka ah ayaa

diidaya in la aqbalayo doorashada Farmajo oo fashilka hogaamintiisa 5 sano iyo dheeraad ah fagaaraha adduunka lagu soo bandhigay.

Khudbaddu waxay sawir ka bixineysa sida aan caadiga aheyn ah ee ka baxsan dhaqanka dowladnimada iyo waayo aragnimada ee Farmajo u fekerayo ama ula hadlayo shacabka Soomaaliyeed. Ugu horreyn, kama muuqdo dareen uu ku dareemayo dhibaatooyinka dadka iyo dalka Soomaaliyeed haysta. Wuxuu ku doodaya in shacabka Soomaaliyeed jecel yihiin oo taagersan yihiin doorashadiisa, taaso ah dhalanteed ay adag tahay in maskaxdiisa ka baxdo.

Hadallada ku jira khudbadda Farmajo ee lagu maadeysan doono muddo dheer waxaa ka mid ah:

  • Isbeddel fadhiid ah iyo isbeddel socda kuwaasoo xambaarsan fikrado iyo macno aan is raaci karin;
  • Waxbaridda 65 ardo iyo la wareegidda 25 dugsi;
  • Ilaahey mahadiis doorashada muddada dheer la sugayay ee la soo gaaray, taaso ah qirasho fashil dhan walba ah;
  • Waxaan idin ka codsanaya inaad codkiina i siisan si aan idiin hogaamiyo 5 sano kale madaama aan shan sano madaxweyne ahaa, halka xilka Madaxweynaha yahay 4 sano keli ah;
  • Waxaan siinaya ama kordhinaya mushaarka iyo daryeelka Barlamaanka, Ciidammada, iyo shaqaalaha, hadalkaasoo ah gef weyn labo sababood:
  1. Musharrax uma ballan qaadi karo dhaqaale qofka codka siinaya, taaso waa laalush;
  2. Madaxweynaha awood uma lahan inuu mushaar u kordhiyo Xildhibannada, Ciidammada, iyo shaqaalaha dowladda, waayo Barlamaanka iyo Golaha Wasiirrada ayaa dastuur ahaan awood u leh cidda wax loo kordhinayo oo uu ku jiro Madaxweynaha. Barlamaanka oo raacaya nidaam rasmi ah oo sharci ahaan u degsan ayaa mushaarka kororsan kara. Hadalka Farmaajo waa xadgudub dastuurka iyo nidaamka dowladda;
  3. Waxaan Shabab ka xoreynay Sabid, caanolee, janaale, iyo awdhegle; ilaa maanta dadka deggan deegannadaas waxaa canshuurta ka qaada Shabab, kana soo carareen.
  4. Waxaan dib u heshiidin u sameynay reer Galkacyo, Cabuudwaaq, iyo Marka;
  5. IMF, WB, iyo AfDB waxay nala kala shaqeeyeen deyn cafinta (debt relief), shaqadaas dowladaha deymaha bixiyay ( G7 iyo G20) ayaa u xilsaareen IMF,WB, AfDB barnaamijka deyn cafinta 36 dal oo sabool ah; dowladda federaalka waxay fulin la’dahay shaqadii loo diray si barnaamijka deyn cafinta meelmar u noqdo 2026.
  6. AMISOM waxaan ku beddelnay ATMIS oo isku ujeedo iyo isku ciidan ah; wax isbeddel ah ma dhicin. Magac beddel keli ah ayaa dhacay.
  7. Soomaaliya waxay ku jirtaa Cudubka(Chapter) 7 ee Axdiga Qarammada Midoobay, isla markaana soomaaliya waxaa saaran cunaqabateyn hubka ah. Madaxweyne og in dalkiisa horyaalin caqabadahaas uma dhaqmi laheeyeen sida farmajo u dhaqmay;
  8. Waxaan diidnay faragelinta shisheeyaha si aanan ula heshiin Somaliland;
  9. Waxaan dadka Soomaaliyeed barnay wadannimo iyo shisheeye diid, neceyb;
  10. Danta shacabka Soomaaliyeed waxay ku jirta in aniga aan xukunka joogo si dalka horumar iyo xasillooni u gaaro, taaso macnaheedu yahay doorasho looma baahna, isbeddel looma baahna, ama ma garan sababta 4 sano kasta doorasho loo qabanayo ama sababta loo diiday muddo kororsigiisa sharcidarrada ahaa. Haddii Musharrax cusub loo doorto Madaxweyne, ma yaqaan xilkiisa, waxayna dirirayaan RW uu magacaabo, kaddibna Barlamaanka ayaa khilaaf ka dhex abuurmaya.

Shaqada Barlamaanka ayaa ah kalsooni kala noqoshada Xukuumadda xilkeeda u gudan weysa hab waafaqsan dastuurka iyo maamulka dowladda hab cod dheeri ah;

  • Hay’adaha lacagta adduunka waxay aamineen dowladeyda inaysan musuqmaasuq aheyn. Sidaa darted, madaxweyne kale ma aaminayaan haddii la doorto;
  • Waxaan ku guuleysannay dacwada badda. Ma sheegin in Musharrax madaxweyne Xassan sheikh dacwada gudbiyay, qareennada wanaagsan ee guusha soo hooyay asagu ansixiyay iyo shakhsiyaadii kaalinta weyn ka soo qaatay guushaas. Waa dhaqan keligi talisnimo iyo xaasidnimo;
  • Dowladda Soomaaliya waxay xubin ka tahay Golaha Qarammada Midoobay ee Xuquuqul Insaanka; waxaan musharrax u nahay Golaha Ammaanka. Dhammaan sheegashooyinkaas waxay tusaale u yihiin “nin daad qaaday xumbo cuskay.” Arrimahaas ma ahan kuwo tartan doorasho lagu galo.
  • Waxaan soo celiyay Laanta Duulista (Civil Aviation), hawshaasoo muddo hore socotay, dhammaadkeedana ku soo aaday 2018-2019. Waa sheegasho inkiraad ku jirto.
  • Waxaan dhammeynay dhammeystirka dastuurka, ayadoo la og yahay in 3 sano iska soo horjeedeen oo aysan wada shaqeyn dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland.

Farmajo kama hadlin heshiiska sharcidarrada ah ee ku saabsan shidaalka; masiirka 5,000-7000 dhallinyaro Soomaaliyeed oo loo qaaday Eritrea; xisaab celin la’aanta miisaaniyadda dowladda federaalka 2018, 2019, 2020, iyo 2021; xisaab celinta la’aanta maalaayinta doolar ee Dowladda Qatar caddaanka ugu keeni jirtay; qaadka loo xiray Ethiopia oo sharcidarrada ah; khilaafka 4 sano ka dhex taagnaa dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada oo hakiyay dhammaan hawlihii mudnaanta lahaa; cunaqabateynta dhaqaale ee uu saaray Somaliland, Puntland, iyo Jubbaland; xoogeysiga Shabab oo muwaadiniinta Muqdisho jidadka looga xiray; dhibaatada ka taagan Garsoorka; maamulxumada ballaaran ee Maaliyadda ee laga soo qoray Ciidammada Xoogga Dalka, Booliska, iyo Nabadsugidda;

Farmajo waxaa la gudboon inuu ka tanaasulo musharraxnimadiisa ka hor 15 Maajo 2022 si Xildhibannada ugu mashquulaan qiimeynta Musharraxa Xilka Madaxweyne ku habboon marxaladda qallafsan ee dalku marayo. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay qarka u saaran tahay burbur iyo kala irdhow.

Dr. Maxamud M. Culusow




Analysis 22 April 2022 0:10

Finally, on April 14, 2022, the Somali people and the international partners of Somalia breathed a sigh of relief on witnessing the swearing in of the selected/elected members of the 11th Federal Parliament (FP) after one year and four months from the expiration of the mandate of the 10th FP which created absence of legitimate government and political upheavals.