10 Guradii Ka Soo Waregtay 9/11 Iyo Sidee U Saameesay Soomaalida Ku Nool US - Daawo

Keydmedia (Minneapolis) - Waxaa Maanta oo Taariqdu tahay 9/11 si weyn looga xusay Wadankaan Mareykanka 10-Sano Guuradii ka soo waregtay Weerarkii lagu soo qaday labadii Sarood ee Mataanaha ahaa ee ku yaalay Magaalada New York.
Maqaallo Keydmedia Online

Kumanaan dad ayaa iskugu yimid halkii ay ku ooli jireen labdii Sarood ee Matanaha ahaa World Trade Center oo hada loo bixiyay (Ground Zero) ama dhulkii cidlada ahaa si ay u xusaan dadkii ku dhintay weraradii Argagixiso ee lagu soo qaday September 11.9.2011.

Munasabada Xuska malintaan oo si her Qaran ah loo soo agasimay ayaa waxaa Wadoyinka Gobtaas u dhaw lagu Xiray Calanka Mareekanka iyo Masawirada Dadkii ku dhintay Weerarkaas.

Sidoo kale waxaa gobtan lagu xiray Tv-yo waaweeyn oo ay ka socdan Filimo Dokumentry ah oo ka hadlaya "sidii wax u dhacen" ama sida uu aha Jawigi Malintaasi.

Xus Qaramedkaan oo ay ka hadleen Mas'uliyiin faro badan oo ku jireen kuwii xilka talada Wadanka hayay markii uu Weerarkaas dhacay ayaa Sheegay in ay aheed xiligasi xiligii ugu xumaa ee so mara Taariqda Wadanka Mareykanka.

Sidoo kale waxaa Dadweynihii Xuskaan ka soo qeybgalay la hadlay Madax Weynaha Wadankaan Mareykanka Barack Obama oo sheegay ”Waxan Maantay halkaan iskugu nimid in aan xusno Dadkii Mawaadininta ahaa ee an waxba galabsan ee ku dhintay Weraradii Argagixiso ee halkan ka dhacay, sidaa la socotan labadii sano ee ugu danbesay waxaa ka taqalusnay Madaxa Alqacida Osama Binladen oo cadalada lagu fuliyay".

Dhanka kale G. W. Bush oo ahaa Madaxweynihii hore ee Marekanka ayaa sheegay in uu ahaa xiligaas xiligii ugu xumaa ee soo mara kursiga Madax tinimadaisa.

Aroor nimadii Sakay oo an soo maray Suuqyada Somalidu ku leeyihiin Gobolkaan Minnesota gar ahan Minneapolis si an wax uga ogado sida uu ahaa darenkoda xiligaas iyo samenta uu ku yeeshay Soomaalida ku dhaqan Mareykanka.

Qar ka mid ahaa Dadkii an wax ka weydiyay arintan ayaa ii Sheegay in ay jirtay cabsi xoogan balse ay tiro yaraayen dadka u arkay in Muslimka oo dhan soo weeraray Wadankan.

Anaguba hadaan Soomaali nahay waa ka xumeen waxii dhacay Maalintaas oo waxaan nahay dad dagan Wadankaan Nolashoodana ku xiran tahay, lakiin Anagoo sidaas Aaminsan hadana waxaa sura gal aheyd in ay ku wax yeleyaan dad carada ka badatay.

Mar walba Ciidamada Amaanka Wadankaan ayaa si wen ugu howlgalay in aysan dhicin Qasaaro intaan ka farabadan oo aan Dad an waxba galabsan oo Muslimiin ah weraradas dartod loogu waxyeeleyn. Sidaa waxaa u sheegay Keydmedia Abdulahi Alimow oo ka mid ah Jaaliyada ku dhaqan Minneapolis oo dagana wadankan in ka badan 20 sano.

C/Shakur Gurey - Keydmedia.net - Minneapolis






Maqaallo 19 October 2020 5:00

Warqadda Rai'sul Wasaare Maxamed Xussein Roble u diray Afarta Dowlad gobolleed ee Puntland, Jubbaland, Hirshabelle, Galmudug- ee taarikhdeeda tahay 17.10.2020, kuna saabsaneyd magacaabidda Xubnaha Guddiga hirgelinta doorashada heer federaal GHDHF 2020/2021, waxay abuurtay isweydiin badan: