Allow kudka aan qanje noo bedelin!!

Xuuraanka siyaasadda Soomaaliya ruuxii si hagaagsan ula socdaa, wuxuu dareemayaa in Ra’isul wasaare Cumar C/rishiid uu ku jiro afartankii ugu danbeeyey cimriga xilkiisa xilligan, waxaana dhagaha dadka maalmahaan danbe si talan taalli ah ugu soo dhaceyey codod u eg kuwa xanuunka sakaraatku qofka uu hayo lagu yaqaano, oo dadka Soomaaliyeed ay durbaba ay ku xasuusteen kuwii isaga ka horeeyey ee cudurada haleeley gabanka ina C/rishiid ah ay kol hore ku dhaceen kuwaasoo kala ahaa Cali Geeddi, C/hi Yusuf iyo Adam Madoobe, calaamadaha caanka ah ee cuduradaasi lagu yaqaano waxaa ka mid ah qandhada ka qeylisiineysa ina C/rishiid sida shirar jaraa’id oo waqtiyo kala duwan oo isu dhow-dhow la qabto, isla markaana hadallo isku mid ah laga sheego, kuwaasoo kala ah qeyo-dhaan waa warey, yaa tol ahey, car, wir, booto, casho qaadid, qado, afur sameyn, laaluush bixin, iyo safaro dawladaha lagu tago oo laga dalbanayo iney arinta ku soo baxaan.
Maqaallo Keydmedia Online


Aan dib ugu laabto taariikhda khilaafka Madaxweyne Shariif iyo RW Cumar, wuxuu ka soo bilowdey heshiiskii Gaalkacyo ee ka koobnaa 15-ka qodob kaasoo dad badan oo Soomaali ahi u arkeen sadbursi ay isku saxiixeen niman ilma adeer ahi, oo ilaawey mas’uuliyaadka ay u hayaan Soomaali weyn iyo in xuquuqda dalka iyo waxqabaka dawladda dadka iyo deegaanada Soomaaliya ay u wada siman yihiin, arintaasoo madaxweynuhu uu ka biya diidey qodoba qaar.

Waxaa ku xigey bedelkii taliyahii Ciidanka Xoogga Soomaaliyeed General Siciid Dheere, lagu bedeley Jeneraal yuusuf Dhuumaal, ayadoo lagu eedeeyey Siciid Dheere in uu hubkii dawladdii C/hi Yuusuf ka tagtey ee uu mas’uulka ka ahaa uu asagoo ka faa’ideysaneysa waqtigii kala guurka labada madaxweyne uu u tallaabsiiyey dhanka kooxda caanoole iyo shabaabka, ciidamadana uu u ku qalqaalin jirey iney dhanka mucaaradka u tallaabaan, ugu danbeyn maalintii xilka uu ka qaadey madaxweynuhu ku tallaabsadey arin iska horkeen ciidanka iyo madaxweynaha ka dib markii mushaar loogu dhiibey uu ciidanka qaarna siiyey, qaar kalena ku yiri u doonta madaxweynaha waxba idinma hayee, taasoo keentey in ciidankii oo gadoodsan madaxtooyada qalqal ka ridaan, ayadoo uu isla maalinkaaba Sh.Shariif go’aansadey in uu xilka ka qaado Siciid Dheere, isla markaana uu Ra’isul wasaare Cumar isku dayey inuu daafaco laakin uu ku guul darreystey.

Waxaa taa ku xigtey inuu soo jeediyey in jagadii uu baneeyey Siciid dheere loo magacaabo nin isla reerkiisa ah, taasina ay ka suurtoobi weydey dhanka madaxweynaha.

Wixii intaas ka danbeeyey oo ku beegneyd bartimihii sanadkii 2009, labada mas’uul waxey ku wada joogeen calool xumo iyo isjilaafeyn biyaha hoostooda ah, taasoo inta badan ka socotey dhanka RW-Cumar, asagoo hor istaagey isbedel lagu sameyn lahaa maamulada Dekedda Muqdisho, gobolka Benaadir, Agaasimayaasha wasaaradaha, safaaradaha dibadda, iyo u maamulidda dhaqaalaha dawladda qaab hufan oo lagu kalsoonaan karo.


Waxey arinta khilaafkoodu si arsmi ah ay u soo ifbaxdey markii madaxweyne shariif uu ku dhawaaqey inuu soo magacaabayo RW-cusub, uuna bedeley C/C/rishiid, laakin maalin ka dib hadalkii Shariifka waxaa jawaab kulul ka bixiyey mudane Cumar oo “maya” adigu waad I keentaye ima bixin kartid, taasoo madaxweynaha ku keentey weji gabax iyo inuu mar kale warbaahinta ka hor caddeeyo inuu qaldamey, arintuna sida uu moodayey aysan aheyn, laakin waxaa muuqa inuu darsi ka bartey ah in meesha uu soo marayaa haddii uu doono xil ka qaadista RW ay tahey barlamaanka.

Khilaafka ugu weyn oo dhabanka madaxweynaha dhulka lagu jiidey wuxuu ahaa isku shaandheyntii golaha wasiirada xukuumadda lagu sameeyey bishii July 2010, oo dibadda la dhigey wasiiradii lagu tuhmayey madaxweynaha iney garab ahaan iyo gacal ahaan xigaan, taasoo ay wada fuliyeen Shariif Xasan iyo ina C/rishiid, ayagoo cuskanaya heshiis uu farsamyaqaan ka ahaa Shariif Xasan oo ahlunna lagula soo saxiixdey Adis abab, tanoo madaxweynuhu uu isku dayey inuu badbaadiyo ragga jaalkiisa ahaa laakin uu ku guul darreystey hakinteeda xataa asagoo tuute dagaal gashan waa awoodi waayey.

Wixii intaas ka danbeeyey arintu barako ma leh ayey tagtey, waxeyna labaduba soo istaageen “haatan ma wada shaqeyn karno madaxweynaha” iyo “mugga Cumar inuu baxo waaye ”labada mas’uul dhufeys aan ka liidan kuwa alshabaab iyo dawladda ciidamadeedu ay isugu jiraan ayey ayuu mid walba dhankooda ka qotey, waxaana u kala dab qaada guddoomiyaha labada aag Shariif Xasan oo ilaahey fariimaha uu u kala gudbiyo waxa ay xambaarsan yihiin, wax shaqo oo la xusi karana maba lagu dhaqaaqin muddooyinkaan danbe.

Hawsha koowaad oo go’aan u baahneyd oo mudadaan soo baxdey waxey aheyd markii la soo bandhigey waxa loogu yeerey qabyo qoraalka dastuurka iyo hal mar oo dadku ku baraarugeen qeylo-dhaanta RW-cumar iyo sharaxaadda is diidan ee madaxweynaha iyo RW-hu ay ka kala bixiyeen qaabka loo ansixinayo qabyo qoraalkaas, taasoo keentey in madaxweynuhu uu wacad ku maro inuu gacanta la galo farsamadii loo bedeli lahaa Ra’isul wasaarihiisa ku madax adkaadey, ololaheedana hadda si cad looga dareemayo magaalada Muqdisho iyo masraxa siyaasadda Soomaaliya..

Haddii aan u soo daadeego nuxurka qormadeyda oo ku qotanta haddii ay dhacdo la bedelo Cumar C/rishiid, su’aasha imaaneysa waxey tahey “ waa kuma Ra’isul wasaaraha cusub ee bedleli doona Cumar”????? maxaa lagu xulanayaa? Xagee buu ka imaanayaa?? Yaa wata ama wada?? Yaa lagala tashanayaa??

Dhamaan su’aalahaas oo dhan waxaan u soo bandhigaynaa in la isweydiiyo, qol mugdi ah wixii lagu qoosho, qiil looma heli doono qaladkooda danbe sida hadda dhacdey oo kale, waxaan xasuusanaa talada reer Muqdisho iyo beelaha bartamaha iyo koofurta Soomaaliya ay siiyeen haddii ay odoyaal lahaayeen, culimo, waxgarad intaba intaan la soo magacaabin Cumar C/rishiid, laakin uu Sh.Shariif uu ku gacan seyrey dadkaas xog ogaalka taladooda, maantana uu la daalaa-dhacayo taladii uu diidey.

Gabagabada qormada waxaan kula talinayaa Madaxweynaha inuu indhaha furo markaan, taladaza uu badiyo uuna umadda ka joojiyo “ready made prime minister” Raisul wasaare iska sii diyaarsan oo qolo ay wadato ama dawlado gaar ah loogu adeegayo, miisaanka uu saarayana ay noqoto dhibka umadda heysta ruuxaan ku farxeyn ee ka damqaya, iyo qof ka dhashey deegaamada dhibku ka jiraan ee bartamaha iyo koofurta Soomaaliya, isla markaana taariikh nadiif ah, aqoon iyo karti leh.

Haddii ay noqoto wax intaas ka duwan waxey noqoneysaa inaan waxba laga baran duruustii la soo qaatey, iyo dhibkii la soo marey, ay noqon doonto silsiladdii dhibka oo haddana dib u soo bilaabata, iyo rajada umaddu ay qabto uu la burburiyo.

Dr. Demxam - Keydmedia.net Correspondent London




Maqaallo 20 July 2021 9:59

Maamulka Warbaahinta Keydmedia Online, waxaa ay bulshada Soomaaliyeed ee muslimka ah ugu hambalyeynayaan munaasadda Ciidda Adxda.