ALLOW YAA I WAREESTA!!!

Xamar baa ley yiraa, xoga ogaal ayaan ahay, xogbadanna waan hayaa, xusuustana ma beylihin allow yaa i wareesta!! oo warar iga duubo geeyana dunida daafaheeda eraydaas waxaan ka soo xigtay magaalada Xamar oo xaaladeeda xiligan ay aad u qalafsantahay.
Maqaallo Keydmedia Online

Waxaan ahaa miskiin koriso, Maata daryeesho, marti soorto, laakiin maanta waxaa la ii yaqaan goob intaas iyo in kaloo ka badanba ay dhibaato ku mudato, maxaan meyd marti galiyay, maxaa qabuur leyga qoday, maxay maras iyo maato igu dul ooyeen anse maxaan ka ciishooday urugada iyo uur ku taalada intaa la eg.

Sugaanto waa bad baaxad weyn isla markaana hal abuurka waxa ay cabiraan waxyaabo aanay arkeyn dadka caadiga ah, waxaana la yiraahdaa hal abuurka waa afku leeblayaal oo waxyaabaha ay tilmaamaan wax uun baa ka hirgali, wallow mararka qaarna ay hal abuurka si duurxul ah iyagoo erayo ka duwan xaalada ku tilmaama waxyaabaha ay arkaan sida iyadoo Gabar loo heesaya oo Gee lama faras lagu hal qabsado.

Abwaan Max’ed Ibraahim Warsame (Hadraawi) waxa uu ka mid yahay sugaanyahanka Soomaaliyeed ee inta badan hal abuura Suugaanka macnaha xanbaarsan , waxaana ka mid ah Suugaantiisa Gabay uu ugu magac daray XAMARAY MA NABAD BAA?.

Bal aan eegno qeyba ka mid ah Erayada Gabaygaasi iyo sifaalaha uu Abwaan Hadraawi ku tilmaamay Xamar.

?Ayaabkii cir da'ayeey
Daruur shaalka xayddaay
Xulad geenyo ugubeey
Darmaan xoosh u dhalataay
Xil-dhibaanka nabaddaay
Xajkii Geeska Bariyeey
Cadceeddoo xab-bururtaay
Marna xabag barsheeddii
Nafta xiisa gelisaay
Xudduntii dhulkaygaay
Xaruntii dadkaygaay
Xamareey ma nabad baa???

Bal aan si gaar ah isula eegno sadarka ku asteysan eryaga (NAFTA XIISA GELISAAY), maanta sidaa ma ahaa oo waxaa jira isbadal balaaran, waxaana hubinta ah in Nafina aanu xiisa u soo qabaneyn xamar iyo dhankeeda, isma badalin Magaalada, balse duul kalaa yimid oo dhalan rogay dhaqankii Magaalada ay laheyd isla markaana sharafkeedii baabi’yay, waa kuwa aan aqoon Qiimaha iyo istaraatiijiyada ay leedahay Caasimad leh caalamaadaha ay kulan satay magaaladan, Bad, Webi, Cadceed joogta ah, Cimilo dhexdhexaad ah, dhul beereed aan fogeyn waa astaamaha ay caasimadaha dunida uga gaar tahay caasimadan laakiin yaa daryeelaya oo u diirnaxaya?.

Ficilida guracan ee dharaar walba iyo Galabnimadeeda ka dhaca Magaaladan inta laga warhayo ma ahee waxaa jira kuwa ay iyada iyo kuwa falaya si gaar ah u ogyihiin isla markaana hadii laga wareysan lahaa war sugan oo macna leh ayeey dhiib laheyd Xamar.

Bal iminkana aynu eegno  isu dhiganka xaalada Muqdisho erayo Suugaaneed uu hal Abuuray  Abwaan Hadraawi kuwaa oo ka qeyb ahaa maanso uu abwaanka ugu magac daray Wariyaha Socdaalka:

Wiyil dabarka goysiyo
Hadba umal wallacay baan
Werdigooda rogayaa
Libin fool waliishiyo
Hadba maalin weyn baan
Wanankeeda loogaa
Xinjir wararacdeediyo
Hadba guul washiranoo
War wareeg ku dhalataan
Walqasheeda tiriyaa

Saxaafadda Dal iyo dibad meel ay joogtaba waxa ay inta badan diirada Saartaa warinta wararka la xiriira xaaladeyda laakiin waxaan ka uur xumaadaa marka aan arko ama maqlo Saxaafadii uu aan si qota dheer uga hadleynin xaaladeyda isla markaan aan aniga i xog wareysaneyn Alle ma ley wareesto.!!

“Waxaan ku shakiyay in Saxaafadda gudaha Sababta ay uga aamusatay warinta xogta ila xariirta  ay tahay laba arimood kuwaas oo kale ah, waa mide cabsi ay ka cabsaneyso ka hadalka xaqiiqda iyo tan labaado ah iyada oo cid walba oo aan hubeysneyn ka warankeeda ku xirta Lacago ay u yaqaanaan bahda saxaafadda ka howl gasha (SHARUUR) oo marka la sarifo ku macna  ah laaluush”, Muqdisho ayaa sidan tiri iyada oo muujineysa qalb jabka ay ka qaaday Saxaafadda gudaha.

“Tan dibadda waxa ay ila tahay in ay qandaraas iyana ku qaadatay buunbuuninta kooxaha aan danta u hayn bulshada, waxaan maqlay, akhriyay, Daawaday wareysiyo ay TV-yo, wargeysyo, Wakaalado iyo Idaacado caalami ah ay ka qaadeen kuwa i qaribay, sooma aheyn in hadii dhib wade warkiisa la helay dhibanana la wareesto” Muqdishaa mar kale tiri.

Sheekada marakay halkaas mareyso ayaa Muqdisho ku soo hal qabsato Erayo Suugaaneed uu Abwaan Hadraawi ujeeda jaceyl u sameeyay balse iyada ay qaab uur ku taalo muujin u xigatay bal ila akhri erayadaasi iyaga ah.

Walaac anigoo ku seexday
maxaan walbahaar la toosay
wareer anigoo la liita
maxaan werwerjiifi waayey.
Maxaan sida weer cadhaysan
saqaa dhexe gaaf-wareegey,
intuu waqal ii hillaacay
maxaan kula rooray weelka,
u baydhay wadiiqo leexsan
wakhtigu i tilmaami waayey.

Muqdisho sanadihii u danbeeyay waxaa soo maray dhacdooyin isdaba yaal ah oo uur ku taalo huwan,kuwaasoo qaarkood aan la soo bandhigin isla markaana leyskaba hilmaamay, waxaana leys oran karaa sababta xiligan keentay in Magaalada ay u holato Wareysi in laga qaado ay tahay ciil gaamuray iyo caloolyow fogaaday.

Dadka lafa gura arimaha xasaasiyada xanbaarsan waxa ay sheegaan in kaa aamuska ficilada xun aakhirka laga dhaxli karo cudur ba’an oo aan sinaba looga bogsan Karin, waxeysa ila tahay inta aan la gaarin xiligii ciil dartii ay la bukoon laheyd Magaaladeena in ay haboontahay in la wariyo waxa aragtideeda iyo sida ay la tahay isbadal inuu ku imaan karo, waayo waxaa suurta gal ah in alle uu aragtida Magaala Madaxdeena daawo noogu daro.

Waxaa ku soo agmayaa qoraalkeyga Saxaafadey Muqdisho hala wareesto warsugana ha laga keeno iskana bari yeela eeda ay idinka tabaneysa ee ah in aad hilmaanteen ka hadalkeeda,.

Qore: Seeko  
Email:mrseeko@live.com

www.keydmedia.net

 




Maqaallo 22 February 2021 13:48

Dowladda uu waqtigeedu dhamaaday ee Farmaajo hoggaamiyo ayaa 19/2/2021, magaalada Muqdisho galisay qalalaasihii ugu xoogganaa oo nuuciisa oo kale aan taariikhda la warin, waxayna joojiyeen mudaharaad nabadeed oo ay ku dhawaaqeen Golaha Midowga Musharixiinta.