? 20 Sano kadib waxey Sugayaan Maxkamad, Magdhaw & Raali galin! - Daawo Video Sir Ah!

DAAWO VIDEO CUSUB - (Keydmedia Online Exclusive) - Erayga "Xalay Dhalay" waa aray ey Soomaalidu Mudadaan dambe Isticmaasho, waxaana Isticmaalo oo Eraygu kasoo yeeraa Midka Dambiga geestay oo aan dooneyn in lala xisaabtamo. Wuxuu yiraahdaa "War-aan Xalay Dhalay ka dhigno oo aan iska iloowno horeynah u socono, waa wax lasoo dhaafayee".
Maqaallo Keydmedia Online

Markii Eraygaas laga fiiriyo xag Islaamnimo, xag Soomaalinimo, xag Midnimo iyo xagga Saburka waa haboontahay in wixii xumaato la soo maray aan Dib loo fiirin ama aan Dib loo gocan, hase ahaatee waxaa dhacday in Midkii Dambiga galay meshuu Raali galin ka bixin lahaa asagii baa wuxuu yiri "Anigaaba Dambi la iga galay oo Dulmane ah sidaa daraadeed waa in la i Raali galiyaa"

Filimkaan Taarikhiga ah wuxuu xambaarsanyahay Dhaxalkii Dagaaladii Sokeeye, waxaana ka muuqda Dumar, Caruur iyo Rag shalay ku nagaa Dagaankoodi kadibnah laga soo Barakiciyay. Dhmaantood wey faromaranyihiin oo waa Sabool.

Abayaaloow Dadkaas Maantay ma noolyihiin? Inteeseh Maantay ka nool?

Ma Mudantahay in la isweydiiyo oo Raali galin laga bixiyo falkaan?

Dadkaan waxey kasoo Barakaceen: Baay, Baydhabo, Qansaxdheere, Waajid, Habare, Baardheere, Buurhakabo, Kismaayo, Bu'aale, Saakoow & Jilib. 

Fadlan Ra'ayigaaga noo soo Gudbi (Xariir@Keydmedia.net ama Info@Keydmedia.net)

Daawasho Wacan:-




Maqaallo 19 October 2020 5:00

Warqadda Rai'sul Wasaare Maxamed Xussein Roble u diray Afarta Dowlad gobolleed ee Puntland, Jubbaland, Hirshabelle, Galmudug- ee taarikhdeeda tahay 17.10.2020, kuna saabsaneyd magacaabidda Xubnaha Guddiga hirgelinta doorashada heer federaal GHDHF 2020/2021, waxay abuurtay isweydiin badan: