Qeybta 2aad

Aniga iyo Muqdisho

Maqaallo Keydmedia Online

Akhriso marka hore Qeybta koowaad ee Qormadda | Ha yeeshee, muddo yar ka dib waxa aan ku baraarugay xaqiiqda dhabta ah iyo waayaha runta ah ee ay Muqdisho iyo dadkeedu dhexjibaaxayaan. Bartay oo arkay Muqdisho iyo muuqaalkeeda runta ah ee ay beryahaan ku sugnayd oo caad ismarin.

Aniga iyo Muqdisho

Soo taabtay salka xeeradii aan Mudug uga soo dalaabay. Dhadhamiyay oo dhadhansaday miraha geed-qaraarkii hoggaamiyayaashii Soomaalidu ku beereen guriga buurta ka dhakoola ee dhanka bari iiga muuqda, ayaga oo dacar ka qaraar.

Noloshayda markii ugu horraysay indhaha saaray qof dhintay, dhintay kaliya ma ahan’e hortay nafi ku qurbaxday ka dib markii tareeso leeftay. Fiiriyay, oo inta iri “Alla waa uu dhintay!” haddana iska sii watay fiiqsiga koobkii shaaha ahaa ee caanageelka lagu caddeeyay.

Qabuuraha ku soo daray ruux saacado ka hor i la qoslayay. Aniga oo aan qiblayn iilna u qodin ciid ku soo rogay ka na soo dhaqaaqay qof saacad ka hor xayi ahaa. Waa halkii Abwaan Abshir Bacadle ka lahaa:

Dariiqyada waxaan kaga dusnaa Daa’imow magane
Nin waliba halkii dani dhigtaan kaga dareernaaye
Sidii maydka loo duugi jiray haatan laga daaye
Iilkii daboolna ma jiro ama dahaarnaaye
Naf baa diidday luxudkoo god baan dalaq ku siinaaye
Afkaan ciidda kaga daadinnaa kana dareernaaye.

Waxa aan xasuustayda weli ka go’in Maxamed Dalabshaan oo ka mid ahaa darawallada baabuurta caasiyada (hoomey) ah ee jaadka ka soo qaadi jiray garoonnada nambar konton (kilometer 50) iyo Dayniile oo subax aroortii asaga oo faraxsan nooga tagay garaashkii iyo kaalintii shidaalka ee habaryartay Ardo ku lahayd Baarubax saacado ka dib na maydkiisa oo xaaji khamsiin saaran na loo keenay.

Mooryaan marqaansan oo hubaysan ayaa iridda hore ee garoonka nambar konton sabab la’aan ugu toogtay. Maxamed waxa uu ahaa aroos beryahaas guursaday. Markii maydkiisa la geeyay guriga hooyadiis, waxaa weli ii muuqda Maxamed aabbihiis, Dalabshaan murugtii wajigiisa ka muuqatay. Inkasta oo aabbahaas wajigiisa ay ka muuqatay murugta iyo caloolxumada uu ka qaaday geerida wiilkiisi curadka ahaa haddana waxa uu u muuqday nin bilaa shuruud ku aqbalay dhimashada, taas oo uu kala mid ahaa qof walba oo maalintaas Muqdisho ku noolaa. Aniguna xaqiiqdaas oo subaxii aan Muqdisho imaanayay iga maqnayd ayaan si tartiib-tartiib ah ayada oo qaraar u laqay.

Muqdishada aan imid waxaa xukumayay oo ay u kala xirnayd hoggaamiye-kooxeedyo waxa ayna ahayd meel jaantaarogan ah iyo meel bini’aadan ku noolaado tan ugu xun. Malleyshiyo beeleedyo hubaysan oo wata Cabdibilayaal qoryo ku rakiban yihiin ayaa jid walba jidkooyo iyo isbaaro u taallay. Malleyshiyaadkaani waxa ay daacad u ahaayeen hoggaamiye-kooxeedyada magaaladu u kala qaybsanayd.

Waxaa caadi iska ahayd maqalka dhawaqa rasaasta iyo aartillariga, iyo in aad aragto maydka qof dhintay oo jidka yaalla. Waxa aan xasuustaa galab aniga iyo koox aan isku iskool ahayn, annaga fadhinna maqaayad shaaha laga cabbo oo jidka soddonka ku taallay afkana ku hayna shaah caanageel lagu caddeeyay, ayaan u jeednayd nin gacan bastoolad ku haysa gacanta kalana hoosguntiga darafteeda ku haysta oo laamiga bartankiisa ordaya.

Waxaa kulmay araggii aan ninka indhaha ku dhufannay iyo dhawaaqa xabbad dhacday, iyo ninkii oo dhulka ku dhacay. Ma sheegi karo in aan ka baqnay in na la toogto iyo in aynaan kala jeclayn’e u ma aynaan dhaqaaqin ninkii xabbadda la kabbiyay, waxaan se habeenkii maqalnay in ninka ay toogteen saaxiibbadiis ay isku dagaaleen lacag leejo ah oo ay faashleyda jaadka laamiga ku iibiya ka qaateen.

Dhaca, isbaarada iyo dilkuba waxa ay Muqdisho ka ahaayeen wax iska caadi ah oo nafta iyo indhuhuba iska la qabsadeen dadkuna aqbaleen.

Maalin kale waxa aan arkay nin mayd ah. Waxaa la ii sheegay in ninka dhintay oo bastoolad ku baaranayay (dhacayay) dadka suuqa Bakaaraha ka soo baxaya iyo kuwa gelaya, laakiin waxaa toogtay nin bastoolad ku hubaysnaa oo uu damcay in uu baarto.

Miskiin mooryaan ah. Maalintaas maalintiisi ma ahayn, qof khaldan buu ku aaday. Ka dib saacado badan oo maydkiisu laamiga yaallay, waxaa gaarigacan u qaaday nin kale ma na ogi meel uu la aaday.

Cali M. Diini




Maqaallo 14 October 2021 8:20

Afar sanno ayaa kasoo wareegtay Qaraxii Isgoyska Zoobe, oo dhacay 14-kii October 2017, kaaso noqday midkii ugu dhimashada badnaa oo abid ka dhaca wadanka Soomaaliya, iyadoo ay ku dhinteen inta la xaqiijiyay oo ay dowladda faafisay dad gaaraya 632 ilaa 1000 qof, halka 316 kale ay ku dhaawacmeen.